Tirada dhimashada dabka ka kacay kaymaha jasiiradda Maui ee dalka Marayknka ayaa gaadhay 93 qof, taasoo ka dhigaysa tii ugu dhimashada badnayd muddo ka badan qarni.
Waxayna u muuqataa in tiradaasi sii kordhi doonto maalmaha soo socda maadaama qolyaha badbaada oo wata eyda wax uriya ay sii wadaan inay raadiyaan maydad kale.
Burbur baaxad leh ayaa gaadhay dhismayaal deegaanka ku yaala, iyadoo gawaadhi badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday.
Dadka ayaa lagasoo gurayaa biyaha badda oo ay badbaado ka doonteen.
Qiimaha dib loogu dhisi karo magaalada Lahaina oo ah magaalo dabku baabiโiyay ayaa lagu qiyaasay $5.5 bilyan, waxa burburay kaabayaal dhaqaale oo gaaraya 2,200, iyadoo dhul beereed gaadhaya 850 hiktar uu gubtay.