๐—”๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—บ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐——๐—ฒ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ค๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—น๐—ฒ๐˜† ๐— ๐—ฎ๐˜€๐˜‚๐˜‚๐—น๐—ถ๐˜†๐—ถ๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐˜†’๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฃ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฟ๐—ผ ๐—™๐—ผ๐˜‚๐—ป๐—ฑ๐—ฎ๐˜๐—ถ๐—ผ๐—ป

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo ay wehelinayaan qaar kamid ah agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa kulan la yeeshay hay’adda Pharo Foundation.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd in la xoojiyo wadashaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac ayaa looga wada hadley arrimaha la xidhiidha ilaalinta Deegaanka, la qabsiga isbedelka Cimilada iyo sidii istaraatiijiyada hay’adda Pharo ee shanta sanno ee soo socotaa u noqon lahayd mid deegaanka waxtareysa.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan.