๐‰๐š๐๐ฐ๐š๐ฅ๐ค๐š Hubinta ๐Œ๐š๐œ๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐ข๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Š๐ฎ ๐Œ๐ž๐ž๐ฅ-g๐š๐š๐๐ก๐ค๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐š๐ฒ๐ง๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š MAROODI-JEEX.

Waxa la ogaysiinayaa dhammaan macalimiinta ku meel-gaadhka ah ee Wasaaradda Waxbarashada in maalinta beri ah (14/2/2024) la bilaabi doono hubinta macalimiinta ku meel-gaadhka ah ee Degmooyinka Hargeisa, Gabilay, Salaxlay iyo Hawd ee Wasaaraddu usoo gudbisay Hay’adda Shaqaalaha.

Hubinta macalimiinta waxa loo raacayaa sida ku cad jadwalka hoos ku lifaqan.

Waxaa si gaara loogu adkaynayaa macalimiinta in ay wakhtiga dhawraan isla markaana la yimaadaan shuruudaha looga baahan yahay oo ah.

โœ… Waa in uu ku jiraa liiska Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku soo gudbisay.

โœ… Waa in uu sitaa Kaadhkiisa/keeda Aqoonsiga Muwaadinta (National ID).

โœ… Waa in aanu ka habsaamin wakhtiga loo qabtay.

โœ… Waa in uu sitaa nuqulka rasmiga ah ee shahaadadiisa waxbarasho (Original).

 

Allah Mahad leh.

 

Xigasho:Somaliland ministry of Education and science

Bandhige@gmail.com