Yaa leh awoodda ruqsad bixinta Warbaabinta Somaliland? (WQ: Saleebaan Xaashi)

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, waxa uu magaacabay guddi uu ku sheegay in ay yihiin guddida dib u eegista iyo  cusboonaysiinta ruqsad bixinta Saxaafadda Somaliland, kuwaas oo ah shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Somaliland Warbaahinteedu ma haysataa Ruqsad?

Warbaahinta Somaliland ka shaqaysta iyo kuwa xarumaha ku leh, ma jirto ruqsad ay haystaan, laakiin waxa ay ku shaqeeyaan oo ka diiwaan gashan yihiin Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Somaliland, oo siisa warqada rasmiga ah ee ay ku shaqeeyaan, ka hor inta aanay tegin Xeer Ilaalinta waxa warqad ogolaansho ah siisa Wasaaradda Warfaafinta, taas oo ay la tagaan Xeer Ilaalinta oo iyaduna bixisa warqada u dambaysay ee Xarunta Warbaahineed ku hawl galayso.

Awooddan diiwaan gelinta Warbaahinta waxa Xeer Ilaalinta siiyey oo jideeyey Xeerka Saxaafadda ee27/2004.

Qodobka Lixaad iyo ka toddobaad ee Xeerka Saxaafadda ee dhaqan galka ah ayaa sheegaya diiwaan gelinta Warbaahinta iyo shuruudaha looga baahan yahay

Maxay markaa cusboonaysiinaysaa Wasaaradda Warfaafintu?

Wasaaradda Warfaafintu ma jirto Ruqsada rasmi ah oo ay bixiso, marka laga tago warqad ogolaansho ah oo ay Xeer Ilaalinta ku socodsiiso, si loo diiwaan geliyo xarunta warbaahineed.

Markaa haddii aanay jirin ruqsad Wasaaradda Warfaafintu siisay Warbaahinta iyo Weriyeyaasha, maxay dib u eegis iyo cusboonaysiin ku samaynaysaa?

Sida Xirfaddaha kale ee Dhakhtarnimada iyo Garyaqaanimada  ay u jiraan  Guddiyo xeer jideeyey oo ruqsadaha bixiya, Saxaafaddu weli taasi malaha, waana meelaha imika lagu soo daray xeerka cusub ee Wasaaradda ee Horyaalla Golaha Wakiillada, in la helo Komishan amma guddi Mihnadlayaasha warbaahinta iyo Weriyeyaashaba siisa Ruqsad in lagu soo daro, sida Xirfadahaas kale.

Awoodda ruqsad bixinta Xeerkan Cusub ee Golaha Wakiilada horyaalaa, waxa uu siisay guddi la mid ah kuwa bixiya ruqsadaha xirfadaha kale ee laga lagaga shaqaysto.

Guddidan maxay samayn kartaa?

Madaama oo aanay jirin awood iyo xeer siinaya waajibaad cad oo ay qabtaan, ma muuqato shaqo ay qaban karaan, wax keliya oo ay samayn karaa waa in Warqadii Ogolaansha ahayd ee Xeer ilaalinta lagu socodsiiyey in ay weydiiyaan Warbaahinta.

Madaama oo arrinta ogolaanshaha iyo diiwaan gelinta Xarunta Warbaahineed lafteeda aanay dadku u sinayn oo qofkii la doono la siiyo, qaarna laga hor istaago,  halkan walaac ka iman karaa waa in guddidan shaandho  mariso Warbaahinta Diiwaan gashan, madaama oo muddadii Kulmiye joogay, Warbaahin badan oo dano siyaasaddeed loo samaystay ay jiraan, kuwaas oo imika halis ay u aragto Xukuumaddu.