๐€๐ฅ๐ฅ๐ž ๐‡๐š ๐ฎ ๐๐š๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ข๐ฌ๐ญ๐ž๐ž ๐’๐ข๐œ๐ข๐ข๐ ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐†๐š๐ก๐š๐ฒ๐ซ ๐š๐ฒ๐š๐š ๐€๐š๐ฌ ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐’๐š๐ฆ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐—๐š๐›๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐“๐จ๐จ๐ง

๐‡๐€๐‘๐†๐„๐˜๐’๐€ – Alle ha u naxariistee Marxuum Siciid Maxamuud Gahayr, oo ahaa abwaan iyo qoraa caan ah ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha Toon ee duleedka koonfureed ee Hargeysa.

Alle ha u naxariistee, aaska marxuumka waxa ka qaybgalay Wasiirro, Xildhibaano, abwaanno iyo boqolaal dadweyne ah iyo ehelada Marxuumka.

Wasiirro, xukuumadda, xisbiyada mucaaridka iyo abwaano, xildhibaano iyo dadweyne kala duwan ayaa ka xog warramay taariikhdii marxuumka, waxaanay ku sifeeyeen in uu ahaa shaqsi wanaagsan, isla markaana ka shaqayn jiray xuquuqda biniโ€™aadka.

Marxuum Siciid Gahayr waxa xanuun ku soo booday gelinkii dambe ee Khamiistii, waxana la dhigay cisbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa oo uu saaka ku geeriyooday.

Marxuunku wuxuu ahaa hal-abuur, bare iyo qoraa, soo saaray buugaag u badan arrimaha suugaanta, waxa ka mid ahaa buugagii uu qoray Qurโ€™aanka iyo Sayniska, Hal-diiq, Sama-talis, astaantii nabada, Miisaanka Maansada, Waayihii Xabsiga, Maan-koriye Awliyow laga dood iyo buug kale.