Sinaantii La’eeday Qaybta 1aad (WQ: Yuusuf Hayd)

Waa maalin ka mid ah sanadkii 1975. Dalka waxa hareeyay baqdin ka dhalatay dhaqankii Kacaankii 1969. Waa badnayeen dadka Nabad Sugidu af duubtay ee aan dib loo arag. Qofna ma hubin gabbalka u dhacaa waaga ka danbeeya inu nabadgelyo la imandoono.

Maalintii taariikhdu ahayd 23 January, 1975, waxa aan ku waaberiisanay war dhulku nala gariiray oo naxdin badan. Waxa aan maqalay in culimadii tobanka hayd ee Kacaanku ku xukumay dilka, kadib markay ka hor yimadeen go’aankii Madaxweyne Moxamed Siyad Barre ee simayay ragga iyo dumarka in la dilaayo. Waxa u ahaa war dadka Soomaaliyeed ay aad uga naxeen kana xumadeen, aysanse badankoodu ka hor imankarin. Waxase dhiiraday, oo ka dhiidhiyay oo ka hor yimid culimo badan oo Alle dartii u bareeray geeri.

Sannadadaas isgarsiintu waa liidatay. Telefoono ma jirin marka laga reebo midhmidh xafiisyada dawladda yaalay oo inta badan aan shaqaynayn. Dadweynuhu marka ay u baahdaan telefoon gobolada ama dalka debediisa, waxay isku shubi jireen Wasaaradda Boosta iyo Isgarsiinta oo gor kasta ay tagnaan jireen safaf dhaadheer oo goor kasta buuq iyo isjiidjiidku ka dex taagnaa. Gaadiidka dadweynuhu ma badnayn, waxase raaci jiray inta awooda dhaqaale haysta oo aan badnayn. Mar danbe baa nin Sucuudiga kala yimi baabuur ka loo yaqaan ‘Hilux’ oo loo bixiyay ‘Xaajiyad’ iyada loo qarinayo in lagu soo iibshay lacagta islamihii Sucuudiga tegay oo shaki ku jiray waxa ay ka shaqeeyan jireen. Ninka baabuurka keensaday wuxu shaqo ka bilaabay Ceelgaab iyo Number Afar, iyada oo dadka duhurkii shaqada ka soo baxa ay Ceelgaab ugu sugi jiraneen sida raxmmadda robka, iyaga bacaadka tuban. Marku baabuurku yimaado waxa ka dhicijiray dagaal waxana fuuli jiray inta xooga leh. Haweenka iyo carruurtu ma haweysan jirin inay racaan ee waxay maali jireen cagtooda.

Dadkii Xamar ku noolaa iyaga ku jira noloshaa aad moodo qaxa baa ganacsede kale la yimi baabuur ‘Mini Bus’ ah oo cusub oo aad u qurux badan. Waxa jeclaaday dadkii oo dhan, waxayna u bixiyeen ‘Shareero’ oo ahaa magaca koox fanaaniin ah oo u lahaa Axmed Naaji oo aad loo jeclaa. Waxay shaqo ka bilowday Number Afar iyo Afgooye, iyada oo baahidii ardaydii Jaamacadaha Afgooye wax ka tartay, hase ahaate aan baahidii gaadiid xumida ee Xamar ka jirtay aan waxba ka qaban. Mudo ka dib was suuqa soo galay taaksiyo aan badnay oo lagu xardhay reji casaan iyo huruud ah oo loo bixiyay ‘umulo gaad’. Dada raaci karaa ma badnayn, hase ahaate markay bilaabeen inay kirada ‘ingeedhka’ ku daraan in dadku wada kiraysan karaan oo qofba qaybtiisa la bixikaro waa la mahadiyay. Shaqaalaha dawladu marka laga reebo madaxda sare dhibatada gaadiid xumida dadweynaha waa la qabeen.
Sannadadaas dadka cibaadaystaa ma badanayn. Goobaha cibaadada waxa u badnaa dadka da’da ah. Dhallinyarada iyo inta badan haweenka waxa aad mooday inay moogyihiin in cibaadadu ku waajibtay. Dhallinyaradu rag iyo dumber inay saxiibaan oo gabdhuhu wiilasha ku soo dhaweyaan guryahooda caadi bey ahead. Labiska dhallinyaradu waa qaab daraa. Wiilashu dhar ku dheggan oo surwaalku hoosta ka balafsanyahay iyo tin weyn bey ku xaragon jireen. Gabdhu timo qaawaan, dhar laabtu muuqato iyo kubka oo la qaawiyo bey u badnaayeen. Waxa jimcayaasha dhallintu tegi jireen laba huteel (Juba iyo Liido ) oo ay kooxdii Shareer iyo kooxdii Iftin muusig ka tumi jireen. Khamiraga iyo fusuq kale waa laga sheegi giray Hoteeladaas. Inkasta oo ay yaraayeen dadka awooda u leh inay ka qayb galaan caweysyadaas, haddana waxa jiray dhallin caan ahayd oo la hadalhayn jiray.

Dariiqoonka ka jiray dalka ma badnayn. Waxa ugu weynaa dariiqada Qaadiriyada iyo tan Saalixiyada. Waxay u dhaqmayeen qaab urur buslsho oo dan wadaag ah. Waxa ay lahaayeen nidaam dhaqaale urursi oo dadka qaarkii waajib isakaga dhigeen. Waxa ku badnaa siyaarooyin, ducooyinwka iyo xusaska oo dhinac haddii la geego ay ka faa’iidaysan jijen danyartu. Kulamadaas waxa la saman jiray cuntooyin badan oo ahayd marka qura ee danyartu hilib dhadhamiyaan. Kolamada sannadlaha ah ee digriga lagu qurxinayo ee lagu xusayo awliyada oo dad badani ku madiixo waa badanayeen.

(LA SOCO QAYBTA LABAAD DHAWAAN…)