๐๐๐๐๐๐ – Hooyo Khadra Aadan Jibriil, markii ay maqashay codka dhiilada leh ee wiilkeeda Magafuhu haysto, waxa ka soo dhacay ilma 9 bilood jiray oo ay uurkiisa lahayd.
Hooyo Khadra oo aanu ku booqanay guriga ay ka degan tahay magaalada Borama waxa ay sheegtay in Magafe wiilkeedii u haysto lacag dhan 14 kun oo dollar, waxa ay xustay in aanay hayn, waxa ay bulshada cidkasta oo muuqaalkani soo gaadhio ka codsanaysa in laga bixiyo lacagta aanay awoodin ee wiilkeeda Magafahaa aan arxanka lahayni ku xukumay.
Maxamuud Cabdillaahi Habane, oo ah Sayga hooya Khadra wax shaqo ah mahayo, xilli uu shaqo maalmeedkiisa ku guda jiray ayuu ka soo dhacay guri uu ka shaqaynayay, biro ayaa lugaha kaga jira, waxa uu u hoyada gurigan yar ee aan dhaxan iyo qabow midna aan xejinayn, waxa dhafoorada cadeeyay waa walwalka wiilkiis aanu u hayn lacagtii uu kaga samata bixinlaha Magafaha awooda u sheegtay, lacagta loo haysta wiilkiisa jeebkiisana kuma jirto ku xigaalkiisna kuma jirto.
Cidkasta oo ILLAAHEY dartii wax ula baxaysa haka qayb qaadato samata bixinta wiilkaas yar ee uu Magafuhu haysto, xata hal dolar ama wax ka yari waa waxtar marka aanad haynin.
๐๐๐๐๐๐ ๐๐ข๐๐๐ข๐ข ๐ฐ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ง ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ญ๐ข๐ข ๐ฐ๐๐ฑ ๐ฎ๐ฅ๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฒ๐ฌ๐ ๐ฅ๐๐ง๐๐๐ซ๐ค๐๐ง ๐จ๐จ ๐ค๐ข๐ข ๐๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ ๐๐๐๐ข๐ก๐ข๐ข ๐ฅ๐ ๐๐ก๐๐ฅ๐๐ญ๐๐ฒ ๐๐ก ๐ฐ๐๐ฑ ๐ก๐๐ฐ๐ ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