Yuusuf Garaad, wasiirkii hore ee Arrimaha Debedda ee Soomaaliya ayaa dhowaan baahiyay qoraal uu u bixiyay “Somaliland maxay ku faleysaa Midnimo?”
Ujeedadda uu ka lahaa wuxuu ku tilmaamay ‘isbarbardhig ergooyinka Somaliland iyo Soomaaliya shirarka dhexdooda ah u dirtaan”.
Garaad kolka hore waa reer Soomaaliya, mabda’ ahaan, maskax hedin iyo muruq ahaanna ma oggola, raalli na ka ma aha Somaliland xor ah. Degelka deegaantaas leh ayuu horta halabuurka qoraagani ka soo ambabaxayaa. Taas innaga oo aan hilmaamayn waa ku ma Yuusuf Garaad?
Garaad ma aha siyaasi keli ah, ma aha wasiir hore oo keli ah, waa weriye gaasabaxay oo shaqadiisa huud iyo haangaallo ku qabay. Waa hawlkar tamartiisa ka muujiyay oo ku muujiyay laantii hore ee afka Soomaaliga ee BBCdu lahaan jirtay.
Mar kale waa dalyaqaan badiya degaannada Soomaalida. Waa xogogaal u soo taagnaa dhacdooyin badan oo hoodo iyo halaag ba lahaa. Waa qoraa afkiisa hooyo iyo afaf kale ba hodan ku ah. Maskaxda waayo-aragnimadaas leh weeye qoraagu.
Yuusuf wuxuu ina mihiibsiiyay lafagur qodobaysan, oo ku wajahan labada kooxood, ee mararka la arkay, u ka la safta Somaliland iyo Soomaaliya.
Koox wuxuu geeyay heegada, shaal buu ku deday xariir ah, wuxuu ka yeelay dad waayaha adduun u bisil oo sur dhagax gashay ciddi ka ga fag siin kara, is idhi malahayga Duncarbeed “haddaanan Xamar way hadhaysantahee, Hargeysaay ku saarin heegada” waa akhriyay qoraagu. Bartaas kolka aad marayso ee tahay kooxda uu ka hadlayaa dadkii ay metelayeen in aad muraaqooto waa gartaa. Gobannimo Ina Garaad adiga oo is la baraad la’ waa adiga ku geeraaray.
Kooxna wuxuu u la degay aakhiro, dad is keena uun goobta, qaarkood jujuub loo gu soo daro weftiga, qaar kale cid dan leh meesha ku soo tuurato ayuu kuu sawirayaa judhii ba. Diyaargarow la’aantooda, waayo-aragnimo la’aantooda, aqoondarradooda ayuu sawir, haddii aad tahay dadkii ay metelayeen, ku werwer gelinaya ku gu siinayaa.
Garsoore ka eex yar la ma arag Yuusuf Garaad, waa adiga ku werdiyay.
Ma dhabbaa se, in sidan uu inoo durduurshay guusha iyo guuldarrada, hoodaar iyo hebednimada labada kooxood ugu ka la astaysnaayeen?
Dabcan, madal gar adag la gu furfuray kooxaha hirdamaya in mid la liiciyo maalin waa arrin loo fadhiyo. In aqoon iyo waayaha ogaalkooda la ka la badsadaa na waa ina daanweyne. In qolo la ga naxsadaa na waa wax marar badan dhaca. Hogagga se Yuusuf shaxda ka degay ka mug weyn, oo ka qoto dheer labada kooxood ee Jabuuti isku hirdiyay iyo wixii ay sed kala qaadeen.
Qoraalka Yuusuf Garaad ma aha faallo, lafagur na ma aha; waa qaylodhaan. Waa baaq muujinaya werwer qoraaga ka ga dhashay gartii la is la soo hor fadhiistay.
Yuusuf Garaad ma aha nin taariikhda SNM, Somaliland iyo dhacdooyinkii ka dhacay degaannada Somaliland 80nadii diimoon. Waa nin maskax badan oo xusuustiisu sawirxigasho leedahay.
