Waa kuma abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)? Qormo kooban oo ka hadlaysa suugaanta abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey), waxa uu ku dhashay duleedka degmada Bullaxaar ee gobolka Saaxil. Isaga oo kuray ah ayuu u  wareegay magaalada Berbera, waxaanu ka shaqayn jiray makhaayadaha  cuntada. Isaga oo ka hawlgalay makhaayaddii Cumar Isteeri. Muddo kadib waxa uu u wareegay magaalada Hargeysa, xilligaasi oo uu sheegay abwaanku in ay  ku beegnayd  xilligii ay inqilaabka wadeen Xasan-Kayd iyo raggiisii. Abwaanku, intii uu Hargeysa joogay, waxa uu ka shaqayn jiray hudheelkii loo yiqiinay Yuuniyanka ( Union). Mar danbe ayuu abwaanku ganacsi ka bilaabi goobtii loo yiqiinay Xerodhafta.

 

Xilli ku beegan 1966 ayuu Xasan u wareegay dhanka geerashyada, isagoo ka shaqayn jiray geerashkii ay Xaaji Dool iyo Cabdi Giirshe wada lahaayeen. 1967, ayuu abwaan Xasan ku biiray ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya ee Kamaandoosta loo yiqiinay. Wakhti ku beegan 1970 ayuu si rasmi ah ugu biiray kooxdii baamboyda  iyo kooxdii Janan Daa’uud. Intii aanay Soomaaliya burburin abwaan Xasan-Ganey waxa uu ka mid ahaa abwaanada fankoodu siraadan yahay ee aadka loo jeclaa. Dadka fallanqeeya suugaanta abwaan Xasan-Geney waxa ay sheegaan in uu aad ugu xeeldheer yahay dhaqanka iyo deegaanka Soomaalida. Taasna waxa ka markhaati-kacaysa suugaantiisa dahabka ah ee ay dadku aadka ugu raaxaystaan. Abwaan Xasan-Ganey hadda waxa uu ku nool yahay magaalada Hargeysa.

Xigasho: Taariikh nololeedkan kooban waxa aan ka soo xigtay qoraal uu madaxa mareegta www.farshaxan.com, mudane Fu’aad  Sheekh Abuubakar ku baahiyay barta intarnatka ee  http://www.somaliland.org/blog/

Heestii ugu horraysay ee uu abwaanku sameeyaa, waxa ay ahayd heesta tidhaa: Caashaqu shafkaygii hawl yaraan shuq ma u yidhi. Waxa qaaday Sacaada Alaale, oo ahayd xaaskii Ilaahay ha u naxariistee Axmed Nuur Jaango. Waxaana muusiga saaray Axmed Nuur Jaango.

Abwaan Xasan-Ganey waxa uu sameeyay riwaayado badan, kuwaasi oo  raadad badan ku yeeshay  suugaanta iyo nolosha Soomaalida.  Walow aynaan hal qoraal iyo laba toona ku soo koobi karin taariikhda iyo suugaanta abwaan Xasan-Ganey, haddana waxa aan jeclaystay in aan idinla wadaago qaar ka mid ah riwaayadihii iyo heesihii uu abwaanku sameeyay.

Dab jacayl kari waa – 6 April 1974?

Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey)

Xiddigga: Axmed Cali Cigaal

Xiddigta: Aamina Cabdilaahi Xirsi

Fannaaniinta kale ee riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

Shamis Abokor ( Guduudo Carwo )

Maxamed Cumar Huryo ( IHN )

Ismaaciil Cabdi ( Basbaas )

Xasan Aadan Samatar

Aamina Cabdillaahi

Sahra Axmed Jaamac

Maxamed Aadan Dacar

Maxamed Yuusuf

Cabdi Cali Bacalwaan

Cabdalla Raage Taraawiil

Qamar Cabdillaahi Harawo

Heesaha riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

  • Laqanyada jacaylka-  Sahra Axmed Jaamac iyo Cabdi Cali  Bacalwaan
  • Ambabaxaye socodka inaan Eebbe igu qadin—Axmed Cali Cigaal iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi
  • Faraskaagii  laga badi-  Sahra Axmed Jaamac iyo  Cabdi Cali Bacalwaan
  • Shafka kaalay igu qabo —  Axmed Cali Cigaal iyo Sahra Axmed Jaamac
  • Caashaqu wadaad ma leh–  Aamina Cabdillaahi Xirsi
  • Aragtaye maxaad odhan, ma ishaad wax kaga jari: Cabdi Cali Bacalwaan

