Waa maxay suugaan? W/Q :(Dr Maxamed Daahir Afrax)

Af-Soomaaliga ‘suugaan’ waxaa loo bixiyey waxa afka Ingiriiska loo yaqaan ‘literature’ afka Carabigana ‘adab’. Hormuudka qaamuusyada Af Ingiriisiga, sida kuwa Oxford iyo Cambridge, ‘literature’ marka la soo koobo waxay ku micneeyaan inuu yahay qoraal leh qiime sare oo fan ahaaneed awoodna u leh inuu waaro.Qeexiddaas guud ka sokow, afafka dunida sida badan fasiraado kala duwan ayaa la siiyaa waxa loola jeedo ‘suugaan’.

Dhaqanka Soomaalida, suugaan waxaa lagu tilmaami karaa hadal loo dhisay si hal-abuurnimo ah oo ay ku dheehan tahay qurux fannimo, hadalkaas oo noqon kara mid lagu tabiyey dhigid ama dhihid. Waa labada hab ee loo kala adeegsado tabinta hadalka.Waxaa kaloo lagu magacaabi karaa qawl iyo qoraal.

Qaamuuska af Soomaaliga ee uu qoray Yaasiin Cismaan Yuusuf, suugaan wuxuu ku micneeyey ‘wax kasta oo la qoro ama lagu hadlo oo ulajeeddadooda loo jeelo ama loo bogo amase si kale loo jeclaysto’.

Suugaantu waa fan. Waa fanka erayga. Noocyada kale ee fanka waxaa ka mid ah fanka maqalka, sida muusigga iyo cod-qurxinta; fanka muuqaalka, sida sawirka iyo farshaxanka; iyo fanka dhaqdhaqaaqa, sida jilidda iyo ciyaaraha.

Fan waa maxay?

Waa fikrad ama dareen lagu muujiyey sawir qurux badan. Marka laga cabbir-qaato halbeeggaas guud, suugaantu waa fikrad ama dareen lagu sawiray erayada afka oo loo adeegsaday si qurux badan oo ka duwan hadalka caadiga ah. Waxaa la yiraahdaa hadduu hadalku caano noqon lahaa suugaantu labeen bay noqon lahayd. Micnaha, suugaantu waa labeenta hadalka.

Hadalku wuxuu suugaan ku sifoobaa marka lagu qurxiyo afshaxan ay hibo u leeyihiin dad gaar ah. Afshaxankaas ama farsamooyinkaas waxaa ka mid ah hab-dhac miisaaman, xaraf-raac taxan iyo hummaag-abuur lagu hor keenayo sawirro lagu xardhay erayada afka.

Erayga ‘suugaan’ ma aha eray cusub. Waa soojireen.Wuxuu lahaan jirey dhawr micne oo kala duwan, kuwaas oo dhammaantood ku biya shubanaya duxda ugu qurxoon ama ugu qiima sarraysa waxa markaas laga hadlayo. Hidde ahaan micnaha ugu caansan ee uu eraygani lahaan jirey wuxuu ahaa ugbaadka qurxoon ama cawska yaryar ee soo magoola marka roobku da’o. Waxaa la isku war galin jirey: ‘sahankii wuxuu soo sheegay meel suugaan leh’. Micne labaad oo aan kaas ka dheerayn, suugaan waxaa la oran jirey doogga isugu hara meesha biyuhu isugu shubmaan ee xilliga jiilaalka marka dhulka kale qallalo weli rayska iyo qoyaanka leh. Waxaa la odhan jirey ‘geelii reer hebel meel hebla’ ayuu suugaan ka daaqayaa’. Saxansaxada roobka ayaa iyadana suugaan lagu tilmaami jirey, degaannada Soomaalida qaarkood.

