Mahuraan Baroordiiqdu!

Gabaygan waxaa tiriyay Macallin Siciid Saalax Axmed 23/10/2021, Minnesota (USA). Wuxuu abwaanku ka tiriyay kulan ah duco, baroordiiq iyo milicsi waxqabadkii marxuum Dr Maxamed Daahir Afrax oo lagu qabtay aaladda Zoomka, oo ay soo qabanqaabisay Akadeemiye-goboleedka AfSoomaaliga, ayna ka soo qaybgaleen aqoonyahan iyo waxgarad kala jooga dunida daafaheeda.

                 I

  1. Nooluhu majaruhuu togaa, marinka saadaasha

  2. Marna waa bilaw ama dhammaad, moosinkaa taxane

  3. Waa labada maalmood dhexdood, wuxu mudaystaaye

  4. Mugga uu dhashaba waa lidkeed, waxa u meel yaale,

  5. Ma dhammaato geeridu ilaa, maalin sarajooge,

  6. Hadduu meleggu ruux dayn lahaa, Mawle amarkiisa

  7. Nebi Maxamed baa joogi laa, dunida maamuuse,

  8. Qofna mowdku huri maayo oo, waa makalayaaye

  9. Marxuumkaa god galay iyo xuskaa, maqalku diidaayo

  10. Waa Maxamed Daahir Afraxii, mawliga ahaaye.

  11. Bulshada magaca Soomaaliyeed, marin kastay joogto

  12. Alleyle mitaalkuu ahaa, kaalin baa madhane

  13. Geedkii mankiyo ubaxa iyo, midhaha saaraayey

  14. Alleyle waxaa maanta jabay, damal magoognaaye

  15. Malkaduu fadhiyey iyo intuu, kala mildhaabaayey

  16. Waa meel banaanaatay iyo, ceelka maax dumaye

  17. Qalin baa madaadkii ka go`ay, shalay mug weynaaye

  18. Murtidii qoraal curin tiraab, dhawr bog baa maqane.

  19. Haddii uu masuulkii god galay, Maxamed Aw Daahir

  20. Inta meerisaan tabanayaa, maaha tirakoobe

  21. Waxa aan la murugoonayaa, maaha keligaye

  22. Dareenkaan ku maansoonayaa, ma aha kaygiiye

  23. Waxa aad maqlaysaanna waa, idinka maankiine

  24. Maqaawiirta Qalinleyda iyo, AGA mataanoobey

  25. Mahuraanka wadartaa dadnimo, muxubbadii saaqday

  26. Qofba meeriskuu gocanayaan, muhindisoodaaye

  27. Marley waxan is weydiinayaa, muhashadiinniiye

  28. Inta mudan tixraac iyo intaa, wada maruuryaysan

  29. Haddii aan martabadaa dhammaan, meerin kari waayo

  30. Tusaaloyinkaan marinayaa, waa matala guude.

  31. Maahmaahda Soomaaliyeed, ma aha been sheege

  32. Meeshaad martaba waxa la yidhi, waa nin magaciiye

  33. Wax la yidhi wixii muuqda baa, kuu mahiib gala e’

  34. Mahuraanna waa ceel wiyeer, milayga jiilaale.

                   II

  1. Miciinkii Af-Soomaaligiyo, maadha dhaqankeenna

  2. Madaxweynihii loo irkaday, kaydka madhaxeenna

  3. Mudanow Ismaaciil, hadduu, tegey marxuumkaasu

  4. Maamuuska aad geysatiyo, midhaha aad beerto

  5. Yaa mahadnaqaagii ka qiri, meel kasta adduunka?

  6. Laas biyo macaan baan xunbuli, lagaga maarmayne

  7. Mugucuu ka soo dhaamin jirey, maaxdu yey gudhine

  8. Weli hawl ma daalow hogadu, wayska meeshiiye.

  9. Mucda fulintu waxay daarantahay, mudanka waayeele

  10. Yaa Taaniyow soo malkumi, shirarka meegaaran?

  11. Taariikhda ay soo martiyo, heerarkay miratay

  12. Yaa Xaashiyow marag u noqon, meelmar tebinteeda?

  13. Hibo Muuminey yaa hirgelin, minanka joogtaynta

  14. Yaa mala-awaalkii qorshaha, kala mudaynaaya?

  15. Dhalinyarada miiggani haddey, curiso maankeeda

  16. Qofba miiladuu geli lahaa, yaa u kala meerin?

  17. Yaa Cabdirashiid mihindiskii, hubin midhkii toosan

  18. Nimcaan, yaa mareegaha farsamo, kala macnayn doona?

  19. Mid kaloo la tebi doono oo, maanku gocanaayo

  20. Mufti iyo afshaxan iyo qoraa, iyo masuulkeeda

  21. Murti dhaadhigeediyo wax garad, maansayahankeeda

  22. Yaa mudanka Soomaaliyeed, meel isugu keeni?

  23. Kartidii maqiiqnayd intuu, socod ku maasheeyo

  24. Muqdishiyo Jabuutiba ayaa, maalin wada joogi

  25. Oo mayrac galabeed ku tegi, saddex kaloo meela?

  26. Oo yaa muraad guud ka fulin, madax is weydaarsan?

  27. Miyir-hadalka iyo tooyashada, ereyga miisaaman

  28. Oo yaa u miidaama dayi, xaajo marareecsan?

  29. Goosanka mintida oo dhamman, xarunta moosaaya

  30. Inta miiska soo wada fadhida, ina kaloon muuqan

  31. Yaa Maryan Cariifey tusmada, fuliya maaraynta?

  32. Martisoorka yaa deeqsinnimo, guri muggii buuxin?