Weligeed adduunyada

Wakhtigaa qof saacida

Midna  waayahaa xidha

Labadaasi waxaan ahayn

Horaa looga waayoo

Waa nin iyo waagii

Aniguna wisiisiga

Waxaan wayda la hayaa

Iigu wacan waxyeellada

Wiishbay la sare tegay

Caashaqu wadaad ma leh

Waalalowna kuma hadho

Waan waana kala tage

Waxba hay dabiibina

Wadka aan is aragnee

Webi bay la sare tegay

Waddadiina ka ambaday

Sida weel dalooshamay

Biyaha  looga wabiyaa

Waanadu i dhaaftaa

Culimada wanaagsani

Camma iyo watiiniyo

Wadduxaati oo idil

Hadday igu wareejaan

Walbahaarku ima dhigo

Caashaqu wadaad ma leh

Waalalowna kuma hadho

Waan waana kala tage

Waxba hay dabiibina

Wadka aan is aragnee

Wahab baa igu yuurura

Waabayda igu maqan

Warrankaa halbowlaha

Waageerka halistiyo

Wadnahayga kala jaray

Intii aanan waalnayn

Imaydaan warraysane

Waaheen naftuu sido

Weli hadday iigu yeedhaan

Ma waxbuu u tarayaa

Caashaqu wadaad ma leh

Waalalowna kuma hadho

Waan waana kala tage

Waxba hay dabiibina

Wadka aan is aragnee

  1. Jinni iyo jacayl – 1975

Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Xiddigga iyo xiddigta: Axmed Cali Cigaal iyo Khadra Daahir Cige

Laxanka: Axmed Cali Cigaal, Siciid Maxamed Xarawo, Saalax Qaasin, Cabdi Cali Bacalwaan.

Muusikada: Hobolada Waaberi

Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

  • Bada guuxda een gudhin: Axmed  Cali Cigaal iyo Khadra
  • Geediga hayaankuba: Axmed Cali  Cigaal iyo Khadra Daahir Cige
  • Halku dooxa Waaheen, bad waqooyi kaga daro: Axmed Cali Cigaal iyo Khadra Daahir Cige.Ama Wayl baa nin waa yidhi
  • Sida moodda galabtii: Sahra Axmed Jaamac
  • Wadar yahay gar daranaa, wiilku soo indho caddaa: Sahra Axmed Jaamac iyo Cabdi Cali Bacalwaan.

Khadra Daahir Cige

Geediga hayaankuba

Goor gaaban adigoo

Guri waayay laga baxay

Iyo ood aad gurataaba

Iyo ood aad gurataaba

Gabalkiina kuu dhacay

Dhirta geed aan la jarin iyo

Ogoow lama garaacaan

Go’i waaye inuu jiro

Gar Allee dadkuna qaar

Waa sidaa geddaasiye

Mar in aynu  nahay gacal

Marna ahay gayaankaa

Gaar ahaanna caashaqu

Guudkaaga igu furay

Garashada xusuusoo

I sii gacan walaalnimo

 

Axmed Cali Cigaal

Gudgudaha hillaacuba

Gu’  barwaaqo oo da’ay

Godlan yihiin daruuruhu

Iyo dirir aan gaagixin

Goglan tahay xareeduna

Dhulkaba meel  gawaanoo

Ogoow geedo soo bixin

Go’ i waaye inuu jiroo

Go’ i waaye inuu jiro

Gar Allee dadkuna qaar

Waa sida geddaasiye

Gasariir  ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Gasariira ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Marna tahay gayaankey

Labadaaba garansani

Kuna guursan maayee

Taasaad niyadda gelin

 