Intaas oo dhan ka sokow hore ayay u jirtey in hadalka qurxoon loo yiqiin suugaan. Keliya eraybixintan dambe waa la sii cilmiyeeyey lana sii qeexay qaybaha ku abtirsada.In hore loo isticmaali jirey meelaha laga arki karo waxaa ka mid ah murtida tiraahda ‘suugaani hadal ma aha, hilib sooryo ma aha, doqoni sokeeye ma aha’. Halkan ‘suugaani hadal ma aha’ waxaa loola jeedey hadalka suugaanaysan la mid ma aha hadalka kale ee qof waliba u fahmi karo si fudud.Tusaale kale waxaa ah in eraygan laga dhex helayo maansadii hore ee Soomaalida, meelo ay gabayaagu maansadooda ku tilmaamayeen suugaan.Waxaa ka mid ahaa gabyaagii caanka ahaa Xuseen Xasan, meerisyo uu lahaa: ‘Suugaanta gabay maalintaan sadar ka sheegaayo, Weligay ma saranseeriyee waan susubiyaaye’.

Qiimaha suugaanta

Ummdaha dunida ummad kasta suugaanteedu waxay u leedahay qiime aad u weyn. Afku waa udub-dhexaadka dhaqanka, suugaantuna waa halbowlaha nolosha afka. Afla’aan dhaqan ma hanaqaadi karo, suugaanla’aanna af ma noolaan karo ama ma kobci karo. Gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed suugaantu waxay u leedahay qiime aan la soo koobi karin oo ay uga duwantahay ummado kale oo badan.

Laba arrimood ayaa u sabab ah qiimahaas gaar ahaaneed. Sababta koowaad waa Soomaalida oo wax kasta ku cabbirta kuna diiwaan-galisa suugaan, siiba maanso, ahna ummad hal-abuurka suugaanta u leh hibo aan caadi ahayn oo dunidu u wada qirsantahay, kuna qiimayso. Sababta labaadna waa suugaanta oo hidde ahaan Soomaalida u gasha kaalinta qalabka war-is-gaarsiinta iyo kaydka qoran oo aynaan ka hayn dhaxal laga tilmaan-qaato. Si kooban, qiimaha iyo waxtarka ay suugaantu Soomaalida u leedahay waxaa lagu tilmaansan karaa qodobbada soo socda:

-Waa halbowlaha nolosha iyo hodontinimada AfSoomaaliga oo ummadda Soomaaliyeed u isticmaalaan ka talinta samaha iyo ka digidda xumaha.

-Waa muraayadda ay bulshadu iska dhex aragto dunida dibadduna ka daawato kuna qaddariso.

Qaybaha Suugaanta

marka la darsayo waxaa loo kala soocaa laba qaybood oo kala tilmaan duwan: suugaantii hiddaha iyo suugaanta casriga ah, ama suugaan-hiddeed iyo suugaan-casri. Tan hore waa suugaantii soo jireenka ahayd ee facba fac ka soo dhaxlayey. Tan labaadna waa jaadsuugaaneedyada cusub ee soo baxay xilliyadan hab-nololeedka casriga ah ee magaalaysan, lana jaan-qaadaya waxa ka socda dunida kale.

Jaadsuugaaneedyada ku abtirsada suugaan-hiddeedda waxaa ugu caansan murtida, maahmaahda, maansadii hore, hees-hawleedda, hees-cayaareedda iyo sheeko-hiddeedda oo ay ku jirto sheeko-carruureeddu, ama waxa dadka qaar ku magacaabaan sheeka-xariiro. Dhanka kale, suugaan-casrida waxaa ku abtirsada riwaayadaha, sheeko-qorista, maansada cusub, iyo hees-casrida. Si loo wada fahmo waxa ay kala yihiin, aan tilmaamo kooban ka bixinno suugaan-hiddeedda iyo suugaan-casrida,.

Suugaan-hiddeed

Waxaa ka mid ah tilmaamaha u gaarka ah: –

-Waa soo jireen, – Waqtigii ay soo baxday lama yaqaan, – Cid alliftay lama yaqaan, – Bulshadu way ka wada qayb-qaadataa, – Waxay u badantahay maaweelo fudud oo murti xambaarsan.

Jaadadka ku abtirsada waxaa ka mid ah:

-Sheeko-hiddeed oraah lagu tabiyo

-Maanso-hiddeed af lagu tabiyo

-Hees-hiddeed ay isku maaweeliyaan dadka qaadayaa.

