Sheeko xikmad leh: Damac iyo Dalxiis (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Saaxiibow bal sawiradan iyo muuqaaladan ila eeg. Waxa la gaadhay goortii aad dalxiis u bixi lahayd eed ka nasan lahayd shaqooyinkan aad ku daashay, naftaadanna u hurri lahayd waqti ay jawi degan ku qaadato” Dhaglas ayaa ku tiraabaya isaga oo sawirro telka gacanta saaxiibkii ka daawadsiin raba?

” Bal horta waxaad ii sheegtaa, waxa aan ka dheefayo, safarkan aad igu boorrinayso, hantida badanna ku kacaya? Yaasiin ayaa ku falcelinaya, isaga oo dhinacna sawiradii ka fiirinaya.

Dhaglas waa shaqaale hawlkar ah. Shirkaddan waxa uu ka hawlgalayay muddo hadda tobanaan sanno kor u dhaafaysa. Waa xirfadle isku kalsoon oo shaqadiisa sida ugu wacan u guta. Wuu u hagarbaxaa oo waxba dib uma dhigto. Waxa ugu mudan ee uu raadiyaa waa shaqo si hufan ugu qabsoonta. Goortaas ayuu farxad kala bataa oo inuu haadka la duullo ku dhawaadaa. Waa goob shaqo iyo xeerkeed oo laga waayi maayo qof si xun u socdee, marka lagu soo xadgudbo, isma dhigtee, wuu iska waabiyaa. Haddii ay halkaa ku joogsan waayaanna, nin wax iska dhicin loo tilmaamo maaha. Markase uu xanaaqo, waa ruux fallaad xun. Waxba iskulama hadho ee wuu is keebraacaa. Wuu furtuuraa oo fatahaa.

Waxay shirkadda ka wada shaqeeyaan oo ay saaxiib dhow yihiin Yaasiin. Dhawr bilood ayay soo kala horreeyeen, dabeecadaha qaarna way ka siman yihiin. Dhinaca hawlkarnimada waa iskaga mid oo rag kala dhaca maaha. Labadaba hal-abuur iyo maskax furnaan ayaa lagu yaqaan. Hindise currintooda joogtada ah ayay shirkaddu ku raysay oo qayrkeed kaga horraysaa. Waa laba shakhsi oo hormood ah oo la majeerto. Dhinaca dad la socodka ayay ku kala fog yihiin. Dhaglas waa nin furfuran oo dad dhexgal leh, halka Yaasiin lagu tilmaamo nin xidhxidhan oo aan dadka soo dhex galin. Dadka in gooni ah uun buu ka raacaa oo ay is fahmaan. Inta kale, waxay badi u yaqaanaan nin gole ka maag leh oo gooni socod ah. Ha yeeshee, hebelada ay is bartaani, kuma hungoobaan. Waa waayo arag aad wax u akriyey oo xog badan haya, sidaa darteed, wuu haasaawiyaa oo hogatusaaleeyaa. Inta badan dadka xurmo ayuu u muujiyaa, kii xummaan rabbana, wuu yaqaan sida loola xaallo.

Doc kale, labadan saaxiib, durruufo aad u kala fog ayaa ku xeerran marka ay noqoto noloshooda gaarka ah ee ka baxsan tan ay wadaagaan ee shaqada. Yaasiin, marka laga yimaado shaqada uu shirkaddan ka hayo, waa ganacsade meherado u shaqeeyaan. Waa mashquul saacaduhu u xisaabsan yihiin. Firaaqada ayaa sideedaba ku yar. Waqtigiisu wuxuu u qaybsan yahay mar uu shaqada shirkadda ku jiro, mar uu ganacsigiisa gaarka ah ku hawlan yahay iyo mar uu wax akhris iyo aqoonkorodhsi ku foogan yahay. Qoys balaadhan ayuu ka soo jeedaa. Isaga markaad ka timaado, sagaal qof oo kale ayuu la dhashay. Aabihii qarax dad rayid ah lala beegsaday ayuu ku geeriyooday. Hooyadiinna sanaddo ka dib geerida odayga ayay god gashay. Sidaas darteed, goor hore ayuu mas’uuliyad iska saaray korrinta iyo kaalingalinta xubnaha qoyska. Ehelka kale ee ku tiirsani waa tirobeel. Inta badan dad sabool ah ayay u badan yihiin oo taageeradiisa ayaa noloshooda udub-dhexaad u ah. Qaar badan fursado shaqo ayuu u abuuray, laakiin wali in door ah ayaan taageeradiisa la’aanteed iskood isku taagi karin.

