Maxaa iiga baxay Buugga Ahmed Siilaanyo: Nin Tacab Badan Geliyey Qarannimada? (WQ: Mohamed A. Askar)

Gadh-wadeenku ruux buu ka yahay, geylan wadareede

Nin uun baa guddoonsha’e xil waa, laysu gororshaaye

Galladduna waxay saaran tahay , wax isu geygeyne

Inkastuu wax galo ama wax gudo , ama wax weyn gooyo

Inkastuu galool mudhay ka yahay, dhiraha gaagaaban

Hadduu geel abuuriyo hadduu, gaas cartama beero

Inta ruux wax gaadhsiin karaa, way gun dhowdahaye

Maxmed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Gudgude, 1990

 

Mohamed A. Askar

Stockholm, Sweden

Si la mid ah sida buugaagta kale ee buuggan la nooca ah, waxa uu qoraagu kaga waramayaa taariikhda iyo geediga noloshii Axmed-Siilaanyo. Waxa uu buuggu ku bilaabmayaa Axmed-Siilaanyo oo noqday ilmihii 4aad ee qoyskooda, waxa uu ku xijisiinayaa Axmed-siilaanyo oo noqday dufcadii 4aad ee reer soomaaliland waxbarasho rasmi ah la qoro, waxa uu ku sii xijisiinayaa Axmed-Siilaanyo oo noqday guddoomiyihii 4aad ee jabhadii SNM halka uu ku gabagabaynayo Axmed-Siilaanyo oo noqday madaxwaynihii 4aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliland.

Waxa kale oo intaa dheer oo uu buuggu ka waramayaa laba taariikhood oo dhaxtaallo u noqon karaa kuwaa hore oo kale ah (1) Axmed-Siilaanyo oo la shaqeeyay dawladdii rayidka iyo tii kacaankaba isaga oo noqday sarkaal sare oo bangiga Soomaaliya ka trisan, Agaasima waaxeed wasaaradda qorshaynta qaranka iyo agaasimaha guud ee isla wasaaradaasi, wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka iyo wasiirka wasaaradda ganacsiga (2) Axmed-Siilaanyo oo ka shaqeeyay nabadayntii dadka reer Soomaaliland isaga oo waliba xilal ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda iyo wasiirka qorshayntu ka soo qabtay dawladdii Maxamed Ibraahim Cigaal ee ka danbaysay 1997. Waxana uu markii danbe noqday mucaarid ilaa uu ka gaadhayay madaxwayne.

Fariimaha aan is leeyahay buuggu waa uu xambaarsanyhay waxa ka mid ah; sida ay shaqada siyaasaddu u hawl iyo kadeed badantahay iyo waliba saamaynta taban ee ay ku yeelanayso qoyska qofka (xaaska/xaasaska iyo carruurta). Intii aanu noqon Madaxwaynihii 4aad ee Soomaaliland, ilaa saddex goor oo kala duwan ayuu Axmed-Siilaanyo go’aan ku gaadhay in uu ka fadhiisto siyaasadda. Go’aamadaa oo uu qaatay xilliyo kala duwan, waxa keenay sida aan qiyaasayo, markii aan isku geegeeyay wixii aan buugga ka akhriyay, culaysyo iyo caddaadisyo siyaasadeed oo uu si joogta ah ula kulmayay. Intii uu ahaa guddoomiyaha SNM, Siilaanyo isaga oo culaysyadaa siyaasadeed ee uu sida maalinlaha ah ula kulmo ka hadlaya waxa uu yidhi “Aaminaay mar mar baan intaan makhsinka hoosta ka xidho is idhaadaa – wallaahay malaha waadba waalan doontaa – aniga oo keligay isla hadlaya, kolkaas ayaa inta aan kor u qayliyo idhaahdaa, maya, maya waalan maayo, yeeli maayo inaan waasho”. Runtii ma aha wax sahlan inta uu qof keligii isla sheekaysto oo uu waliba iskaga shikiyo in uu waasho oo ay dood ah; malaha waadba waalan …iyo maya maya waalan maayo ahi ay dhex marto isaga iyo naftiisa. Haddii uu halkan cashar ku jiro, casharka keliya ee ku jiraa waxa uu noqonayaa sida ay shaqada siyaasaddu u hawl badantahay guud ahaan gaar ahaana malahayga siyaasadda Soomaalida oo aan mabda’ ku dhisnayn ee galinba caynka ah. Waxa aan qiyaasayaa, arrinta isla haddalka iyo kadeedka siyaasaddu in aanu ahayn mid Axmed-Siilaanyo ku gaar ah ee, taa bedalkeeda lala wadaaago. Allaw yaa bal jeexoo na tusa waxa ka dhax guuxaya quluubta Siyaasiyiinta Soomaa.

