Yaa Qorey Khudbaddii Madaxweynaha? (WQ: Garyaqaan Cabdiqani Mandela)

Hal-abuurka iyo curinta khudbadduhu waa hibo iyo farshaxanimo dhista hadalka madaxweyne-yaasha iyo madaxda sare ee dawladdaha. Dadka leh hal-abuurka qorida khudabadduhu waa in ay magac iyo sharaf ku dhex yeeshaan hab-maamuuska heykalka dawladnimo oo loo bartaa sidii loo bartey kooxdii  khudbad-qorayaasha Obama OST (Obama speech writers team). Waa in ay noqdaan dad tilmaan oo lagu hirto, hal-abuurkooda iyo hankooduna dhiirigaliyo qoraayadda iyo dadka jecel in ay khudbadaha curiyaan. Xafiiska iyo kooxda madaxweynaha u qaabilsan diyaarinta khudbadduhuna noqdaan waax iyo xafiis qofku ku hamiyi karo in uu maalin ka mid noqdo. Hadal madaxweyne siddeedaba waa sawirka laga akhrisan karo sida dalkaasi u eeg yahey marka ay maqlaan cid aan aqoon dalkaagu.

 

Aan dulmaro OST (Obama speech writers team) waxey ahaayeen koox leh curin heersare ah oo hadalka madaxweynaha dalkooga ka dhigey ka ugu saameynta badan caalamka! Waxaa kooxdaas  ka mid ahaa David Lit oo 24 jir ahaa markii uu shaqadda kusoo biirey, Lit da’a yaraantiisa lama eegin oo lama odhan qof da’diisu sidan u yar tahey laguma aamini karo hadalka madaxweynaha ugu awooda weyn Galbeedka ee waxa la tixgaliyey kartida iyo aqoonta hibbadu ku ladhan tahey ee uu u leeyahay khudbadaha, waxa isna ahaa madaxii isku-dubaridka khudbadaha ee Aqalka-cad Jonathan Edward Favreau 2008-2012, Steven Krupin oo noqdey agaasinka khudbadaha ee ollolaha doorashadda madaxweyne Obama wareegiisii labaad, Ben Rhodes oo ahaa lataliyihii istaraatiijiyada isgaadhsiinta qoraalka iyo hadalka ayaa isna wax ka  qorey khudbado cajiib ah oo dhagaha dadka soo jiitey sida: khudbadii Qaahiro ee (A new beginning) iyo Booqashadii Baarliin. Marwo Sarada Peri oo aheyd kaaliyihii khudbadaha ee Madaxweyne Obama, Adam Frankel iyo Cody Keenaan ayaa ka mid ahaa ragii layaabka ahaa ee soo marey kooxda khudbad-qorayaasha Obama. Dadka ugu badan ee xafiiskaas ka hawlgalayey waxey u badnaayeen dad da’doodu ka yar tahey 40 jir.

 

Haddaba khudbadii madaxweyne Biixi ka jeediyey shirka wadahadalada Soomaliya iyo Somaliland ayaa keentey hadal-heyn badan oo dadka dhexdooda ah ka dib markii falanqeeyayaasha siyaasaddu ku dheeraadeen.

Ka cabdiqani ahaan markii aan dhuuxey khudbada madaxweyne Biixi waxa isoo baxdey farshaxanimada hadal, doodda iyo garnaqsiga cilmiyeysan, xigashadda qaanuunka iyo sababeynta doodda Somaliland, waxaan ka marakacey awoodda iyo hal-abuurka shakhsiyaadkaa ku nuuxnuuxsadey in ay qalin ku dhigaan dareenka iyo rabitaan dad badan oo Somaliland ku nooli qabaan.

 

Madaxweyne Biixi, oo dadka ka faalooda siyaasadda iyo tallaabooyinka  xukuumadiisu ku tilmaamaan khudbadihiisa kuwo galo-ka-fuul ah oo aan u bisleyn in lala wadaago garaadka siyaasad ahaan korey ayaa soo dhaweeyey khudbadiisii furitaanka shirka Jabuuti. Diyaarsanaanta madaxweyne Biixi marka laga yimaad khudbadiisa waxa laga arkayay doodda wafdiga, inkastooy dhacdey kala-hadal waftiga dhexdiisa ah oo loo baahna in la igmado qof qaabilsan xidhiidhka iyo la-hadalka warbaahinta, balse may dhicin.

 

Dullucda su’aasheyda  ayaa ah, yaa qorey khudbadii madaxeyne Biixi ee furitaanka shirka Jabuuti? Su’aashaasi waxey ka dhalatey sidii dadku uga falceliyeen khudbadda madaxweynaha taasi oo wax badan ka tartey heybadii iyo hadalkiii madaxweynuhu la shir tagey.

 

Khudbaddan oo ku qorneyd Afka-ingiriisiga ayaa aheyd tii ugu mudakarsaneyd ee hadal uu ee ku jeediyey luuqad qallaad, intii aan maqlayay khudbadaha madaxweyne MBC.

 

Madaxweyne Biixi ayaa marka uu ku khudbadanayo afka soomaaliga u muuqda mid aan diyaarsaneyn muhiimad gaarana aan saarey saameynta, quruxda iyo fariinta khudbaddu ka tageyso. Kooxda ama qofkii diyaariyey khudbadii u dambeysay ayaa u muuqda mid aan ku shuqul laheyn khudbadihii hore ee madaxweynaha ee Afkeenna u badnaa.

 

Waxaan qabaa in qofka ama kooxdaas qortey khudbaddii shirka Jabuuti  la isku keenno, laguna kordhiyo koox kale oo hodan ku ah qoritaanka khudbadaha af-soomaaliga oo laga dhigo koox u gaar ah qoraalka iyo isku-dubaridka khudbadaha madaxweynaha, si hadalka madaxweynaha loo tayeeyo oo lagala soo bixi karo hal-ku-dhigyo iyo xigmado lagu cabiri karo waayaha nolosha iyo siyaasadda.

 

 

 

Garyaqaan. Cabdiqani Mandela

Borama- Somaliland

Abdikanimandela@gmail.com