Yuusuf Xaaji Aadan: shaqsiga keliya ee ka qayb galay sadex halgan oo waxbarasho (WQ: Axmed Nuur Guruje)

Yuusuf Xaaji Aadan waa Aabihii labaad ee Waxbarashada , waana shaqsiga keliya ee ka qayb galay sadex halgan oo waxbarasho oo aanay jirin isaga mooyaane cid gashay sadexdaa halgan.

1- Halgankii koobaad ee Waxbarashadda , Yuusuf wuxuu ahaa gacanta midig iyo kaaliyihii koobaad ee Aabihii Tacliinta Maxamuud Axmed Cali . Yuusuf halgankaa koobaad wuxuu kagga qayb galay sidii saaxiibadii naf-hurnimo uu uga tagay shaqadisii , iyo waqtigiisa oo uu huruy ka sakow hub kale oo uu saaxibaidi dheeraa .
Yuusuf Xaaji Aadan wuxuu halgankaa tacaliinta u adeegsaday hibadiisii suugaaneed , taasoo marar badan sabab u noqotay in aanu bakhtiyin shamicii tacliimeed .
Markii Burco la dagaalantay macalinka , waatuu lahaa ” Fasbir kaama uulul casam minal rusul ”

Markii barbari isaga la dagaalantay ee ay dishayna waatuu lahaa
” Dhaar baan ku maray in aan waxbaro dhoof anoo jirre e ,
Dhimi maayo orodkaa ilaa iilka la dhigo ”
Markii saaxibkii lala dagaamay oo macalin ahaana waakii ahaa
” Maruun baa tolkeen cilmiga caashaaqii heliye ,
Maruun baa caruurtaa yaryari ciidan kuu tariye ,
Maruun baa calooshaa bugtaa caafimaad heliye ,
Ha cadhoon caqligu yuu sidii caamo kaa noqone ”.

2- Halganka labaad wuxuu ahaa markii Waqooyi lagga cadaadiyey tacliinta wuxuu dadaal u galay in Farac jaamacad Hargaysa lagga furro , waa loo diiday , dadaalkaasna wuu waday ilaa uu ku guulaystay in uu furro Rugtii kutubta oo ah Laybareerigii koobaad ee Hargaysi yeelato waligeed.

3- Halganka 3aad ee uu galay wuxuu ahaa furistii jaamacada Hargaysa , warqadii codsiga ahayd ee jaamacadaa laggu furayayna isagaa gacantiisa ugu qoray Madaxwayne cigaal , ereyadii ku qornaa warqadaasna waxaa ka mid ahaa ” Isu kaa sheegi maayo , waayo uma baahnid iin aan kuu sheego qofka aan ahay , Waxaanse ku xusuusinayaa maalintii aabahaa ii kaa keenay adigoo da yar , ee aan kuu ogolaaday dugsiga in laggu qoro ” .
Maanta Yuusuf xaaji Aadan wuxuu mootan yahay 15 sanadood , 15 sanadoodna weli ma jirto goob waxbarasho oo laggu maamuusay , haday tahay Jaamacad , Dugsi sarre , mid dhexe iyo mid hoose toona.

Sidaa markay tahay , Wasaaradda waxbarashada ee waynaynay wayday Yuusuf Xaaji Aadan, maka sugi karnaa in ay inoo soo saarto wadaniyiin wadankooda jecel, hadii se aynaan ku talo gelin in aynu dhisno wadaniyada ardayda aynu soo saarayno maxaynu ula yaabaynaa jiidashada la inaga jiidanayo ardaydii aynu ku tacabnay ee meelo kale looga gacan haadinayo .