Dhaglas isagu waa kaligii. Xaas iyo caruur midna ma leh. Dad noloshiisu tiir iyo udub u tahay midna lama sheegin. Aabihii iyo hooyaddii, xirfadlayaal dabaqada dhexe ah bay ahaayeen, haddase waa hawlgab. Dhaqaale ahaan, way isku filan yihiin oo cidna waxba ugama baahna. Faa’iidada hanti ay maalgashadeen markii ay xoogga ahaayeen ayay manaafacsadaan. Gunnada hawlgabka oo si joogto ah ugu soo dhacda ayaa intaasi u dheer. Sidoo kale, wiil iyo gabadh la dhashay Dhaglas, waa dad shaqaysta oo nolosha meel wacan kaga jira. Labadooda waalid marka laga reebo, saddexdoodan wada dhashay, saddex qaaradood ayay kala joogaan oo ay ku kala nool yihiin. Qoys ahaan, xidhiidh adagi ma ka dhexeeyo, marka se wax soo kordhaan waraaqo ayay is dhaafsadaan ama telefoon ayay ku wada hadlaan, haddii loo baahdana, way isa soo booqdaan.

Inta ay wada shaqaynayaan ee ay shirkada wada joogaan, Dhaglas kharashkiisa aad buu u ilaaliyaa. Qadada oo meesha laga wada cuno, shaqaaluhuna lacagta qaybtamaan, Dhaglas isagu qayb kama aha ee qado uu soo karsaday ayuu la yimaadaa. Bunka ama shaaha falaas gooni ah ayuu u samaysatay oo arroortii inta aanu guriga ka soo bixin ayuu soo diyaarsadaa. Si kale kuma garatide, intii uu u baahan lahaa ba wuu sitaa. Nin soo diyaar garoobay oo shaqo tag ah weeyi. Mararka hawl kale soo korodho ee shaqaalaha shirkaddu qaadhaan ururrin u dhaqaaqaan, ma hawlyara in Dhaglas wax laga helo. Yaasiin ayaa loo soo maraa oo marrarna wax ka qaada, marmarna ka quusta. Taas ka soo horjeedkeeda, Yaasiin isagu safka hore ayuu hawlahaas oo dhan kaga jiraa. Wuu isdiraa oo wuu u hagarbaxaa, marrar badanna isaga ayaaba ah maskaxda arrimaha istaageersigu ay ka soo unkamaan.

Marka la gaadho bisha ugu danbaysa ee sanadka oo badiba ajnabiga shirkadda ka shaqeeyaa fasax galaan, Dhaglas hayntiisa wuu farraqaa. Dib wax uma dhigto ee wuu kharash gareeyaa wixii uu kaydinayay oo dhan. Waxa ugu mudan noloshiisu waa inuu dunida soo dalxiiso. Diiwaankiisa socodku wuxuu tilmaamayaa in ilaa imika uu 46 dal soo booqday. Sanadkii hore Jasiiradaha Bahamas ayuu bil ku soo qaatay. Sanadkii ka sii horeeyey jasiiradaha Indooniisiya ayuu dalxiis dhinaca badda ah ku maray. Doorkan wuxuu ku taamayaa inuu labo goobood waqtigiisa u kala qaybiyo; waa goob dalxiiseedka “The Blue Lagoon” ee dalkaasi Iceland iyo buuralayda dalxiisayaashu jecel yihiin ee dhaca dalkaasi Peru. Halbeeggiisu waa inuu indhaha soo saaro dhul inta badan dhaayaha ka qarsoon oo aan la tagin, dalxiisayaashuna ku yar yihiin. Goobaha aan aad loo aqoon ayuu ugu jecel yahay. Sawirro kummanaan ah iyo muuqaalo aan ka yarayn oo uu goobahaas ka soo duubo ayuu daawashadooda weheshadaa. Inta sanadka danbe la gaadhayo ee uu goob dalxiiseed soo jiidasho leh ka helayo, xusuustaas ayuu la nool yahay.

Yaasiin isagu doonistaas ma qabo, xiisonna uma hayo. Waa marre, wuxuu qabaa inaanu haleel u hayn oo ganacsiyo kala duwan ayaa u kala daadsan. Waa mar labaad iyo mid ka mudane, waqti lumis iyo dhaqaale burburrin ayuu u arkaa safarradan dalxiis ee saaxiibkii caashaqsan yahay. Waa mar saddexaade, dhaqanka ah in la socdo oo dhulka la maro ama la soo dalxiiso noloshii lagu soo koriyey kuma jirin. Sabab dhaqan-dhaqaale oo guun ah in fikirkiisu salka ku hayo ayay u badan tahay.

