๐ƒ๐š๐› ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐š๐ง ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฐ๐š๐ฃ๐š๐ก๐š๐ง ๐œ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐๐๐š ๐–๐š๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข-๐ ๐š๐ฅ๐›๐ž๐ž๐ ๐ž๐ž ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐Š๐š๐ง๐š๐๐š

Dab xooggan oo ka kacay waqooyiga Kanada ayaa ku sii dhowaanaya magaalada Yellowknife, oo ah caasimadda gobolka Waqooyi-galbeed ee Kanada, waxaana la amray in laga daadgureeyo 20,000 qof oo degganaa magaalada, ayay tidhi dowlad-goboleedka.

Kanada ayaa la tacaaleysa in ka badan 1,000 dab oo xiligan ka shidan kaymaha dalkaasi, oo ay ku jiraan 230 goobood oo ka tirsan Dhulalka Waqooyi Galbeed.

Duqa magaalada Yellowknife Rebecca Alty ayaa arbacadii sheegtay in masโ€™uuliyiinta ay rumeysan yihiin in dadaalka ay wadaan Dab-damiska uu waqti siinayo dadka inay ka baxaan arbacadii iyo maanta oo Khamiis ah.

Rylund Johnson, oo xubin ka ah golaha sharci dejinta ee Waqooyi-galbeed, ayaa ku sheegay baraha bulshada in dadku ay durba bilaabeen inay si iskood ah uga baxaan magaalada, iyadoo shacabka loo qabtay ugu danbeyn duhurnimadii Jimcaha.