𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗯𝗱𝗲𝗺𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝘂 𝗚𝘂𝗿𝗺𝗮𝗱𝗮𝘆 𝗚𝘂𝗿𝘆𝗼 𝗗𝗮𝗯 𝗾𝗮𝗯𝘀𝗮𝗱𝗮𝘆

Ciidamada Dabdemiska caasimada Hargeysa ayaa damiyay laba guri oo jiingada oo dab Qabsaday kuna yaala degmooyinka 31 May iyo Ibraahim Koodbuur.

Ciidamada Dabdemiska ayaa ku guuleystay in dabkaasi aanuu waxyeelo geysan, hanti badana burburin. Ma jiro dhaawac iyo dhimasho dabkaasi sababay.

Halkan waxaanu bulshada uga diraynaa inay ka digtoonaadaan halista dabka, taasoo ah aafo markastaba taagan isla markaana keeni karta khasaare naf iyo maalba leh.

Fadlan muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/ Somtel 24 ka saacadood.