  33. Yaa Mustafe Fayruus qorshaha, kula maqaam yeeli?

  34. Yaa madasha iyo tababarrada, maanka wada doojin?

  35. Yaa macallin Gacanow tusmada, marin abbaarteeda

  36. Yaa maamulkeediyo aqoon, AGA marriimaaya?

  37. Raxantaa murtida baahintiyo, wararka meeraysa

  38. Cabdullaahi yuu maalin joog, qori madiixooda?

  39. Yaad Saynabey macallinimo, heli mullaaxdiisa?

                 III

  1. Meel kalena iyo meelo kale, meel kasta adduunka!

  2. Inta hiilka meertada wadaag, abid ka soo maagin

  3. Qofba meesinkuu raaci jirey, waxa u meel yaalla

  4. Yaa Maxamed Shiikhow Afgudhay, darar ka maalaaya?

  5. Abtidoon, bal yaa xubinta maqan, heli muraadkeeda?

  6. Marwo Saynab ina Daahirey, Maqasha yaa raaci?

  7. oo ubad mudantuu lahaa, maanka korinaaya?

  8. Abtirsiinaduu soo mariyo, dhaaracyada muuqda

  9. Cabdul Cumar Mansuurow adaa, maahir ku ahaaye

  10. Yaa magacuyaallada naxwaha, sugi muftaaxooda?

  11. Taariikhda meertiyo tusmada, milayga sooyaalka

  12. Yaa marin Idaajaa halkay, mudayso suugaantu?

  13. Mullaaxdiyo jillawdaba inaan, maydhax laga diiran

  14. Yaa ereyadaa wada maldahan, kala maljiidaaya?

  15. Yaw maqan Saciid Jaamacow, sheeko masraxeedka?

  16. Oo yaa Rashiidow murtida, mahadhadeed sheegi?

  17. Yaa Maana-faay iyo faceed, magangelyaynaaya?

  18. Meeshii bugtaba yaa bulshada, muujin hagarteeda?

  19. Manhajkaa Af-Soomaaligiyo, macallimiintiisa

  20. Machadkaa Jigjiga wuxu u yaal, muunad gooniya e

  21. Maxamuud, bal yaa qaar la mida, furi mitaalkiisa?

  22. Haddaad Macallin Guush iyo in kale, mudanki soo gaadhey

  23. Oo aad aqoontaa mugga leh, Maxamed taabsiisay

  24. Yaa Maartinow barasha sare, takhasuskaa muujin?

  25. Cid waliba martabad bay tebtaa, meeris gooniya e

  26. Kooxdii malkada bariga oo, kala muquunowdey

  27. Xandulliyo marley waa Gucmudi, muhashadoodiiye

  28. Cabdi Xaashiyow yaad mabda’a, marar la faalayni?

  29. Aadanow muddaba waa muddo e, marar xusuus reeba

  30. Dhaaxaad jidaal wada marteen, wada mushaaxdeene

  31. Dhaaxaad mudayseen shiraac, maayad shaamiya e

  32. Dhaaxaad majarihii badweyn, maylal socoteene

  33. Dhaaxaad mukhuur iyo yohoon, wada majeerteene

  34. Musareen dhacaayiyo xawaal, wada bad maaxdeene

  35. Meexaano kaftankii wax badan, maado curinteeda

  36. Saaxiibbo, muxubbiyo kalgacal, macallinowdeene

  37. Bal maxaad ka tiri geeridaa, Maxamed Aw Daahir?

               IV

  1. Aniguna mid ii gaara baan, sii muhanayaaye!

  2. Annagoo qoraal miranaynoo, meel fog kala joogna

  3. Hadduu qalinku kaa yare mergadood, erey u meelweydo

  4. Ama weedhu marareecatoo, murugto hawraartu

  5. Yaa Maxamedow iyo Saciid, maqal is dhaafsiisan?

  6. Haddeyse taladu meermeerto oo, seegto marinkeeda

  7. Yaa macallinow sheeg i oran, meesha xagal daacdey?

  8. Mahdi iyo walaalaha saddexan, maqal ogaalkooda

  9. Waxa aabbahood ugu maqnaa, maanta way garane

  10. Iyagana mitaalkiisii baa, looga meel deyiye.

  11. Haddii uu marxuumkii god galay, Maxamed Aw Daahir

  12. Ma uu dhiman Af-Soomaaligii, waa mugowyahay e

  13. Dhaaxuu mardaadiga xarrago, miiqay weeraha e

  14. Oo uu sarbeebaha maldahan, soohay midabayne

  15. Oo uu murtida weel u tolay, sheeko maangada e

  16. Madhaxuu ka tegey baa habboon, inaan milgaynaaye.

  17. Ninba meel ku foogane haddii, laysu mara tuuro

  18. Afku waa mid qudha ee haddii, hiil la wada muujo

  19. Malkaduu ka foofaba hadduu, helo mudnaatiisa

  20. Hawshii murkucan mayso oo, waa mudhbaxaysaaye.

  21. Murugadu ma baajiso naftii, maalin loo qoray e

  22. Waa lagu minqaadaa adduun, malaha sii raage

  23. Maguur lagu negaadaase waa, meeha aakhiro e

  24. Haddii uu marxuumkii godgalay, Maxamed Aw Daahir

  25. Mahuraan baroordiiqdu waa, madal xusuuseede

  26. Inuu meherad kheyr badan ku jiraan, muran ka taagnayne

  27. Intaasoo muslina baa u furay, marag Ilaahay e

  28. ku manayso Eebbow Jannadu, waa miduu geyo e

  29. Eeebbow ku maamus ducada, waa mid loo qiraye.

                   ***