Farriin kale oo aan is-leeyahay waxa ay ka mid tahay farriimaha uu buuggu xambaarsanyahay ayaa ah xidhiidhka ka dhexeeya qofka Siyaasiga ah iyo reerkiisa (xaaskiisa/xaasaskiisa iyo carruurtiisa) oo wiiqma. Sida uu xidhiidhka qoysku u wiiqmayaa waa laba siyaabood, mushquul uu qofka siyaasiga ahi qoyskiisa kaga mashquullo hawlo siyaasadeed iyo maqnaasho uu kagaba maqnaado reerkiisa isla hawlo siyaasadeed. Amina-waris, iyada oo ka hadlaysa tan danbe ee maqnaanshaha waxa ay tiri, “muddo toddoba sanno ku dhowaad ah, sagaal bilood buu nala joogay”. Bal adigu qiyaas haddii aad Aabbo tahay in aad ubadkaaga iyo xaaskaaga ka maqnaato toddoba sannadood oo sagaal bilood la’. Ku darso oo, marka aan ka shidaal qaadano kadeedka shaqada siyaasadda Soomaalida, waxa inoo soo baxaysa in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda iyo xaasaskooda la joogaanna ay ta hore ee mashquulka ihi ay wiiqi karto xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo qoysaskooda. Waxa aad moodaa in ay Amina-waris sii arkaysay waxa dhici doona maadaamo oo ay aad uga xumaatay sida ay sheegtay in Axmed-Siilaanyo loo doorto guddoomiyihii 4aad ee jabhaddii SNM, ““Waxa aan ku hambabaray doorashadiisii guddoomiyaha SNM loo doortay. Arrintaasi waxay igu noqotay lama filaan, waxaanay igu abuurtay qalbijab iyo welewl. Habeenno iyo maalmo dhan baan ooyayay”. Markan Aamina-Waris waxa ay joogtay London iyada iyo carruurta oo sida ay sheegtay markaa yaryaraa. Mar ay Aamina-Waris ka warantay dhibaatooyinkii ay carruurteeda isla soo mareen intii uu Axmed-Siilaanyo ka maqnaa waxa ay tidhi yarkayga Cali Salaan, carruurta ayuu ugu qalqaalisanaa, markaan canaanto ayaa intuu suuliga isku xidho ayuu halkaa ka ooyaa oo yidhaahdaa, “ waxa aan rabi lahaa in ay hooyo i gayso, meesha uu aabbahay joogo”.