Khadra Daahir Cige

Marti goorxun socotaba

Gurigaaga oo madhan

Adigoon gasiin hayn

Iyo gaabanow ari

Iyo gaabanow ari

Geeluna irmaaneyn

Dadkaba gobol aan la qadin iyo

Ogoow gibil ma daadshaha

Loo gowracaa jira

Ha gafine ujeeddadu

Waa sida geddaydoo

Mar haddaynu nahay gacal

Marna ahay gayaankaa

Gaar ahaanna caashaqu

Guudkaaga igu xiray

Garashada xusuusoo

I sii gacan walaalnimo

 

Axmed Cali Cigaal

 

Hadalkeenna googaa

Cadalee ha gelinene

Aniguba gantaallahu

Haddii ay ku gaareen

Haddii ay ku gaareen

Gacan baan ku siin lahaa

Galladdiyo nasiibkuna

Ogow gaadmo iyo orod

Midna laguma gaaree

Midna laguma gaaree

Gar Allee dadkuna qaar

Gar Allee dadkuna qaar

Waa sida geddaasuye

Gasariira ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Gasariira ha noqonnine

Mar in aynu nahay gacal

Marna tahay gayaankey

Labadaaba garansani

Kuna guursan maayee

Taasaad niyada gelin



Galbeed waa la xorreeyey, Waarsaa gaagixisay— 1978?

Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Galbeedoo la xorreeyay iyo gaafkeenii isku hagaagay. Waxa uu abwaanku riwaayaddan sameeyay 1977, laakiinse dib ayay u yara  dhacday. Markii dagaalkii Soomaali Galbeed  iyo Itoobiya dhammaadayna, waxa uu abwaanku beddelay magaciii riwaayadda, waxaanu ka dhigay Galbeed waa la xorreeyey, Waarsaa gaagixisay, sidaas ayaanay riwaayaddani si rasmi ah u soo baxday sannadkii  1978.

Xiddigga: Xasan Aadan Samatar

Xiddigta: Sahra Axmed Jaamac

Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

  • Sayla guyaal badan : Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac
  • Maalmaha qalloocaa : Xasan Aadan Samatar
  • Wuxuu noole daawado daa’uusku waa kow, isagana qab baa dilay, waxa loogu dawgalay nabar aan dawo lahayn: Xasan Aadan Samatar iyo Sahra Axmed Jaamac
  • Gadhba gadhbaa la tusaa:
  • Masciideed: Amina Cabdillaahi Axmed iyo Barrow
  • Leeleelka caashaqa: Aamina Cabdillaahi Xirsi iyo Barrow

Xasan Aadan Samater:

  Sayloo guyaad badan

  Soo baxa kaliishii

  Seelseelna loo degay

  Sannad geelu badi dhalay

  Oo sidigtii Laalays

  Nirguhu aanay socod baran

  Reeraha sintoodiyo

  Kaymo saar leh loo dhigay

  Oo igadh mid yari sabo

  Maqaar lagu salaaxooy

  Saameeshay gaawaha

  Oo baarqab soohani

  Isagoo ah laba-sabar

  Soofeeyey micidoo

  Ka sanqadhiyey doobtii

  Salaaddiina roorsaday

  Ugabkii u saniyoo

  Surmo dheer la tiigsaday

  Saqdii dhexena roob helay

  Subixii bariisada

  Sideedaan jalleecada

  Saxansaxo udgoon badan

  Sanka kuula raacaa

  Sahra Axmed Jaamac:

  Sange subag idaad iyo

  Sumal baridii lagu shubay

  Ooy sabada ceelkiyo

  Sohdu tahay agtiisoo

  Loogu dhaansho sacabada

  Oo Sudiyo Howd sare

  Seddex guure daaqoo

  Weli aan sedyari arag

  Oo seeto iyo dabar

  Labadaba ka saahiday

  Oo salow dagaal iyo

  Cidi geyn  saraayaha

  Oo sararta naaxdiyo

  Timuhu ay isku seexdeen

  Oo seyn-gargortiyo

  Loo salaaxa guudkoo

  Saxarkii ku duuliyo

  Looga maydho  siigada

  Loo saaro kooraha

  Cigalkiina loo suray

  Sarajoogga iyo muuq

  Sankuneefle kaligaa

  Adaa suuraddiisa leh

  Xasan Aadan Samater:

