Heesta Arooska Geel iyo gamaan faras

Ayaan kugu gelbinaynaa

Farxad aan gaboobay ayaan

Ayaan kugu gelbinaynaa

Hoobaala hoobaalayey heedheh

Anigoo garoowe jooga yaan maqlay

Guursigaa goo

kabihii ma baadhine

Cagtaan boodhka soodaraye

Waxaan soo bayiigaba hadaan

Baydka soo galaye

Iminkaan bayaan kuu arkaye

Boqor maxaad sheegtay?

Hoobaala hoobaalayey heedheh

Adiguna basraay kama dhacdide

Billan maxaad sheegtay?

Hoobaala hoobaalayey heedheh

Adna inanka inanka noo caawiyoow

Cali maxaad sheeg?

Hoobaala hoobaalayey heedheh

Adna inanta inanta noo caawisaay

Canab maxaad sheeg tay?

Hoobaala hoobaalayey heedheh

Lagu mood shamsada soo baxdiyo

shaaca waaberiye

Hoobaala hoobaalayey heedheh

lagu mood midhii hawd ka baxay

Halalac saareyde

Hoobaala hoobaalayey heedheh

lagu mood magaaladii burcoo

roob ku loofaraye

Hoobaala hoobaalayey heedheh

lagu mood magaaladii

sanaag oo saaka roob helaye

lagu mood saacii kabaxay oo

saaka madax qaaday

Hoobaalay hoobaalayey heedheh

lagu mood sidii geel horweynoo

fadhiya harada guudkeeda

Hoobaalay hoobaalayey heedheh

Hinqo oo istaag caawa waan

ku hubsanaynaaye

Hoobaalay hoobaalayey heedheh

Hagoogta iska qaad yaan la odhan

Hoogto weeyaane.

Qoraa: Casayr Aadan Salleebaan

bandhige@gmail.com