Farriinta kale ee aan is-leeyahay buuggu waa uu xambaarsanyahay waa dhinaca tacliinta Axmed-Siilaanyo iyo taariikhdii ay soo martay. Markii uu qoraagu ka waramayay soo yaalka taariikhdii waxbarasho ee ee Axmed-Siilaanyo waxa uu yighi; Sannaddihii 1960-1963, waxa uu Axmed-Siilaanyo Jaamacada Manchester ka qaatay shahaadadada Bachelors Degree in Economics with Honors, halka uu sannaddihii 1963-1965 ka qaatay isla jaamacadaa Manchester shahaadada labaad ee Masters Degree In banking. Qoraagu isaga oo taariikhda waxbarasho ee Axmed-Siilaanyo sii wada, islamarkaana ka soo xiganaya Cabdiraxmaan Cabdulqaadir waxa uu yidhi “Axmed Siilaanyo waa Soomaaligii ugu horreeyey ee qaatay shahaaddada Masters Degree! Axmed Keysena waa Soomaaligii ugu horeeyey ee qaatay shahaadada, Bachelors Degree”. Halkan waxa ku jira laba fariimood oo ay muhiim tahay in la is-dul-taago. Waa ta hore e, maadaamo oo ay jiraan xogo kale oo sheegaya in ay jireen dad badan oo Soomaaliyeed oo aqoontoodu heer Phd gaadhsiisanatahay xilligaa, taariikhda ah in uu Axmed-Siilaanyo ahaa Soomaaligii ugu horeeyay ee qaata shahaadada labaad ee Masters Degree, waxa ay u bahantahay caddayn waafi ah. Casharka labaad ee ku jiraana waa sida ay taariikhda waxbarasho (ta maadiga ah) ee dadka Soomaalidu u cimri gaabantahay Waxa kale oo buugga ku jira xogo iyo macluumaad aad iyo aad u badan oo aad moodo in qaarkii iska hor imanayo halka qaar kalena ay malahayga u baahnaayeen markhaati iyo caddayn ka xoog badan oo ka culus inta uu qoraha buuggu keenay, ilayn wuxu waa taariikh eh. Han ku bilaabo, meelaha is-dul-taagga u baahan, doorashadii Axmed-Siilaanyo loogu doortay guddoomiyihii 4aad ee SNM iyo waxa uu buuggu ka yidhi. Ugu horrayn, sida uu qoraagu ka soo weriyay Axmed-Siilaanyo musharax ma ahayn mana uu doonayn in uu goddoomiye ka noqdo Jabhaddii SNM, ugu yaraan shirwaynahaa 4aad. Si uu taa u xaqiijiyo, waxa uu Axmed-Siilaanyo yidhi, “ Anigu musharrax ma ihiye haddii aad ii qasbaysaan isku raaca oo si wadajir ah iigu dhiiba”. Haddaba, si ay noqotayba, Axmed-Siilaanyo la dooray shirkii 4aad ee SNM ee ka dhacay magaalada Jigjiga 3 bishii 8aad, 1984 inkasta oo aanu xataa buuggu faahfaahin habkii loo doortay, in lala tartamay iyo inkale iyo waliba inta cod ee uu Axmed-Siilaanyo gudoomiye ku noqday toona.

Buuggu mar waxa uu leeyahay Axmed-Siilaanyo waa lagu midoobay doorashadiisa mar kalena waxa uu leeyahay guddoomiye Axmed-Siilaanyo waxa la soo darsay xallinta xanaftii ka dhalatay ururka dhexdiisa ee ay koox odayaal culus ah oo la baxay Gaashaamo Based Community ay diideen in ay aqoonsadaan guddoomiyenimadii Axmed-Siilaanyo. Mar kale Axmed-Siilaanyo waxa uu leeyahay isaga oo muujinaya in aanu musharax ahayn “waa laygu qasbay aan idhaahdo, inaan guddoomiye noqdo oo dadkii meesha joogay si wadajir ah laysugu raacay”. Haddiiba la qasbay sida uu sheegay Axmed-Siilaanyo miyuu ka tanaasulay shardigiisii ahaa in la isku raaco oo aan lala tartamin? Haddiise la isku raacay sida uu sheegayo oo si wadajir ah loogu doortay guddoomiyihii 4aad ee SNM maxaa keenay qaybsaanta uu qoraagu sheegayo ee shirwaynahaa 4aad ka dhalatay? Waydiimahaa iyo kuwa kale oo badan oo arrintaa la xidhiidha buuggu kama uu jawaabin. Waxa kale oo uu qoraagu sheegay markii uu arrintaa SNM iyo doorashadaii Axmed-Siilaanyo loo doortay guddoomiyihii 4aad ee SNM yidhi: Axmed-Siilaanyo ayaa furay xafiisyada SNM ay ku lahayd Itoobiya, SNM wax xafiis ah ma lahayn Siilaanyo hortii .