Maan rag waa mudacyo afkoode, Dhaglas wuxuu dedaal ku bixinayaa inuu mar uun saaxiibkii Yaasiin ilbixiyo (sida uu u arko), fadhiga ka kiciyo, dalxiis geeyo, indhihiisa wax soo tuso oo ay is raacaan. Wuxuu ku dhiirrigaliyaa inuu waqtiga ka faa’iidaysto oo dhul cusub, dad cusub iyo deegaan cusub soo barto oo dalxiis tago. Wuxuu ku boorrinayaa in nolosha adduunyada ee gaaban uu ka faa’iidaysto, inta uu awoodo ka raaxaysto oo uu nafiso. Ma mooganna xaaladda ku xeerran Yaasiin, balse waxa uu iswaydiinayaa sababta uu mas’uuliyadda culus isku saaray. Ma ku qanacsanna sababta Yaasiin bil walba biilal badan u bixiyo, arday dugsiyo uga bixiyo, kharashka noloshoodana u daboollo. Taas ka soo horjeedkeeda, wuxuu aaminsan yahay in Yaasiin abuurayo dhaqan tacabdiid iyo isku dul noolaansho ah. Iyada oo xaal halkaa marayo ayuu saaxiibkii la wadaagayaa, muuqaalo laga soo qaaday buuralayda Peru, waxaanu rabaa bal inuu maankiisa raadeeyo. Ha yeeshee, Yaasiin uma muuqdo nin si fudud safar hanti badani ku baxdo looga gadi karo. Dhaglas inuu halkaasi sii jilciyo oo saaxiibkii qanciyo ayuu ku dedaalayaa. Isaga oo isku dayaya inuu saaxiibkii fahamsiiyo inuu shaqada waxoogaa fasaxa ka qaato, naftana la soo shawro, ayuu odhanayaa:

“Waryaa waad u baahan tahay inaad fasax qaadato oo aad safar dalxiis gasho. Waa marka koowaade, muddo dheer ayaad shaqaynaysay ee naftaadan garawshiiyaha kaaga baahan ayaad abaalmarin uga dhigaysaa. Waa marka labaade, dhul aanad hore u arag iyo dhaqanno cusub ayaad soo baranaysaa. Ku darsoo, dadkaasi siday u nool yihiin; waxay cunaan, waxay cabaan, siday u cabaan intaba lagaaga sheekayn maayo” ayuu ku doodayaa Dhaglas

Yaasiin isaga waxa u xisaabsan lacagta uu dalxiiska saaxiibkii ku bixinayo halka ay gufayn karto. Haddii ganacsi la galiyo, faa’iidada ka dhalan lahayd ayuu ka fiirrinayaa.

“Aniga oo aan tagin, safar dheerna u galin, lacagna kharash garayn, sow intaa aad sheegtay ba ma ogaan karo” ayuu su’aal ahaan ugu celinayaa

Dhaglas wuxuu la yaaban yahay sida hagar la’aanta ah ee Yaasiin dad ay qaraabo yihiin biilal iyo dhaqaale kaleba ugu roon yahay, ha yeeshee marka ay naftiisa noqoto – safar hawo gedis ah oo uu galona ha noqotee – haynta inuu hurraa siday ugu adag tahay.

“Haddii aad u jeedo wax aad buug ka akhrido ama muuqaal aad ka daawato, i aamin oo uma dhigmayso xiisaha iyo xalladda ku lammaan muuqaalada ashqaraarka leh ee aad dhaayahaaga ku soo arkaysid” ayuu ku jawaab celiyey Dhaglas. Wuu sii wataa oo su’aal doc kale abbaaraysa ayuu miiska soo dhigayaa

” Waar ninyahow, wax bixini kuguma yara oo waan ku ogahaye, marka ay naftaada noqoto, horta waa maxay waxan kugu soo degaa? Sowdiga mar walba dad kale u dirran ee danahooga fullinaya? ayuu sii raacinayaa.

“Saaxiib haddii aad ka waddo reeraha aan dhaqaale ahaan taageero, xil baa iga saaran, iyaga iyo kharash tamashle ku baxaanna, agtayda bog kuma wada qorna”

” Hagaag, horena waan kuugu sheegaye, ka daa dhaqanxumada aad barayso dadkan. Dad xoogsan kara, dhididkooda maali kara, dhinacna wax ka baran kara ayaad la soo taagan tahay, xil baa iga saaran” Dhaglas oo jawaabtu ka dagi laada’ay ayaa ku soo rogaal celinaya.

Yaasiin intan danbe wuu u guuxayaa. Wuu garwaaqsan yahay in ardayda uu waxbarashadooda kafaalo qaaday ay firfircooni intan ka badan la iman kari lahaayeen. Gaar ahaan, qolyaha jaamacadda hadda sii dhamayn rabaa, haddii ay ka go’an tahay, shaqo gallin ah ma waayeen, kol qolyaha ka hooseeya ay laylliyada kala shaqeeyaan, ka dibna kharashkooda waxbarasho wax ka daboolaan. Sidaasi oo ay tahay, is adkayn iyo ha u jabin mid ay ka tahayba doodda Dhaglas ganafka ayuu ku dhufanayaa.