  Sagal gaaxday roob subax

  Seermaweydo soo guday

  Waaguna ku sarakacay

  Sarajoog nin dhererkii

  Cadceedduna la siman tahay

  Nuurkuna sagootiyey

  Oo waqal sindadab iyo

  Guulaamo socotiyo

  Kala soocday dhibicii

  Oo midab sibaaqiyo

  cadaan wada siraatiyo

  madoow suul-dhalaal xiga

  Seddexdaa miduun yahay

  Qof suureeyey kala garan

  Oo beel Sanaagiyo

  Ku surmiday saraar godan

  Saadaalinaysoo

  bal halkuu ku simo iyo

  Sugayaan inuu helo

  Subixii bariisada

  Sidoodaan jalleecada

  Saxansaxo udgoon badan

  Sanka kuula raacaa

  Sahra Axmed Jaamac:

  Dhulku saacu wada gaadh

  Waanu kala sed roonyee

  Meel idaha seel u leh

  Riyahana salool u leh

  Oo geela saar u leh

  Oo dirir sagaariyo

  Sagaal gudcurkuna helay

  Saga xareedaan

  Biyuhuna sunsumayaan

  Oo saawasaawiyo

  Saxal cudur lahaynoo

  Salka looga degay nabad

  Oo saraarta dixidiyo

  Simantahay dareemadu

  Oo sebiga caanihii

  Lagu siiyey golihii

  Habluhuna sibraar iyo

  Dhiilo saabka loo tolay

  Sinta bidix ku qaadeen

  Subixii bariisada

  Sidoodaan jalleecada

  Saxansaxo udgoon badan

  Sanka kuula raacaa

Dumistii aqalkayga iyo arooskii inankayga— 1978, habeenkii sannadka cusub ee 1978-ku soo galayay.

Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

  • Ma ogtahay curyaankaba, cago looma waayine: Xasan Aadan Samar iyo Xaliimo Khaliif Magool
  • Goronyooy  gabal kuu dhac: Xasan  Aadan Samatar
  • Waanigan jiciirtee jaaw nabad galyoo: Xaliimo Khaliif Magool
  • Dadna adaa ugu qurux badan, dumarna waa adoo qudha: Xasan Aadan Samatar iyo Xaliimo Khaliif Magool

Xasan Aadan Samatar

Cishaduu Ilaahay

Cirka taagay udub li’

Ciiddana ka dhigay gogol

Wabiyada cartamayiyo

Cidhifyada bad kaga xidhay

Iyo buuraahaa culus

Cimrigeed adduunyada

Waxa jiraa col iyo nabad

Caydh iyo nin xoola leh

Iyo laba is caashaqay

Caawana kamay tegin

Caynkaynu ku ogeyn

Adna calafka kuu qoran

Cunaha  seegi maayee

Caashaqa ha baayicin

 

Xaliimo Khaliif  Cumar (Magool) IHN

Cadad kuu Ilaahay

caradeenna joojee

Aadan ciidda ka alkumay

Xaawana cadkiisiyo

Feedh calaanta laga dhigay

Cishadaa ma uunneyd

Caawana ma nooshahay

Caqlaa diiday hadalkuu

Carrab dalab la’ sheegee

Ceeryaamo iyo boodh

Ciiro ha isku qarinine

Noloshayda caydh iyo

Cilmi guur aan ku fadhiyin

Ku caar caari maaye

Caashaqa iska ilow

 

Xasan Aadan Samatar

Xalay taba  caweyskii

Canabay daruuruuhu

Cimidh bay ahaayeen

Caawana lagu ma oga

Wakhtigii ku ciiliyo

Cisigiyo wanaaguna

Way is daba caraabaan

Waxaana kuu caddayn kara

Caamiyaha indhaha liyo

Ma ogtahay curyaankaba

Cago loo ma waayine

Caynkaa waxa loo yidhi

Kuwa cararayee ladan

Inay ku cibro qataan

Caashaqa ha baayicin

 

Xaliimo Khaliif ( Magool)

Bada caarid maalmaha

Cawa daranta fiidkiyo

Caddadaa walaalo ah

Cadceeddii timaadaana

Dadka ruux cadibanoo

Waayuhuu ku ciiriyo

Mid caruusa yaa jiro

Caad iga ma saarnee

Ee cilmiyada ilaahay

Anigoon aan caasiyin

Cabsi ha igu galinine

Adiga oo aan  cuud dhaqan

Caashaqan ku taabtaan

Cudur-daar u yeelee

Ceeb kale miyaan dhigay?

