Gabay xusnul khaatuma iyo Salaan Max’d M. Xirsi “S. Carrabey”

Gabaygan waxa Salaan u tiriyey nin ay ilmaadeer ahaayeen oo Xirsi Maxamed la odhan jirey. Xirsi wuxu Salaan ka codsatay bal inuu gabayadiisii u mariyo. Salaan oo da’diisu aad u weynaatay Eebbena cimriga u siyaadiyey wuxu Xirsi xasuusinayaa Xaalka Qiyaame.
Wuxu Salaan sheegayaa sida uu adduunka uga xiiso dhigay ee uu aakharo iyo Alla ka cabsi ugu go’ay.

Xirsiyoow xarragadeedba dhigay xiiso duniyeede,
Is xasuus-shey aakharo haddaan xay markaa ahaye,
Xaqu nimuu sugaayaan ahay oon qodan xabaashiiye.

Waxay Laxiba Xaadhxaadhataa xerada meesheede,
Denbigaan xanbaarsanay sidii xaabadiyo cawska,
jeeroon Xublada foosha rido xamilka guudkayga,
Nin adduunba xaradhaamadii xooray baan ahaye.

Intaanse Mawdku igu xaadir noqon waa xukmi Ilaahe,
Xusnul-Khaatumo iyo Toobadaan ku xarbiyaayaaye,
Werdigaan xisaabsanahayaa xay intaan ahaye,
Naartii Rabboow naga xoree waan xajiyayaaye.

Xigsho :boga suugaanta

Bandhige@gmail.com