Yaa Yidhi Han Maleh, Halgamaa Maxamed Kaahin Axmed? (WQ: Suleyman Yusufdhakhtar)

-Ninkii maalintii uu baxay 1982 kii  ilaa 1991 kii ahaa ninka lacagta ugu badan dawladdii kacaanku ku dooneyso dilkiisa  iyo soo qabashadiisa.

-Ninkii soo xuley ee soo tababaray ee  saldhigiiisii Gaashaamo ka soo diray   KAMANDOWSTII SNM  ee jebisay  jeelka  Mandheera   1983.

-Ninkii  Xoghaya  guud ee SNM ahaa isagoo 34 jir ah ee madaxda Carab iyo afrikaba la soo kulmay.

-Ninkii  1984 kii  bishii November  loo soo diray  ninkii ugu derejada sareeyay  ciidankii Soomaaliya oo ahaa  Sareeye guud Maxamed Cali Samatar  ee la yidhi:  noo keen  oo soo qabo  Maxamed Kaahin  isagoo nool ama meydkiisa,  ee uu Maxamed Cali Samatar oo ciidan cir iyo mid dhulba ku gaashaamani uu u fadhiistay meesha la yidhaado  BISIQA  EE BURCO u dhow,  uu qaban kari waayey  ee isaga iyo ciidankiisiiba xuduuda ka talaabeen  ee halkii ay ka soo duuleen ee ahayd  Baalidhaye  badi nabad keenay ciidankiisii,  ee uu aabahay (allah ha shaafiyee) oo maalintaa daweeyay ii sheegay in hilibkiisii luguhu ay sooraaceen kabihii uu ka saaray.

-Ninkii  December 1984 kii, markii ciidankii   fashashtu   ay  Burco ku dileen  45 ka nin ee  labeentii  Burco ahayd, duulaanka soo qaaday ee faqashtii  Balidhiig  fadhiday cagta mariyay ee ugu yaraan 200 ka dilay, ee  hubkii ugu badnaa ee SNM furato  1988 kii ka hor ku furtay  ee  BM-yo iyo Tawaangiba lahaa ee kuwii Hargeysa lala soo galay 1988 kii ka midka ahaayeen.

-Ninkii abaabulay ee isku dubariday ciidankii  Burco galay 27.MAY.1988 kii, ee waliba ugu sii khudbadeeyay: Inayna ka werwerin qorshaha  ciidanka  Hargeysa gelaayaa, ee uu hadda qabanaayo aaga ciidanka Hargeysa galaaya , awood kastana uu u huri doono in Hargeysana la galo OO AAN LABADA CIIDAN KALA HADHIN,  ee kaga dhabeeyay ee qaybta weyn ka qaatay inaan duulaankii  Hargeysa lagu soo qaadaayey baaqan.

-Ninkii  isku xidhaha SNM ahaa ee aan habeen nasan, ee isaga talaabaayey, HARGEYSA, CADAADLEY iyo BURCO, ee ciidan waliba meesha uu joogo kaga warqaadaayey.

-Ninkii  labada jeer iyo ka badan ba   Madaxweyne Cigaal wasiirnimada ka diiday.

-Ninkii   Dawladdii  Madaxweyne  Cabdiraxmaam Tuur oo uu wasiirka gaashaandhiga ka ahaa iskii isaga casilay.

-Ninkii  Madaxweyne  Daahir Riyaale uu wax walba u soo bandhigay  maalintii   urur siyaasadeedkii  ASAD  uu labada garab u kala jabay  ee garabkii  Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadana uu xisbigii UDUB ku biiray,  garabkii  Gudoomiye ku xigeenkii ASAD na  oo ahaa Cabdiraxman AWCALI FAARAX na uu xisbiga Kulmiye ku biiray ,  ee  Isagu keligii dhexda istaagay (waa Maxamed Kaahine)  ee  dawladdii  Riyaale  wax walba u soo bandhigtay ee  yidhi : Waar anigu  abtigay  Cigaal  Mucaarid kuma ahayne  xukuumadiisa ayaan mucaarid ku ahaa, haddii aan maanta  xukuumadiisii oo uu Madaxweyne Riyaale   madax ka yahay ku biirana, macnaheedu waa inaan  abtigay Cigaal uun  mucaaird ku ahaa ee aanan xukuumadiisii mucaarid ku ahayn, taas na ma qaadan karee UDUBEEY  AYNU KALA RAALI AHAANO.

-Ninkii 2010 kii , xisbigiisii  guuleystey (waa Kulmiye) ee waliba guushaas qaybta weyn ka ahaa ee cidlada lagaga   tagey  ee misana xukuumadii uu   guusheeda qaybta ka ahaa duulaanka ku soo qaaday  ee u babac dhigay ee  geed dheer iyo mid gaaban ba u fuulay  in Gudoomiyaha rasmiga ah iyo waliba musharaxa  Kulmiye uu Noqdo  Madaxweyne Muuse Biixi.   Xadhig kasta oo ay Xukuumadii  Madaxweyne Siiilaanyo soo xidhona, waxaa furi jiray  Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.

Ninkaas  noloshiisa intii badnayd, mar na dilka ku xukunaa, marna xoolo lagu doonaayey ee loo soo bandhigaayey, marna  xilal iyo awood lagu doonaayey ee uu diidaayey , qaarna uu isagu iskiiba uga tagay ayaa lagu sheegayaa inuu bilaa damac yahay oo bilaa han yahay oo aanu dooneyn inuu ummad hogaamiyo, taasi waa mid aan xitaa caruurtu  qaadan karayn!

Mujaahid wasiir  Maxamed Kaahin Axmed ilaa intii uu garaadsaday wuxuu u soo halgamaayey dalkiisa iyo dadkiisa, waa nin ku  suntan, sharaf, halgan, nabadoonimo. deeqsinimo, dhul is dhig  iyo inta dadnimada qofku leedahay oo dhan.

Waxay ila tahay in la soo gaadhay in xiligii uu Madaxweyne Muuse BIIXI uu u abaalgudi lahaa saxiibkii Maxamed Kaahin inay maanta tahay, waayo Madaxwyne Biixi toban sanno ayuu gudoomiyaha Kulmiye ahaa oo sharciyan ka dhigaysa inuu labadiisii jeer dhamaystay, wax uu uga baahan yahayna maanta ma jirto gudoominta Kulmiye, markaa si ay isagana duufaanta ku kacsani uga dento, waxaa u wanaagsan inuu Gudoomahayaha Xisbiga Kulmiye u cimaamado Halgamaa Maxamed Kaahin Axmed oo aan hubo in uu dib u dhis aad u balaadhan ku samayn karo XISBIGA KULMIYE.

RAGA DALKA IYO DADKABA MUDNAANTA KU LEH MAR WALBA WAA INAYNU HOREYSIINAA, KUWA AAN OGEYN KUWII SHALAY U SOO HALGAMAY, MA OGAAN KARAAN KUWA MAANTA U HALGAMAAYA.

Cimri dherer iyo caafimaad ku waar Mujaahid, xaqaaga lama gudi karee.

Suleyman Yusufdhakhtar.