 

Bidaari sibiqbay kugu gashaa – 1980?

Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Xiddigga: Xasan Aadan Samatar

Xiddigta:  Aamina Cabdillaahi Xirsi

Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ahaa:

  • Gacantu raaxo daranaa: Aamina Cabdillaahi Xirsi
  • Gahaydhleh
  • Bidaari sibiqbay kugu gashaa: Xasan Aadan  Samatar iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi
  • Eedaad
  • Mar bay xooluhu madhaan:  Maxamed Xasan Barrow iyo Shankaroon Axmed Sagal
  •  Daan bari adoo yaal: Aamina Cabdillaahi Xirsi iyo Xasan Aadan Samatar

Heesta Gacantu raaxo daranaa:

Galaw taah gu’ madaxii

Goohyoo galaa yimid

Guuguule faal dhigay

Garan waa minkaw baxay

Isna baalashays goo

Anna gocashadiisii

Gef u dhacay ismoodsiis

Waa waxaan galgalashada

Anoo gam’ay gedood ciil

Garta ugu naqaayee

Kooras

Gurigii jacaylkiyo

Kii godobta keebaan

gogoshiisi ku hurdaa

Go’a yay la huwaday

Gacantu raaxo daranaa

Guudkayga saarani

Baydka labbaad

Golcasta iyo sibir godan

Kala jeedi geeluba

Isna garay habeed gubi

Gondaha inuu ku leeyahay

Waanu galab cadceedsaday

Dhiigii guntamay iyo

Gujo maqan gunaad oge

Ana nabar i gaadhoo

Gaaroodis diidaa

Garka iga damqanayee

Kooras

Gurigii jacaylkiyo

Kii godobta keebaan

gogoshiisi ku hurdaa

Go’a yay la huwaday

Gacantu raaxo daranaa

Guudkayga saarani

 

  • Daan bari adoo yaal, cirkoo doollo ka onkaday:  Xasan Aadan Samatar iyo Aamina Cabdillaahi Xirsi

Aamina Cabdillaahi Xirsi:

Daan bari adoo yaal

Cirkoo doollo ka onkoday

Beeshoo ah doog raac

Adna awrtii dabar li’i

Intay kaaga dateen

Labaddaadii aar dillay

Dusha waxaad kararatana

Kolay tahay dameer hayn

Reerkii kaa dul-guuriyo

Dariskii wax kagu tara

Markay dani ku haysaad

Dadka kala ogaataa

Anna maanta dabacsani

Nabarka i damqanayana

Daa’in iyo adaa jira

Wax dawayn karaayee

Adigiyo dadnimadaa.

 

Xasan Aadan Samatar:

 

Adaa Doollo iyo Hawd

Deegaanta taalliyo

Doogga u hawoodee

Ninkaan daaqsin maqaleed

Daruuraha ku hooriyo

Duleedkiisa ka cabbayn

Daraankiisi oo madhan

Xarragana iskaga tegey

Diiftiyo jacaylkiyo

Diihaalla kaa badan

Waayahana kaa daran

Danta ha ula cabanine

Adigoo aan igu digan

Anna aanan kugu dayan

Nabarrada damqanayaa

Waa dabar waqtigu sido

Deeqdii Allena maqan

 

Aamina Cabdillaahi Xirsi:

 

Duunyada oo ceel qabad

Daran cuna kaliishii

Doqon silic waraabshiyo

Adoon geesi daafaca

Midna ceelalyo u diran

Xoolohoo daf soo yidhi

Darka kaagii oo tuban

Daan gaslaha waraabshiyo

Kii sii durduurshiyo

Doobkii wax kugu tara

Markay dani ku haysaad

Dadka kala ogaataa

 

Xasan Aadan Samatar:

Kol uu daad-mareenkiyo

Dacda nugulku kuu dhaco

Ama uu dadba u baxo

Oon lama dareertee

Ninka wabi diraaciyo

Durdur maro agtiisee

Biyo uu u doontiyo

Dunquruur ka quustee

Galaan beenyo dari karin

Duunyana warkeed nacay

Waayahana kaa daran

Danta hawla cabanine

Adigoo an igu digan

Anna aanan kugu dayan

Nabarada damqanayaa

Waa dabar wakhtigu sido

Deeqdii Allana maqan

Abwaan Xasan-Ganey, waxa kale uu oo sameeyay heesta tidhaa;

Cudurka kaa gala fardaha

Haddii laga gubo dameer

Dawada lama gaadhayoo

Anoon weli kuu gedbixin

Geed dheer bay saaran tahay.