Arrinta kale ee uu qoraagu wakhti badan iyo qayb-libaax buugga ka siiyay waa doorashadii madaxwaynenimada ee 14kii Bishii 4aad ee 2003dii ka dhacaday Soomaaliland. Runtii qoraagu marka uu arrintan ka sheekaynayo waxa aad moodaa af-hayeen u hadlaya dhinac ka mid ah labada dhinac ee ay dooddu u dhaxaysay. Waxaana ka mid ah waxyaabaha arrintaa muujinaya in dadka uu doorashadu sidii ay u dhacday ka markhaati galinayaa ay dhinac u badanyihiin haddii aanay dhinac wada ahaynba. Waxa ka mid ah dadka uu aad u soo xiganayo Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo sida uu qoraagu sheegay Axmed-Siilaanyo kula taliyay in uu ku dhawaaqo in uu doorashada helay ka hor inta aanay guddidada doorashooyinku ku dhawaaqin natiijada doorashada isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: “Intii aan natiijada la sheegin baan Siilaanyo u tegey oo aan ku idhi “wax baa socdee ku dhawaaq in aad doorashada heshey” dabadeed Cabdillaahi Jawaan buu telefoon u direy, waxa uu ku yidhi, “haddaad natiijada ku dhawaaqi waydaan waxa aan ku dhawaaqayaa in aan helay”. Waxa uu yidhi Cabdilaahi Jawaan isaga oo hadalka Axmed-Siilaanyo ka jawaabaya “waar waan ku dhawaaqaynaaye, inaadeeraw ha naga hor dhicin, na daa wixii way naga qasmayaane!”.

Waxa kale oo uu qoraaga buuggu badda soo dhigay in uu Xisbigii UDUB soo jeediyay in la sameeyo dawlad wadaag ah balse aw taasi diiday Xisbigii Kulmiye inkasta oo badhkood ay qabeen in dawladda wadaag ah la sameeyo. Arrinta ah in dawlad wadaag ah la sameeyo iyada oo hannaanka dawladnimo ee Soomaaliland uu yahay hannaan madaxwayne (presidational system) waxa ay ila noqotay u qaadan waa. Waxa kale oo ay aad iigu sii adkaatay marka uu qoraagu yidhi, isaga oo aan haba yaraate wax caddayn ah soo raacin, Xisbigii dawlada ee UDUB oo isagu tirsanayay in uu doorashada ku adkaaday ayaa soo jeediyay in dawladda wadaag ah la dhiso. Isku soo duuduub, warka qoraaga ee ku saabsan doorashadaa 2003dii iyo sida uu uga gar-naqay labada dhinac ee doodda doorashadu u dhaxaysay, war baa looga noqon. Ugu yaraan dhinac uu u hadlay ma ahee dhinic kale ayaa war laga dooni.

Dhinaca kale, todobadii sanno ee uu Axmed-Siilaanyo madaxwaynaha ahaa oo, aan anigu is-lahaa waa qaybta ugu culus buugga ayaaba noqotay qaybta ugu yar xajmi ahaan iyo xog ahaanba. Xajmi ahaan waxa uu qoraagu kaga waramay taariikhda todobadaa sanno 10.3% oo buugga ka mid ah (40 bog out of 387). Lix sanno oo uu Axmed-Siilaanyo guddoomiya SNM ahaa waxa oo qoraagu kaga warramay in laba jeer ka badan inta uu kaga warramay toddobada sanno ee uu Axmed-Siilaanyo madaxwaynaha ahaa. Xagga xogta iyo macluumaadka marka aynu eegno, waxa aan odhan karaa, si ay ka noqotayba, qoraagu muu keenin xog iyo taariikh sawir guud ka bixin karta, xumaan iyo samaanba, todobadii sanno ee uu madaxwayne Axmed-Siilaanyo madaxwaynaha ahaa. Inta uu ka sheegay todobadaa sanno oo u badan mashaariic ay ka mid yihiin kirayntii Dakada Berbera, bilawga dhismihii wadada ceerigaabo iyo bixinta darajooyinkii ciidanka ayaa uu qoraagu aad uga sheekeeyay si buun buunin ah oo aad filin moodo. Qoraagu ugama warramin toddobadan sanno si taariikh ah ee taa bedalkeeda waxa uu uga warramay si CV shaqo lagu raadinayo oo kale. Waxa aan taa ka wadaa, qoraagu haba-yaraatee muu qorin wax dawladda Axmed-Siilaanyo ka gaabisay/xumaaday toddobadaa sanno waana halkaa meesha ay dhaliisha ugu wayni fadhidaa ee aan ugu tilmaamay CV, ilayn isaga ayaana dhalliil la raacine.

