๐—๐ข๐ฅ๐๐ก๐ข๐›๐š๐š๐ง๐š๐๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ค๐ข๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐๐š ๐จ๐จ ๐ƒ๐จ๐จ๐ ๐Š๐š ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐—๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Xildhibaanada golaha Wakiillada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta waxaa ay dood adag kaga yeesheen xalaadda guud ee dalka iyo xal u helida Shaqaaqada buurta Gacan-Libaax ka taagan.

Sidoo kale, Xildhibaanada golaha, ayaa waxay si faahfaahsan dood uga yeesheen xaaladda dalku xiligan ku sugan yahay iyo sidii shaqaaqadaas Gacan-libaax xukuumadda, axsaabta mucaaridka iyo shacabkuba iskaga kaashan lahaayeen sidii si wada jir ah wax looga qaban lahaa.

Waxaanu guddoomiye Faaratoon u balan qaaday in Xildhibaanada golahaas in la soo gole joojin doono Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, si xildhibaanadu wax uga weydiiyaan xaaladda dalku marayo xiligan.