𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

Fadhigii 9-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Ajandaha Shirka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa ka koobnaa arrimo door ah oo mudnaan u leh dalka iyo dadka.

Ugu horeyn Goluhu waxaa uu war bixin ka dhegaystay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka oo sheegay in xaaladda guud ee Amni ee dalkeenu ay tahay mid degan oo nabad ah, marka laga reebo danbiyada maalinlaha ah ee ka dhex dhaca Bulshada iyo Shilalka gaadiidka oo gaysta dhimashada iyo dhaawaca ugu badan.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha uga xog-waramey xaaladda dhaqaale ee dalka, dardar galinta cashuur ururinta iyo kobcinta dakhliga dalka.

Wasiiru Dawluhu isaga oo ka hadlaya sida uu u fulay qorshaha midaynta dakhliga Qaranka ee uu Madaxweynuhu dhawaan faray Hay’adaha iyo Wasaaradaha Qaranka ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in arrintaasi u socoto si wacan.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa Golaha siiyey warbixin qoto dheer oo khusaysa xaaladaha adeega Caafimaadka ee Gobollada Bari (Sanaag, Saraar iyo Togdheer), gobolladaasi oo uu Wasiirku ugu baxay safar shaqo, laga bilaabo 29.01.2025 ilaa 5.02.2025-ka.

Ujeedada ugu weyn ee safar hawleedka Wasiirku waxay ahayd in uu si dhab ah ugu kuur galo Baahiyaha Xarumaha Caafimaadka ee Gobollada Bariga, xag daawo, xag gaadiid iyo xagga cududda shaqaalaha. Wasiirka iyo weftigii uu hoggaaminayey waxay soo kormeereen Cisbitaalada iyo Xarumaha Caafimaadka ee Gar-adag, Ceel-Afweyn, Ceerigaabo, Oog, Caynabo, Burco, Oodweyne iyo Hara-sheekh.

Wasiirka Caafimaadka ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in Xarumaha Caafimaadka ee Gobollada Bariga ay culays weyn ku soo kordhiyeen xaaladaha colaadeed, loona baahan yahay in si guud loo xoojiyo, gaar ahaan in la geeyo Dhakhtarro Takhasus u leh qalliinka iyo maaraynta xaaladaha degdegga ah (Trauma and Emergency Situations).

Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka ayaa Golaha Wasiirrada u soo gudbiyey laba Mashruuc Sharci oo kala ah 𝟏) Xeerka Astaanta Qaranka, 𝟮) iyo Xeerka Calanka JSL.

Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Xeerarkani ay ilaalinayaan isla markaana ay sugi doonaan Karaamada iyo Qiimahaha Astaamaha Qaranka JSL.

Sidoo kale, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Xeerarkani ay ku salaysan yihiin dhawrista, Ilaalinta iyo kor-u-qaadidda Astaamaha Qaranka, iyagoo la jaanqaadaya Qawaaniinta iyo Xeerarka Caalamiga ah ee uu dal waliba u dejiyo Astaamihiisa Qaran.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇,

 

𝐗𝐮𝐬𝐬𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 ( 𝐃𝐚𝐲𝐫 )

𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