๐๐๐ซ๐ ๐๐ฒ๐ฌ๐, ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ โ Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis, Mudane Siciid Maxamed Axmed, Agaasimaha College-ka Computing and Technology, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cabdi, iyo Hormuudka Kulliyadda Mudane Fatxi Maxamed Xariir, ayaa qaabilay arday ka baxday, qaarkoodna dhigtaan kulliyadda College of Computing oo ku guulaystay hal-abuur cajiib ah oo dhinaca teknoolajiyadda ah. Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb-galay Hormuudka Kulliyadda Beeraha, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiraxmaan iyo mid ka mid ah macallimiinta Kulliyadda Beeraha, Mustafe-agro iyo xubno kale oo ka mid ah Maamulka jaamacadda, iyaga oo bogaadiyey guusha iyo hal-abuurka ardayda.
Ardayda oo ah dhallinyaro karti badan ayaa ikhtiraacay barnaamijyo teknooloji ah oo casri ah, kuwaas oo xallinaya caqabadaha haysta beeralayda. Barnaamijyadan waxaa ka mid ah:
๐ญ. ๐๐ฝ๐ฝ๐น๐ถ๐ฐ๐ฎ๐๐ถ๐ผ๐ป ๐ธ๐ ๐๐ต๐ฎ๐พ๐ฎ๐๐ป๐ฎ๐๐ฎ ๐๐ฎ๐พ๐น๐ถ๐ด๐ฎ ๐บ๐ฎ๐ฐ๐บ๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ ๐ฎ๐ต (๐๐) ๐ผ๐ผ ๐น๐ฎ๐ด๐๐น๐ฎ
๐๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐๐ผ ๐ ๐ฎ๐ป๐๐๐ป๐ป๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐ฑ๐ต๐ถ๐ฟ๐๐ฎ ๐ถ๐๐ผ ๐ฑ๐ฎ๐น๐ฎ๐ด๐ด๐ฎ ๐ธ๐ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฎ:
Barnaamijkan oo ku shaqeeya caqliga macmalka ah (AI) ayaa awood u leh inuu akhriyo in ka badan 5,000 oo xanuun oo ku dhaca dhirta iyo dalagga. Waxa uu ku shaqeeynayaa qaab fudud oo la isticmaali karo, halkaas oo beeralaydu sawir ka qaadayaan dhirta xanuunku ku dhacay, kaddibna barnaamijku uu si dhakhso leh u soo bandhigayo nooca xanuun iyo hababka ugu habboon ee loo daawayn karo. Teknoolajiyadan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo wax-soosaarka beeraha iyo yaraynta khasaaraha xanuunnada ku dhaca dhirta.
๐. ๐๐๐๐ฌ๐ข๐ญ๐ ๐ฎ ๐๐๐๐๐ ๐๐ฒ๐ ๐๐๐๐ซ๐๐ฅ๐๐ฒ๐๐
Waxaa kale oo ay sameeyeen website casri ah oo beeralayda u suurtagelinaya inay si fudud uga dalban karaan adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin cagafta lagu qodo beeraha, siidhka iyo qalabyo kale oo muhiim ah. Website-kan ayaa sidoo kale bixiya talooyin ku saabsan hababka wax-soosaarka beeraha, waxaana loogu talogalay inuu noqdo xarun isku-xidha beeralayda iyo adeegyada ay u baahan yihiin.
Guddoomiyaha Jaamacadda Gollis, Mudane Siciid Maxamed Axmed, ayaa ardaydan ku bogaadiyey dedaalkooda iyo hal-abuurkooda, isagoo sheegay in ay yihiin tusaale fiican oo muujinaya sida teknoolajiyaddu uga qeyb qaadan karto horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha dalka. Waxa uu ballanqaaday in Jaamacadda Gollis ay taageero buuxda siin doonto ardayda si ay ugu guulaystaan hirgelinta barnaamijyadooda oo ay u helaan fursado ganacsi iyo iskaashi dheeraad ah iyaga oo la raadin doona cid ka caawisa maal-gelinta.
Agaasimaha College of Computing, Cabdiraxmaan Axmed Cabdi, ayaa sheegay in ardaydan ay si wacan u weeleeyeen aqoontii iyo xirfadihii ay ka dhaxleen kulliyadda iyo dedaallo dheeraad ah oo ay muujiyeen, waxaanu sheegay in ay tartan ay ku soo bandhigeen hal-abuurkan ay ku guulaysteen kaalimaha ugu sarreeyey, tusaalena iyo dhiirri-gelinna u yihiin arday hadda dhigata iyo kuwa soo geli doonaba.
Dhanka kale, Hormuudka Kulliyadda Beeraha, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa ku tilmaamay barnaamijkan AI inuu yahay guul weyn oo wax ku ool ah u ah beeralayda dalka, isagoo hoosta ka xarriiqay in iskaashiga u dhexeeya teknoolajiyadda iyo beeraha uu yahay xalka mustaqbalka ee wax-soosaarka.
Macallin Mustafe-agro oo ka tirsan Kulliyadda Beeraha ayaa yidhi, โBarnaamijyadan waxay muujinayaan sida dhallinyaradu ugu dhiirran yihiin xallinta dhibaatooyinka jira, iyagoo kaashanaya aqoonta ay jaamacadda ku barteen.โ
Jaamacadda Gollis waxay ku dedaalaysaa dhiirrigelinta hal-abuurka iyo abuurista fursado ay ardaydu kaga qeyb qaataan horumarinta dalka, iyaga oo adeegsanaya aqoonta iyo teknoolajiyadda casriga ah.