 

Ee ay qaaddo Khadra Daahir Cige. Abwaan Xasan-Ganey  mar  la waydiiyay in uu heestan isagu leeyahay iyo in uu leeyahay abwaan Kayd, waxa uu munaasibaddii Stockholm ka dhacday abwaanku dadweynaha u sheegay in uu isagu leeyahay heestan. Waxaanu intaas raaciyay in uu heestan ku daray riwaayad uu sameeyay abwaan Kayd taasi oo magaceeda la odhan jiray Nin Ilaahay wakiishay, nasiibkiisa ma waayo. Abwaan Xasan-Ganey waxa uu sheegay in aanu wakhtigaasi sheegan karin heestan cadaadista dawladdii waagaas jirtay ku haysay awgeed, sidaasi daraadeedna uu u go’aansaday in uu raaciyo riwaayaddii abwaan Kayd.

Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah – 1983

Xasan Xaaji Cabdillaahi ( Xasan-Ganey)

Waxa hormood ka ahaa:

Cabdiqaadir Jubba,  Faadumo Haldhaa, Cadar Kaahin iyo Maxamed Cige Busi, Kinsi Xaaji Aadan iyo Maxamed Carraale.

Heesihii riwaayaddan ku jiray waxa ka mid ah: “Hashaan maqasha iska celin, haraatinna kaanay dhalin, jiilaalkii bay hadhaa. Faadumo Haldhaa, Cadar Kaahin, Khadiija Hiiraan iyo Kinsi Xaaji Aadan ( IHN). Mar buu ku wanaajiyaa, wakhtigu kuu hiiliyaa, walaalkii kaa dhigtaa: Maxamed Carraale

Kinsi Xaaji Aadan ( IHN)

Taariikhdu wax bey hagtaa

Dadkuna wuu haybsadaa

Adduunkuna waa hayaan

Hirdooglaa lagu socdaa

Hoggaankuna waa casriga

Naftaadana lama hagrado

Qayrkaa  ka hadh waa habaar

Heeryadan aad sidatiyo

Heylahan waa laga ilbaxay

Salaanka aad halabsatide

Ma kuu gacan haadiyaa?

Haneedka ma kuu qabtaa?

Hobaanta ma kuu guraa?

 

Cadar Axmed

Habeenoy hebedka geel

Hashaan maqasha iska celin

Haraatina  kaaney dhalin

Markey hiigaan nirguhu

Jilaalkii bey hadhaa

Hambana waa la isku nacay

Higgaadana igu afgaro

Dharaar ba ninkaan ka helo

Habeenkii kuma dhexee

Hantidu wey ii dhan tahay

Xishood hodan baan ka ahay

Xayihii baan soo huwadey

Hablaha Soomaaliyeed

 

Khadiija Hiiraan

Hayaay waa loo dhintaa

Hagoogtaa waxa lahaa

Kuwii waa heermi jirey

Dharkaa hayruufayana

Sidaan sheekada ku heley

Haddii aanad meelna jirin

Ruuxii kuu hiiliyana

Inaad yeeshaa haboon

Haraaga nin laa tabee

Hurdaay reerkeenii guur

Horseed kuu baaqey iyo

Ku soo heley baan ahee

Ma kuu gacan haadiyaa?

Hoobaanta ma kuu guraa?