Aragtidayda, warkani waa taariikh dhiman oo aan buuxin. Ugu horayn waxa adag in la rumaysto in uu Axmed-Siilaanyo Xirsi ku magacaabay oo kaliya in tilifoono lagaga codsaday in uu sidaa yeelo, waliba isaga oo (1) aan aqoon u lahayn Xirsi sida uu sheegay iyo (2) isaga oo aan kala tashan dadkii kale ee Xisbiga. Haddiiba ay waxa u dhacayn sida uu qoraagu u soo dhigay, waxa ay ahayd in uu ka dhigo dhaliil wayn oo uu Axmed-Siilaanyo lahaa halka uu hadda uga ekaysiiyay wanaag uu Axmed-Siilaanyo lahaa. Amma dee qoraagu ha sheego in ay gacan saddexaad oo Axmed-Siilaanyo kula talisay in uu Xisrsi magacaabaa ay meesha ku jirtay sida dad badan oo aan ku jiraa ay qabaan.

Waxa markaaba kuu muuqanaysa, xataa haddii aanad buugga akhriyin, in uu qoraagu buugga galiyay wakhti, maskax iyo waliba tacab aad iyao aad u badan. Waxana taasi ku tusaysaa xajmiga buugga oo aad u wayn, farriinta uu buuggu xanbaarsanyahay oo aad qiyaasi karto in wakhti badan galay ururinteeda, soo ururinta sawirro aad u badan oo buugga ku jira iyo waliba qoraalka af-soomaaliga oo aad ka dareemayso in ay aad u tayo sarrayso guud ahaan gaar ahaan xagga higgaada oo si fiican loo tafaftiray. Tusaale ahaan, dhinac xogta, mar uu qoraagu ka hadlayay sida macluumaadka buugga ku qoran uu ku helay waxa uu sheegay in uu adeegsaday (1) xog hore u kadsanayd (secondry data) sida qoraallo, fiidiyawyo, iyo waraysiyo (2) xog uu isagu abuuray (primary data) sida waraysiyo uu sheegay in uu la yeeshay dad ilaa 53 qof ah oo uu magacyadooda ku sheegay buugga inkasta oo aanad gudaha buugga ka heli doonin war ama xog magacyadaas oo dhan laga soo xigtay. Xagga xajmiga, buuggu waxa uu ka koobanyahay ilaa 387 bog oo u qaybsan seddex qaybood oo waawayn oo ay qayb waliba ka koobantahay cutubbo halka uu cutub kastaana ka koobanyahay mawduucyo.

Cabdiraxaman Aw Cali oo ahaa musharax madaxwayne ku xigeen ee Xibiga Kulmiye iyo Cabdillaahi Xuseen (Balaak) ayaa iyaguna ka mid ah dadka uu buuggu markhaati ka dhiganayo in doorashda uu Kulmiye helay. Cabdiraxmaan waxa uu yidhi isaga oo xoojinaya in ay doorashada heleen “ hees baannu qaadnay, war sax ah oo laga daba yimi buu ahaa, guurtida ayaa saamayn ku lahayd”. Dhanka kale, Balaak waxa uu sheegay in loo diray magaalada Gabiiley, inkasta oo aanu sheegin cidda dirtay, si uu qayb uga noqdo abaabulka xafladda dabbaaldagga guusha uu Kulmiye ka gaadhay doorashada isaga oo arrinta ka hadlaya waxa uu yidhi: “Guriga Cabdiraxmaan baa murashixiinta loogu hambalyeynayey, aniga waxa la ii diray Gabiiley si aan uga hawlgalo halkaas oo xaflad ballaadhan oo guusha laga abaabulayey, markii aan marayay kaataroolka Gabiiley bay askartii I waydiiyeen waxa is beddeley? Maxaa is beddelay markii aan waydiiyayna, waxa ay yidhaahdeen, “Dee Komishankii baa dhawaaqay oo UDUB baa heshay” halkii baan iska soo rogay”.