Sannadkii 1984kii, bishii Noofambar ayaannu aniga iyo saaxiibkay Xamar u ambabaxa is nidhi. Burco ayaannu ka tegaynaa. Hawl dawladdii kolkaas meesha haysatay abaabushay ayaannu u soconnaa. Waraaqo dalkumar ah ayaannu u baahannay. Beenaale markhaatigiisa waa fogeeyaa ee ninkii i la socday imika Bolton oo soddon mayl ii jirta ayuu deggan yahay.
Taariikhdaas aan sheegay 5 ama 6 sannadood ka dib, ayuu Yuusuf Garaad nin shaqaalihiisa ka mid ah Berbera u ga dhoofi Xamar is leeyahay oo waraaqo uu ku dhoofo la weydiinayaa. Isaga, qoraaga laftiisa ayaa inoo sheegay sida uu u la yaabay ee is yidhi “dalku ma ka la laba dal baa?”
Meydadkii Berbera iyo argagixii uu ka qaaday, dedaalka uu u galay inuu runta ka gun gaadho, iyo halista loo ga digay waa taariikho aan mala-awaal ahayn.
Muxuu hadda ba taariikh iyo dhacdooyin uu ka dheregsan yahay uu uga dhigayaa sheekobaralay ubadka la qaybsiiyo oo abaabul iyo dedaal ku socota?
Bal u fiirso adeegsiga erayada, koox aan wax ba la hadhayn, mintid, ikm.
Wuxuu leeyahay “si aan doodda Somaliland iyo taabbagalkeedu maskaxda uga bixin ayaa astaamo loo sameeyay”. Dayuuradda Hargeysa ka dhex taagan ayuu tusaale u soo qaadanayaa.
Yuusuf Garaad xogta uu hayo ma aqoonyahankii ka garaabi lahaa halaagga dayuuraddani carruur iyo maato markisay baa, mise waa ninkii gartaas eex ka geli lahaa ee odhan lahaa waa astaan ujeeddo loo samaystay?
Ogow Hargeysi dayuuradda ma doonan, dayuuradda ayaa soo doonatay oo ka dhigtay “The Dresden of Africa”. Yuusuf wuu og yahay, oo inoo sheegay inuu Hargeysa oo ilmaynaysa is dhex taagay.
Figtaas kolka aynu marayno, fiiradu waxay ina siinaysaa in qoraalku gudbinayo aragtidii ahayd “Somaliland waa hawolawarran u baahan in dood la gu suuliyo”.
Dooddii kolkaas Somalilandta khiyaaliga ku dhisan la gu suulin lahaa ayuu Yuusuf Garaad taladeedii bixinayaa. In dacaayadda sidii naf iyo maal ba loo gu huray, atoore mujaahid loo bixiyay loo gu samaystay, loo gu hawlgalo ayuu ku talinayaa.
Kuwa Somalilandta ka soo jeeda in la adeegsado, oo ay burburinta khiyaalka qayb libaax ka qaataan ayuu wacdigiisa ku darayaa.
Waa waaqla’, jabaq ma leh, neecaw dhirta caleenteeda dhaqaajisaa ma jirto, aan ahayn dhibicda khadka qalinkii aqoonyahanka, siyaasiga, suxufiga weyn ee Soomaaliyeed Yuusuf Garaad oo si raagis ah, abuuraysa se bar madow rib ah, ugu tibiq leh xaashi si foolxun loo gu xarxariiqay midnimo.
Ujeeddadu waxay ahayd ama la inoo gu sawiray in khadku rib ka dhigo xarfihii MIDNIMO, wax kale se ma kordhin aan ahayn, in xaashidii jilicdo, milanto oo farihii taabta ba soo ka la raacdo.
“Calanyahow la gaafee, saddex-midab u gaar tahay, magac Guulle iyo Nebi, guudkiisa la gu qoray……Lafo geesi iyo dhiig, ayaan ku gu gelbinayaa”…Muj Kaneeco(AHN)