 

Faduma A. Cili  (Haldhaa)

Haldhaa baa la yidhaa

Heensihii baan wali sitaa

Hiddihii la wada yiqiin

Asluubtii hooyadey

Hormuud baan dhaqan u ahay

Inaan hin gashaan jeclahay

Huf iyo been kuma lugo’o

Hirkaa qaawinida dhalay

In lagu hoobtaan ogahay

Haboowdaye waxaan ku idhi

Hugaaga iyo kaan xidhnahay

Labada kee haybad wacan

Hilbona keenee asturan

 

Halkan waxa kale oo aad ka akhridaa suugaantii ku jirtay riwaayaddii

Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah – 1983:




Waqtigu wuu sunsumayaa

Midna waa la sugayaa

Soo jire ma noole’e

Qarni waliba wuu socon

Safna wuu ka daba dhalan

Hadba kooda sarakaca

Waxa sahayda uga taga

Kii horee sagootiyey

 

Dad ka seexda mooyee

Sinjigii awow iyo

Summaddaase noolaan

Maanatana sifaha jira

Sad bursiimo maahee

Garashada saboolki

Waxay sahansanaysaa

Waa saymo iyo hoog

Hiddeheenna suubbane

Dhaqankeenna saxardiid

Murtidiyo sarbeebtiyo

Suugaanta teena ahi

Wey salguuri doontaa

Maahmaahihii sula

Sibiq bay u wada lumi

Saadaal la maqanaha

Siqiirkiinna aan dhalan

Iyagana sadkoodii

Kuma simi karaysaan

Waanad seejineysaan

 

Sahan sheega tigaad iyo

Isagoon haysan tibaax

 

Tuhun reerka ku guuree

Saqbadhkii ku tiraaba

Hadhkii uu istabi waayiyo

Tabaqluu ka helaa

Adigoonan tabaadin

 

Baarqab qooqay tiftii

Gaanihii Tabsanaa

Haddii aad u tu¨in waayood

Awrka tiir qabadsiisana

Madidii toban deeqda

Jiilaalkii la toojoo

Tabis baa la yidhaa

Toddobkaa todobkeedana

Tolan maysid hadhuub

Tusaaluhu waxa weeye

Taluu reer ku dhaqmaa

Oo taluu reer ka dhintaa

Waqtigaa marna toosa

Marna yeesha tabaalo

Tu Allaaba timaad

 

Shaqadaad ka tagtaa

In loo toog hayo weeye

Haddii aad tacabtood

Garan weydo tashiilkana

 

Waxba kuuguma taal

 

Togba tooxda guntiisiyo

Taagtiisuu rogmadaa

Waqtigii hadba taagan baad

Salaaddii tukataa

Jeeroo aad tolatood

Tu ka fiican helaysana

Lama tuuro kabtaadoo

Tincadday celisaa

Halkaanad taaban kareynna

Haddaad tiigso tidhaa

Isku taallo horaad iyo

Tagoog baad ka jabtaa



 Hadii aanay u heesin

Oo hadaaqsiinin caruurta

Oo horaadkeeda jaqsiinnin

Hiduhu wuu lumi laa

Afkuna muu hirgaleenoo

Oday geed ka hadlaayiyo

Hoobal luuqda ku qaadiyo

Hal-abuur ma jireen.

Haddaanay heegan ahayna

Hanti maan dhaqaneenoo

Subag haamo ka buuxiyo

Caano maynu helleen

Hadii aanay u hiillina

Dadku hoy magaleene

Hooyo waa noloshiiye

Hareeraa isu tuurkiyo

Afkanaad ku hadlayso

Soddoh looga haboone

 

Qori baadil kugu ganay

Haddii uu boqnaha tago

Samirkii ka bixin jiray

Waayahan ballaadhiyo

Taariikhdan baga tidhi

Halkay bayr ka leedahay

Bulshadayda weeyaan.

Beri horuu asaageed

Cirka uu u beratamay

Iyana baadi weeyaan

Barashada tacliintiyo

Cilmaa lagu baqoolaye

Jahloow baalla´aantaa



Anaa reer hehel ka badan

Anaa reer hehel ka ba´an

Bunduqa loo iibsadiyo

Billaawaha loo listoow

Waxaad laysaa bahdaa

Balaayo markay dhacdana

Halkoodii kugu bannaan



Suugaanta kale  kale ee uu abwaanku sameeyay waxa ka mid ah:

  1. Allahayoow fogaydee: Khadra Daahir Cige
  2. Ninka booli cunay ee been kitaab, baabacada midig baalaha ku jaray: Marwo Cabdi
  3. Mujaahid allaystayoow: Sahra Cali Xasan iyo fannaaniintii SNM.
  4. Allayleh ilwaadeey:   Xasan Aadan Samatar iyo Faadumo Haldhaa

