๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฌ๐ญ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐…๐š๐ฅ๐š๐ง-๐ช๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐–๐š๐๐š ๐’๐ก๐š๐ช๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐จ๐จ๐๐š

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf ayaa kulan la qaadatay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta iyo habsami u socodsiinta shaqooyinka labada hayโ€™adood u xilsaaran yihiin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Marwo Deeqa Cabdi Yuusuf oo kulankaa ka hadashay ayaa Xoghayaha Guud uga mahadnaqday sida uu usoo ajiibay codsigii ay u gudbiyeen, waxaanay xoghayaha guud kusoo dhowaysay Wasaaradda.

Agaasimaha guud ee Dastuurka oo hadalkeeda sii wadata ayaa sharaxaad ka bixisay muhiimada ay leedahay in la isla kaashado sidii looga midho dhalin lahaa hawlaha ay hayโ€™addaha Qaranku u xilsaaran yihiin iyada oo hayโ€™ad kasta leedahay waajibaad ku qeexan Dastuurka iyo Xeerarka ka farcama.

Xoghayaha guud ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa kulanka ku sifeeyay mid aad muhiim u ah, waxaanu ku dheeraaday kaalinta ay wasaaaraddu ku leedahay isku xidhka Golayaaha Qaranka.

Ugu dambayntiina waxaa la isla qaatay in shirarka Farsamo ee noocan oo kale ahi halkaa kasii socdaan iyadoona loo balamay kulamo kale oo lagu sii amba-qaadayo xoojinta iskaashi wada shaqayneed oo mustaqbalka midho dhala.

Kulankan Waxa labada dhinac ku wehelinayey qaar ka mid ah agaasime Waaxeedyada Wasaaradda iyo la taliyeyaal ka tirsan Golaha Wakiilada iyo Wasaaradda.