Hees: Bulshooy halistaada garo (WQ: Sacad jibriil)

Nimaan haankaba ku hayn

Halkay dantu taalo iyo

Siday hawluhu yihiin

Horseed ma ahaan karee

 

Intaad hayb haybta iyo

Hoheeyda qabiilka iyo

Bulshooy ku hadaaqaysaan

Hacooyada liita iyo

Kuwii ku hagraday bulshooy

 

Habaaskiyo hayjadiyo

Awaaraha boodhka iyo

Wallee huqda kama baxdaan

 

Hawraartuna waa laboo

Halbeega wanaagsan iyo

Waxaa lagu hagar baxaa

 

Haldoorka aqoonta iyo

Hogaanka wanaagsanee

Dadkiisa uhiiliyee.

 

Intaad hayb haybta iyo

Bulshooy u hadaaqaysaan

Hacooyada liita iyo

Kuwii ku hagradey bulshooy

 

Habaaskiyo hayjadiyo

Awaaraha boodhka iyo

Wallee huqda kama baxdaan

 

Humaaga aqoonta iyo

Hankaa la is dheer yahee

Dantoo laa hagar bixiyo

Habkaa la is dheeryahee

 

Intaad u hiloobaysaan

Qabiilka u heelantiin

Bulshooy ku hadaaqaysaan

Hal haysyada liita iyo

Bulshooy haybhaybtan baas

 

Wallee hagardaamadiyo

Wallee huqda kama baxdaan..