-Murti iyo maahmaah

Suugaan-casri

Waxaa ka mid ah tilmaamaha u gaarka ah: –

Waxay la timi nolosha casriga, – Waqtigii la curiyey waa la ogyahay, – Mu’allifkeeda waa la yaqaan, – Waxay leedahay xirfadley u gaar ah oo bulshada u tabisa, – Waxaa ku badan murti culus oo maaweelo lagu qurxiyey  Jaadadka ku abtirsada waxaa ka mid ah:

-Sheeko-casri qoraal ah (qiso & sheeko gaaban)

-Maanso-casri badiyaaba la qoro ama lagu tabiyo qalabka warbaahinta.

-Hees-casri dadweyne loogu talagalo loona adeegsado qalab teknoolojiyadeed

Riwaayad

Jaad-suugaaneedyada Soomaalida Sida loo badan yahay Soomaaliga caadiga ah suugaan wuxuu u yaqaan gabayada iyo heesaha keliya. Kuwaasi waa laba qura oo ka mid ah jaadad badan ama noocyo kala duwan oo ay ka koobanto suugaantu. Noocyadaas ama jaadadkaasi guud ahaan waxay kala hoos tagaan laba rukun oo waaweyn, kuwaas oo lagu tilmaami karo labada lugood ee ay ku taagan tahay suugaantu. Waxaa lagu magacaabaa tix iyo tiraab. Tixdu waa hadal taxan, ku socda xarafraac higaadsan iyo habdhac miisaaman oo isu dheelli-tiran. Waxay raacdaa xeerar soo-jireen ah oo aan laga weecan karin, sida aan dib ka sharxi doonno. Tiraabtuna waa hadal asna leh qurux fannimo oo loo adeegsadey farsamooyin ka duwan kuwa tixda.

Gunaanad

Suugaantu cilmi ahaan waa laan aqooneed aad u baaxad weyn, lehna faracyo badan oo aan qaarkood weli meel la isla dhigin. Sidaa awgeed, ma aha wax looga wada bogan karo qoraal kooban oo loogu talagalay inuu bixiyo sawir guud. Waxaanse rajaynaynaa sawirka guud ee aan qoraalkan ku soo bandhignay inuu waxtar weyn u yeelan doono dadka suugaanta jecel ee wax ku akhriya afka Soomaaliga.

Dad badan ayaa dadaalay oo faafiyey qoraallo ku saabsan suugaanta Soomaalida. Haseyeeshe, dadaalladaasi waxay u badan yihiin laba midkood. Ururin suugaan loo baahnaa in la kaydiyo iyo darsid qaar ka mid ah jaad-suugaaneedyada Soomaalida, taas oo badi xoogga la saaray darsidda maansada. Hase yeeshe, waxay nuqsaan weyni ka jirtaa dadaal si cilmi ah loo darso guud ahaan suugaanta Soomaaliyeed waxa ay tahay iyo qaybaha ay ka kooban tahay. Waxaan rajaynaynaa mustaqbalka soo socda in baahidaas la daboolo.

Qoraallada la tixraacay

Andrzejewski, B. W., Pitaszewicz and Tyloch, W., “Editors’ Introduction” in Andrzejewski, Pitaszewicz and Tyloch (eds.), Literatures in African Languages: Theoretical Issues and Sample Surveys, Cambridge:  Axmed Cali Abokor, Somali Pastoral Worksongs: the Poetic Voice of the Politically Powerless, Uppsala: Uppsala University, 1993.

Maxamed Daahir Afrax, “Classification and Numenclature of Somali Literary Forms: A Pending Issue”, Horn of Africa Journal, XXIII, 2005, pp. 58 – 84. Maxamed Daahir Afrax, Fan-masraxeedka Soomaalida: Raadraac Taariikheed iyo Faaqidaad Riwaayado caanbaxay, Djibouti: Centre National de la Promotions Culturelle et Artistique, 1987. Orwin, M., “On the Concept of ‘Definitive text’ in Somali Poetry”, Bulletin of SOAS, 66, 3 (2003), 334-347. Yaasiin Cismaan Keenadiid, Qaamuuska Afsoomaaliga, Mogadishu: Akadeemiyaha Dhaqanka, 1976.

Qore: Dr Maxamed Daahir Afrax

Bandhige@gmail.com