Shirweynihii Waddani bil baa u buuxsantay (WQ: Xasan Ciise)

 

Shirweynihii uu qabsaday xisbiga mucaraadka ah ee Waddani waxa ay maanta ugu buuxdaa bil buuxda ama dhammays tiran, muddadaas soddonka cisho ahna xisbiga madaxdiisa qaar ka mid ah wax ay sameeyeen hawlo waaweyn oo safar ay ku mareen meelo badan oo wadanka ka mid ah.

Waxa ay masuuliyiinta xisbigu booqashooyin ku kala bixiyeen gobolada Awdal, Tog dheer iyo Sanaag  iyo meelo badan oo intaas u dhaxaysa, inkasata oo safarradu kala ujeedo duwanaayeen. Kan gobolka Awdal waxa uu ahaa in la muujiyo taageerada xisbigu uu ku leeyahay malaha, iyada oo la is leeyahay beeniya hadalkii ka soo yeedhay guddoomiye-ku-xigeenkii 1aad ee xisbiga oo ka xanaaqay shir weynaha maalintii u danbaysay. Laakiin safarka gobollada Bari waxa uu aad diiradda u saaraayey abaaraha dhibka ba’an u gaysatay dadka iyo duunyada dhulkaas ku dhaqan. Waxaanay warbaahinta kala duwan aan ka dheehanay musharaxa madaxweyne ee xisbiga Cabdiraxmaan Cirro iyo Hogaamiyaha xisbiga Xirsi Cali oo qaybaniya kaalmooyin kala duwan.

Waxaa la filaayey shirkaasi marka uu qabsoomo in qarax iyo dildilaac ku dhici doono xisbiga, waxaase iswyadintu ahayd siduuu xisbigu nabarrada ku dhici doona u dhayan doono ama u yarayn karo khasaaraha ka dhalan karan?

Dadka qaar wax ay aaminsan yihiin hoggaamiye sare oo muddo la soo halgamey xisbiga ilaa samayntiisii ama abuuritaankiisii uu xisbigu waayey, waa Axmed Muumin Seed eh, waxaanu la go’ay garab la baxay “ Toosinta iyo Casdaaladda” laakiin waxaa khasaarihii xisbiga yareeyey Axmed  kama bixin shirarkii iyo kulamdii xisbiga ee goor xeedho iyo fandhaal kala dhalaceen ayuu ka baxay oo wax walba uu u codeeyey ama goobjoog ka ahaa taasina waa ta yaraysay dadkii laga yaabee haddii uu mar hore sidaa yeeli lahaa raaci lahaa.

Waxaa kale oo jirta in ay iskaga eg yihiin ama  iswaafaqsan yihiin  shirweynahaas Waddani iyo kii Kulmiye sannad ka hor qabsaday oo isna sidan oo kale ahaa  oo lagu doortay musharaxa iyo ku xigeenka, waxay wadaagaan labada musharax ee madaxweyne cid la tartantay ma jirto labadaba, mid kaliya uun baa gacanta loo taagay, ku-xigeenkana waxa uu ahaa labadaba mid furan oo tartan sax ah loo galay, sidaasna waxa ay kala dhimaysaa baahidii loo qabay tartan xor oo xalaal ah in laqabto.

Waxa ay iskaga mid ahaayeen isla markaana ku kala duwanaayeen labada xisbibaba waxaa ka jabay ama ka baxay siyaasiyiin caan ah laakiin waxaa khasaare yaraa halkan Waddani oo marka loo qiyaaso siyaasiyiintii la baxay isbadal-doonka ee Kulmiye ka jabay aakhirkii waxa ay camireen Waddani, waxaa la is leeyahay xoogga iyo xoolaha uu xisbigani ka helay kooxdan wax ay muujiyeen isbadal weyn oo ku  yimid hannaankii xisbiga Waddani iyo taageeradiisiiba.

Hoos ka akhri faallooyin hore oo uu qoray Xasan Ciise

Faallo: Waddani waxa uu u eg yahay mucaarad macno leh

 

Faallo: Waddani oo qaaday waddadii dildillaaca

Faallo: Doorashadii mugdi baa galey

 

Xasan Ciise

Boorama