Yuusuf Garaad waxa aan leeyahay raggu waa raggii, goobtuna waa goobtii, doodduna waa iyadii (WQ: Mohamed O. Hagi Mohamoud)

Dooddii Yusuf Garaad waxa ay dhaafi kari wayday; Somaliland si kale la isaga ma difaaci karo e, iyaga ha la iska horkeeno. Waxa uu ujeedaa kuwa Xamar jooga ee Somaliland ka soo jeeda oo keliya ayaa difaac u noqon kara midnimada bilaa ilkaha ah ee Muqdisho la ga ga maaweesho. Sheekadaa jawaabteeda waa uu ogyahay waase isyeeyeelayaa waayeelku! Yuusuf waxaan leeyahay ashkhaasta reer Somaliland ee Xamar jooga ee shaqo tagga ahi la midoobimaayaan iyagu Somaliland ee cidda midnimada rabtaa (Soomaaliya) ha soo hor fadhiisato Somaliland.

 

Intaa waxa uu ku daray in dadka Reer Soomaaliya ay bilaa karti yihiin oo aqoontoodu aaney marnaba midnimo keeni karin. Taa waxa uu ku caddeeyey dooddiisa, gaar ahaan halka uu leeyahay dadka miiska la soo fadhiista Somaliland waa dad ka aqoon iyo garasho hooseeya dhiggooda wadahadallada. Waxa kale oo uu barobogaando ku sheegay qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Labadaa doodood waa deelqaaf iyo aflagaaddo oo iyaga intaa u dhaafi maayo.

 

Marka uu sidaa leeyahay, Yuusuf waxa uu rabaa in Xamar ay khabiir u aragto wax ka tari kara doodda wadahadallada, sidaa darteed waxa uu farsamo codsanayaa in wadahadallada lagu daro! Haddana sida uu qoraalkiisa ku xusay Yuusuf taa cakiskeeda waxa uu sheegay in doodihii hore oo dhan uu si toos ah iyo si dadbanba qayb u ga ahaa! Isla doodahaa hore ee uu qaybta ka ahaa waxa uu Yuusuf qirayaa in Soomaaliya ay dhankeeda ku fashilantay oo doodda la ga ga gacan sarreeyey!

 

Waxa ay iswayddiintu tahay kuwaa hore ee uu dhex fadhiyey muxuu wax u ga tari waayey? Walaalkay Yuusuf waxa aan leeyahay raggu waa raggii, goobtuna waa goobtii, doodduna waa iyadii. Dhanka kalena waxba isma beddellin oo adigu waa adigii Yuusuf ahaa ee miiska lagu guuldarraystay shalay fadhiyey. Yeelkeed, Yuusuf waxa aan mar labaad leeyahay kaalay, soo dhawow oo miiska mucjiso cusub la soo dhex fadhiiso oo keen dood liqda madaxbannaanida Somaliland oo dhaafsiisan walaalo ayeynu nahay Itoobiyana waa cadowgeenna ee aan midowno! Ku darso oo Itoobiyada cadowga ahi waa ta afarta dekadood Muqdisho dhexdeeda bilaashka loo gu saxeexay!

 

Mohamed O. Hagi Mohamoud