Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Axaddii sheegay in โargagixisadaโ aysan marna ku guuleysan doonin hadafkooda, saacado kadib markii qarax ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamanka ee Ankara uu dhaawacay laba sarkaal oo boolis ah.
Qaraxa xooggan ee ka dhacay bannaanka Wasaaradda arrimaha Gudaha, oo uu xigay holac ballaadhan, ayaa waxaa laga maqlay dhowr km ka baxsan goobta weerarka.
Masโuuliyadda weerarka ayaa waxaa sheegtay Kooxda Kurdish-ka ee PKK, oo Turkey iyo xulufadeeda Reer Galbeedka ay u aqoonsan yihiin argagixiso, taasi oo sanado badan wadday dagaal muqaawo oo ka dhan ah Ankara.
Degmada la beegsaday ayaa hoy u ah dhowr wasaarado oo kale iyo baarlamanka Turkey, oo shalay galab dib loo furay, islamarkaana qorshuhu ahaa in Erdogan uu khudbad ka jeediyo.
“Xaasidka khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka muwaadiniinta ma aanay gaadhin hadafkooda, waligoodna ma gaari doonaan,” ayuu Erdogan u sheegay baarlamaanka.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka fuliyey ay abaare 9:30 am gaari ganacsi ku yimaadeen โalbaabka laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayna fuliyeen weerar bam.โ
โMid ka mid ah argagixisada ayaa is-qarxiyey. Kan kale waxaa dilay xabbad madaxa looga dhuftay kahor inta aanu helin fursad uu isku qarxiyo,โWaxaa sidaas war-saxaafadeed ku sheegay Wasiirka arrimaha Gudaha Ali Yerlikaya.
โLaba ka mid ah saraakiisheena booliska ayaa si fudud ugu dhaawacmay rasaas la is-weydaarsaday, hase yeeshee noloshooda halis kuma jirto,โ ayuu ku daray.
Bayaan ay siiyeen wakaaladda wararka ANF, oo ku dhow dhaqaaqa Kurdish-ka, ayey PKK ku sheegtay โIn fal naf hurnimo ah lala beegsaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkey.โ
Kooxda PKK ayaa tan iyo 1984-kii waday muqaawo ka dhan ah dowladda Turkiga, oo galaafatay nolosha tobanaan kun oo qof.
Xigasho: wargeska dawan
Bandhige@gmail.com