‘Saaxiib dee anigu sidaada oo kale kaligii ma nooli, dadkanna xil baa iga saaran. Midda kale, dee sidiina nidaam adagi nooma dhisna, kuwa aan dooranaana xil iskama saaraan daboolida inta ugu mudan ee la wada leeyahay,. Xagayagga xaalku nin walba waa ku ninkiisa” ayuu ku garnaqsanayaa isaga oo dhinacna saaxiibkii waxmataranimo ku eedaynaya, dhinacna is barraxaya.

Aragtidaasi uma cuntamin Dhaglas, degdeg baanu uga jawaabayaa.

‘Waxyaabaha dhaqaalaha dalku u kobci laaya’ay, shaqo la’aantu u baahsan tahay, saboolnimaduna u xoog badan tahay waa isku darka habdhaqankaagan iyo qaar la mid ah. Intaasi imika aad dhaqanxumada iyo isku dulnoolaanshaha aad baraysaaba waa xoog dihin oo shaqayn lahaa. Waa cududdii dhaqaale ee dalka, balse si ku talagal ah aad hawlgab uga dhigteen” , Dhaglas oo tibaaxaya saamaynta ka dhalata falka saaxiibkii, dhinacna jawaab waafi ah ka bixi is leh eedaynta ah inaanu cidna taageerin, ayaa intan ku garnaqasay isna markiisa.

“Waar dee imaad fahmin. Anigu shaqo ka joojin maayo dadkan ee waan u carbinayaa. Si waxsoo saarka iyo dhaqaale abuurka ay qayb uga noqdaan, sow horta inay waxbartaan lama rabo? Dee waa taasi ta aan ka shaqaynayaa? Inaad i fahantaa wanaagsan.

“Waxbarashada lafteeda ayaa la qalad fahmay. Qasab miyaa in qof walba jaamacad aado. Dalkayga lagu tiriyo kuwa adduunyada ugu horumarsan, 40% kama badna inta waxbarasho aad u saraysa lihi. Waa su’aale ma hubtaa in dhibtu tahay shaqo la’aan ee aanay ahayn tacabdiid. Shaqooyin badan oo mudan, dheefna leh balse dadkiinu ay ka xarragoodaan ayaan kuu ogahay. Maxaa diiday in la xoogsado oo muruqa la maallo inta jaamacad lagu wada ordayo? Maxaa ka hortaagan inay xirfadaha naadirka ah ee suuqa leh bartaan, ka dibna ku xoogsadaan? Maxaa maskaxda loo adeegsan waayey oo fikrado ganacsi iyo hindise loola iman waayay. Halabuurkii iyo fikrad currintii maxaa helay? Ma ka fikirtay inaad dhibta qayb ka tahay waayo qoysaskan aad fadhiga biilka ugu qortay bari ka maalin sida tacab loogu karaa way adag tahay. Maxay ka daalayaan marlay haddii ay fadhiga ku dheefayaan, xoogsi iyo wax soo saarna aan lagu dhiirigalinayn ama lagula xisaabtamayn”

Yaasiin, mar kale ayuu dooda Dhaglas dhuuxayaa, dhadhansayaa oo wax ka garrawsanayaa. Wuxuu soo xusuustay hebello uu waalid ugu toosan yahay, da’dii loogu xoogga badnaa ku jira, laakiin xoogsi iyo tacab aan haabka ba ku hayn. Marar uu isagu fursado la raadiyayna, kaalintoodii gabay. Sidaasi oo ay tahay, ninka shisheeye inuu iska dhiciyo oo aanu goldaloollo gudaha ah tusin ayaa ka go’an

“In qof walbaa farsamo gacmeed barto lafteedu xal maaha oo xirfado kale oo la hurran yahay ayaa iyaguba jiree, sidii la iskugu miisaami lahaa labadaasi ayay sirtu ku jirtaa. Reerahan kale ee aan wax ku tuuranna, waa qayb ka mid ah istaageersiga qaran ee aan duruufo badan kaga soo gudubnay. Miyaa nala arki lahaaba haddii aanaan isgacan qabanayn, gaar ahaan waqtiyada foolka adag”

Qallinkii. Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Hoos ka akhri maqaalladii hore oo uu qoray Cabdiraxmaan Aadan:

Dawlad Hoose: Dan iyo Dareen (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Tusmadii Waasuge: (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Waalidka Maanta (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Ardaynimada: Shalay iyo Maanta (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Barashadii teebka (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q.1aad (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q.2aad (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q.3aad (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q.4aad, (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Adeegsame Aleenkayga! (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Muuqaalku Waa Dage (Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Bal muxuu ku dhintay? (WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud)

Fellow Africans Suffer in South Africa