Xusuustayda markii iigu horaysay Daauud Cali Masxaf (WQ: Ayaanle Boobe yuusuf)

Inaalilaahi  wa inaa ilayhi raajacuun kuli nafsi daa’iqatul mawt waxaa imika lay soo sheegay inuu magaalada jig jiga ku dhintay mulaxankii wayna daa’uu cali masxaf ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo xawdkii nabiga kuwii ka caba ilaahay ha ka dhigo.

Daa’uud cali masxaf aragti ahaan waxaa iigu horeysay 2015 magaalada Djibouti, goor fiida anakoo wada joogna kabanays taha wayn caankaa caydaruus ayaa waxaa uu ii sheegay hees aan markaa watay in daa’uud laxanka u samaynayo barina aan is arkayno. Cadydaruus dhana saaxiib ayaanu ka ahayn dhana family inkastoo aad iiga wayn yahay laakiin is fahamku da kuma xidhna caydaruus waanu balanay sidii ayaanu ku kala tagnay maalintii danbe ee balanku ahaa ayaan isku nimid sadex nin oo raga kabanka aad loogu ixtiraamo soomaali guri ku yaal Djibouti, goor duhura ayay ahayd, waxaanu wada joognay aniga, cabdiraxmaan sakhraan oo nin laxamada uu sameeyo aad looga jecel yahay dalkaasi Djibouti iyo soomaliba kabankana tumistiisa aan yaraysan, caydaruus oo isagu balanka isu imaan shiyahaba fuliyay, sankuus oo fanaan cod tolmoon oo Djibouti aad looga jecel yahay codkiisa balse reer muqdisho ah iyo inan piano tuma ama organka oo aanan imika magaciisa xasuusan. Anakoo waxooga sidaa u joogna oo sheeko iyo kaftan socdo ayaa albaabka la garaacay, caydaruus ayaa yidhi waa daa’uud. Daa’ uud aragtidiisa xiiso badan ayaan u qabay oo dhagahayga waxa ku batay hees heblaayo waxaa laxamka saaray daauud, daauud wuu soo galay laakiin mataankiisii oo kabanka aha muu sidan halkii ayaanu isu baranay waxoogaa ka dib labadii heesood een siday ayuu keen igu yidhi mid ka mida wuu laxameeyay isla habeen kiiba tii kalana wuu qaatay aniga soo dhamaynaya ayaan ku kala tagnay.

Ilaa 10 cisho maalin walba daa’uud waan wada joognay heestii labad markii uu soo dhameeyay ayaa sidii lagu tumaya, daauud dhawrkaa cishee aan wada joognay xog aad u badan oo fankaa ayuu iga sheekeyay heesaha uu laxameeyay, waxii ii sheegay ruwado badan heesaha ku jira inuu kaligii laxameeyay oon cidi ugu iman. Waa darajo la gaadho hadii aad maqashay ruwaayad heblaayo abwaan hebelba kaligii sameeyay, heesaha ku jiro oo dhana ragbaa laxam kooda isku fuuqsaday. Mar iyo laba ayaan ka codsaday inuu kaban noo tumo gacantiisa macaan waxuu qadaay waan xasuustaa laba heesood, heesta saylo guyaal badan iyo iska daan daansho. Markuu tumayo kabanka waxaad arkaysaa inaanay dhiba ku hayn oo aad arkayso si kasta inuu kabanka uga dhaawjinayo, wax kale kuma garatide wuu ku tax taxaashayaa. Buuga jaamac xayd ee sawirkiisu idiin muuqdo oo uu qoray aabo qofkii ugu horeeyay ee gacantayda soo galiya daauud cali masxaf buu ahaa maalintii ugu horeysay markaanu is baranay maalintii ku xigtay ayuu bac ii dhiibay markaasuu igu yidhi hadi yadaa adaa iska leh waan saaray waan arkay waanan u mahad celiyay, waxii iig sheekeeyay shaqsigaa buuga laga qoree jaamac xayd inay walaalo ruma ahaayeen oo uu noloshiisha gaarkaa iyo tiisa faneedba abaal aan la gudi karin ku lahaa waxaan xasuustaa markuu iiga sheekay nayay intuu foorarsaday inuu cod hoose ku yidhi ayaanlow maalintuu jaamac dunida ka tagay gabal baas baa ii dumay, laba kastoo saaxiiba oo is jecel wadbaan dayn waa kuwaa mantaba labadoodiba xabaal galeen. Qof af gaaban miskiina ayuu ahaa dadka aad u kala yagaan sheekooyin kiisa aanad dhegta xoqnayn wax badan oo fanka ah u soo joogay. Ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo xawdkii nabiga kuwii ka caba ilaahay ha ka dhigo. Amiin aamiin.