๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข ๐ญ๐š๐ก๐ซ๐ข๐ข๐›๐š๐ฒ๐š๐š๐ฅ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐ฆ๐š๐ฒ๐๐š๐๐ค๐จ๐จ๐๐š ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ก๐ž๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฑ๐ž๐ž๐›๐š๐ก๐š ๐ˆ๐ฌ๐ซ๐š๐š๐ข๐ข๐ฅ

Israaโ€™iil ayaa heshay meydad tahriibayaal ah oo ku qaraqmay xeebaha dalkeeda, kadib markii sida la sheegay dooni la degtay ay xeebta kusoo caariday.Saraakiisha xeebaha ee dalkaas ayaa sheegay in maydadka la helay ay 7 kamid ah kasoo jeedaan Soomaaliya iyo hal Turki ah.Ilaa hadda ma cadda sababta dadkani u geeriyoodeen, Warbaahinada qaar ayaa qoraysa inay muhaajiriintu doonta ka dageen, kaddib markii ay xeebta usoo dhowaadeen.Warar kale ayaa sheegaya in doontu cillad farsamo ay soo wajahday, kaddibna ay degtay.Booliiska Israa’iil ayaa billaabay howlgal ballaadhan oo ay ku baadigoobayaan cid kasta oo laga yaabo in ay doonta saarnaayeen.

Muhaajiriin badan oo isku dayay in ay Yurub ka galaan badda Mediterranean-ka, ayaa nolashooda ku waayay ama halis weyn galiyay

dhacdadii ugu dambeysay ayaa ahayd, 78 qof oo la waayay markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Mediterranean-ka bishii June

Ciidamada Liibiya ayaa soo badbaadiyay 100 ruux oo la sheegay in ay ka soo ambabaxeen dalka Liibiya ayna ku wajahnaayeen dalka Talyaaniga, kuwaasi oo ka yimid dalka Masar.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah tahriibayaal u dhashay dalalka Masar, Pakistan, Syria iyo qaar ka soo jeeda dhulka

 

xigasho:Wargeska dawan

Bandhige@gmail.com