Dhanka Nebi-amaanka waxa uu abwaan Xasan-Ganey sameeyay:

  1. Yaa kheyral wajuudi: Xasan Aadan Samtar
  2. Rasuulkii bilnaayee: Xasan Aadan Samatar

Fiiro gaar ah: Intan uun  kuma eeka  suugaanta iyo taariikhda abwaan Xasan-Ganey, oo waa diiwaan miisaan weyn leh oo u baahan in buugaag badan laga qoro. Waxa aan  se  jeclaystay in aan wixii taariikh iyo suugaan  ah ee aan abwaanka ka hayo aan idinla wadaago. Waxaa jira suugaan badan  oo uu abwaanku curiyay sida, heeso, riwaayado, gabayo, maansooyin iyo waliba sheeko-suugaaneedyo xiiso badan. Nasiibdarro maan helin suugaantii abwaanka oo qoran, marka laga reebo buug lagu kaydiyay riwaayaddii Masiibadu adduunyada iyadaa u macallin ah oo aan ka helay maktabadaha dalka Iswiidhan. Buuggan waxa qoray Jaamac Maxamuud Cumar ( Jaamac-Sweden), sannadkii 1993, waxaana  lagu daabacay waddanka Iswiidhan..

Qoraalkan kooban  waxa aan diyaariyay mar aanu abwaanka kulan-suugaaneed  ugu qabanay magaalada Stockholm,  ee waddanka Iswiidhan. Kulankan oo ay wada qabteen  labada urur ee kala ah Badda Cas iyo ururka qorayaasha Soomaalilaan, ayaa ka dhacay guriga ummadda ee Kista Träff, 26 bishii diisambar sannadkii 2014.

Haddii uu jiro qof qoraal ku haya suugaanta abwaanka, waxa aan jeclaan lahaa in uu faafiyo, si ay dadku u akhristaan iyo waliba si loogu fududeeyo cid kasta oo wax ka qoraysa suugaanta abwaanka. Waayo, haddii qoraalku ku jiro intarnatka way fududahay in ay cid kastaba helo. Waxaan kale oo aan ka codsanayaa ciddii wax qoraal ah ku haysa suugaanta abwaanka  in ay si gaar ah iigu soo diraan, iyada oo lagu soo hagaajinayo ciwaankayga hoosta ku qoran.

Wargelin: Mar aan abwaanka waydiiyay bal in uu buug ku kaydiyay suugaantiisa iyo in kale, waxa uu ii sheegay in hadda gacanta lagu hayo oo uu gebogebo ku dhaw yahay buug laga qoray abwaanka. Waxaanu abwaanku ii sheegay in uu buuggaasi gacanta ku hayo qoraaga weyn ee Cabdiraxmaan Faarax ( Guri-Barwaaqo), oo ah af-aqoon wax ka dhiga jaamacadda Hargeysa. Waxa aan rajaynayaa in buuggaasi dhawaan soo bixi doono.

Xigasho:

 Mareegta Farshaxan, buugga Masiibadu adduunyada iyadaa u macallina iyo xog hadal ah oo uu abwaanku i siiyay intii uu Stockholm nala joogay iyo waliba xog wax ku ool ah oo aan ka helay rag dhawr ah oo suugaan-dhaadhi ah. Raggaasi waxa mudan in aan xuso; Axmed Xuseen Ismaaciil oo Sucuudiga jooga, Ilyaas Cabdi Carte oo ku nool dalka Taylan(Thailand), Yuusuf Xaaji Cabdillaahi Xasan  iyo  Sayid Maxamed Yuusuf ( Dhegey )  oo ku nool waddanka Iswiidhan ( Sweden) iyo waliba Cabdillaahi Xasan Xaaji Cabdillaahi oo ku nool dalka Maraykanka.

Soo-diyaarintii Muuse Maxamuud Ciise ( Dalmar ).

Warfidiyeen ka hawlgala  idaacadda caalamiga ah ee Iswiidhan ( Radio Sweden International ), ahna arday wax ka barta jaamacadda Stockholm ( Stockholm University)

xajidalmar@gmail.com

Bandhige@gmail.com