Arrinta kale ee aan la yaabay, islamarkaana aan isleeyahay qoraagu warkiisu ma dhammays tirna, ayaa ah markii uu ka waramayay Xirsi iyo sidii loogu magacaabay xubin ka mid ah guddida doorashooyinka qaranka u mateli doonta Xisbiga Kulmiye. Dad badan oo Xisbiga ah ayaa laga fikirayay kii la qaadan lahaa; Annaga oo Xildhibaanno Xisbiga Kulmiye ah oo wadana dad aanu islahayn booskaa way ku habboonyihiin ayuun baanu si kadis ah u maqalay in Guddoomiye Axmed uu jagadii u magacaabay Xirsi oo aanan badankayagu aqoon u lahayn ayuu yidhi qoraaga buuggu . Qoraagu isaga oo haddalkiisa sii wata waxa uu raaciyay; Axmed baanu waydiine, Guddoomiye muxuu ahaa ninkan dhalinyarada ah ee aad komiishanka u magacawday? Axmed-Siilaanyo, “Aniga qudhaydu ninka aqoon uma lihi laakiin talada iyo codsiga ummadda Xisbiga taageersan baan meel aan ka maro waayay” (Cartan, 2018 p 348). Waxa uu Axmed-Siilaanyo ku sababeeyay taageerada ay taageerayaasha Xisbigu Xirsi taageerayeen ay ahayd in uu helay tilifoono ay taageerayaasha Xisbiga ee dal iyo dibad joogaa ay kula soo hadleen si uu Xirsi u magacaabo dabadeetona uu sidaa ku magacaabay isaga oo aan xataa garanayn.

Ugu danbayn, aan laba eray midna qoraaga buugga idhaahdo midna akhristayaasha. Akhristayaasha waxa aan leeyahay buugga ha la akhriyo, waxa laga yaabaa in aad igaga aragti duwanaato oo inta aad dhinac kale ka istaagto ka soo saarto wax ka duwan waxa aniga iiga soo baxaye. Qoraagana waxa aan leeyahay horta hambalyo, waan hubaa in wakhti badan, maskax badan iyo maal badanba ay galeen qorista buuggan. Haddii aan meelo buugga ka mid ah farta ku fiiqay ama aan salluugay ma ah in aan qoraaga ujeedo, xaasha! Waa taariikhda uu qoray waxa aan wada leenahay ee qof walba waajib ka saaranyahay in uu ilaaliyo.

Qoraalka oo aan ka baqay in uu dheeraado awgeed, qodobadan hoose oo talo ah ayaan qoraaga u soo jeediyay: (1) Magaca buugga oo aan jeclaan lahaa in lagu noqdo inkasta oo malaha kaasi galbadey (2) Qoraallada af-ingiriisiga ah ee buugga ku dhex jirjira sabab la’aan oo aan ku talin lahaa in laga saaro (3) In sawirada buugga lagu hoos qoro taariikho iyo qoraallo yaryar oo akhristaha ka caawiya in uu fahmo sawirka iyo waxa uu xambaarsanyahay (4) In laga saaro ilaa 13 bog oo la laba jeer daabacmay (107-120) (5) In la isku dheeli tiro dadka xogtooda la soo xiganayo oo aad moodo in ay dhinac u badantahay (6) In la isku dheeli tiro taariikh nololeedka Axmed-siilaanyo oo ugu yaraan la kordhiyo inta yar ee laga qoray toddobadii sannadood ee uu madaxwaynaha ahaa iyada oo waliba si fiican loo dul-istaagayo wixii ka khaldamay amma uu ka gaabiyay, qurux iyo wanaag uun bay buugga u kordhin (7) iyo ta ugu muhiimsan oo ah in aanu qoraagu go’aamin qofka uu ahaa Axmed-Siilaanyo ee taa bedalkeeda uu isagu xogta Axmed-Siilaanyo uun uu miiska soo saarro go’aankana akhristayaasha u daayo.

Hoos ka akhri maqaalladii hore ee Maxamed Axmed Askar:

Cawil miyaanu halba seegin? (WQ: Maxamed Axmed Askar)

Lixda goobood ee muranka cusub la galiyay (WQ: Maxamed Axmed Askar)

Akhris-ku-noole (WQ: Maxamed A. Askar)

Somalilaand way bugtaa! (WQ: Maxamed Axmed Askar)