Gabay ( Hadraawi)

Gabaygan waxaa curiyey abwaan maxamed ibraahim warsame maxamed waxay hooyadii xijaabatay isaga oo inan yar oo toban ilaa sided jir ah isaga oo xasuusan sidii hooyadii u soo barbaarisay ka tilmaan qaadanaya ayaa uu yidhi :

Hooyooy la,aantaa adduunyadu hubaashii hameen kama baxdeenoo iftiin lama heleenoo dadku uma hayaameen dayaxa heega joogoo sida haad ma fuuleen xidig hawada lulatoo hawo laguma gaadheen hubka laguma tureen cirka hirarka muuqdoo ruuxaad hageysiyo usha nimaad u haysaa hillin toosan weligii ka habaabi maayee

Hooyooy adduunyada halkay maanta joogaan adigaa u horseedaye inaad hanad xambaartee haaneedka siisee horaadada jaqsiisee habtay baan xisaab iyo tiro lagu heleynoo marka aad nin hanadoo laga baqo heshiisiyo halyey dhiiran dhashaabaa hooyoo lagu xasuustaa marka aad nin himilada hillin toosan mariyoo sii dayn hogaankoo hawlaha qorsheeyoo hir markii lagaa dhaba ku labaad hilaabshoo haga maatidiisoo la higsado dhashaabaa hooyooy lagu xasuustaa

Marka aad nin hoog iyo ka hortaga dagaalkoo dabka hura bakhtiiyoo garta hubin yaqaanoo xaqa hoos u eegoo halistiyo colaadaha ku hagoogta dhiigoo dadka kala hagaajoo kala haga dhashaabaa hooyooy lagu xasuustaa marka aad hoobal caanoo sacabka iyo heelada labada hanaanshoo hindisaa

farshaxanoo hordhaca iyo luuqadaba rabi hibo u siiyoo kala haga dhashaabaa hooyooy lagu xasuustaa

Dumariyo haweenbaa guur lagu haweystaa kuwa lagu hammiyayee sida hawd caleen weyn rag u wada hamuumeen ishu halacsanaysoo hablahaaga weeyoo marka guur la heybshee gabadh heego dheeroo hoobaan la moodoo karti iyo hub qaad oo quruxdana ka hodonoo hufan laga aroosoo hooyooy lagu xasuustaa

Hooyooy la,aantaa higaad lama barteenoo hadal lama kareenoo ruuxaanad habinoo kolba aanad heesiyo hoobey ku sabinoo hawshaada waayaa hana qaadimaayee hooyooy taftaadaa dugsi laga helaayoo hooyooy dhabtaadaa hurdo lagu gam,aayoo hooyooy dushaadaa nabad lagu helaayoo waxaa lagu hal maalaa hooyoy ababintaadee

Hayin lagu badhaadhay hogol lagu qaboobay gogol lama huraaney dugsi lagu hirtaayey hooyo lagu xasuustaa intaad hooyo nooshahay hambalyiyo salaam baan hanti kaaga dhigayaa habrashiyo xaq dhawr baan dusha kaa hawinayaa hooyo dhimashadaaduna hoogeyga weeyaan

Welligaa hogaagaan ka dul heesayoo hiyiga iyo laabtaan kugu haynayaayoo hangalbaan u xidhayaa inta haada duushiyo idil habar dugaagoo ifka hibo ku noolow aakhirona halkii roon

Qoraa: Casayr Aadan Salleebaan

Bandhige@gamil.com