๐ƒ๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐จ๐ฌ๐ž ๐ž๐ž ๐‡๐š๐ซ๐ ๐š๐ฒ๐ฌ๐š ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฑ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐๐š๐ซ ๐Š๐š๐š๐ง๐ญ๐š๐ซ๐จ๐จ๐ฅ ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐‡๐ข๐ซ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ช๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ ๐š ๐Œ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐‡๐š๐ซ๐ ๐š๐ฒ๐ฌ๐š

Dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa xadhiga ka jartay bar Kaantarool, oo degmada 26-ka juun ka hirgalisay xaafadda Cayngal, kaasi oo noqonaya Kaantaroolka Waqooyi ee magaaladda, isla markaasna markii hore ahaa magaaladda gudaheeda.

Gudoomiyaha Dawlada hoose ee Degmada 26-ka juun ee Marwo Ismahaan Axmed Cabdi, oo hadal kooban ka jeedisay madasha xadhi ka Jarka bartan Kaantarool, ayaa u soo jeedisay dhammaan gaadiidlayda in ay soo maraan Kaantaroolkan, si uu u noqdo mid shaqeeya.

Sidoo kale waxa ay fartay wadayaasha gaadiidka Waqooyiga u baxa in aanay ka baydhin Kaantaroolkan, waxaanay fartay shaqaalaha bartan kaantarool in ciddii ka baydha ay ka qaadaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Bartan Kaantarool ayaa ka qayb qaadanaya sugida amniga iyo kordhinta dakhliga cashuuraha, maadaama gaadiidlayda laga qaadayo cashuurta ku waajibtay, taasina ay noqonayso mid iyaga wax loogu qabto.

Bandhige@gmail.com