𝗜𝗻 𝗸𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 130 𝗾𝗼𝗳 𝗼𝗼 𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗷𝗶𝗿𝗮𝗮𝗻 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗮𝗮𝗱𝗴𝘂𝗿𝗲𝗲𝘆𝗮𝘆 𝗟𝗶𝗶𝗯𝗶𝘆𝗮 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗴𝗲𝗲𝘆𝗮𝘆 𝗥𝘄𝗮𝗻𝗱

Dowladda Rwanda ayaa qaabishay 134 qaxooti iyo magangalyo doon ah kuwaas oo lagasoo daad gureeyay dalka Liibiya.

Dadkan oo la geeyay magaalada Kigali ayaa waxay kala yihiin 64 Eritrea, 35 Sudan, 15 Soomaali ah, 17 Ethiopian ah, 2 Cameroon & 1 Mali.

Qaxootigan ayaa la dejindoonaa Xarunta Gaadiidka Gashora, halkaas oo dadkii kale ee la soo daadgureeyay ay ku sugan yihiin.

Dowladda Rwanda, Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), iyo Midowga Afrika ayaa ka shaqeeyay in la sameeyo goob kumeel gaadh ah oo loogu talo galay qaxootiga lagasoo celiyo waddamada kale.

Tan iyo 2019, Rwanda waxay martigelisay in ka badan 1,600 magangalyo doon ah.

Muddadaas, UNHCR waxay ka shaqaynaysay sidii ay xal ugu heli lahayd dadkan.

Xalalkaas waxaa ka mid ah in dib loogu celinayo waddamadoodii, ama suurtagalnimada in ay ku sii nagaadaan Rwanda.

Warbixin ay siisay The New Times bishii Abriil, afhayeenka UNHCR ee Rwanda, Lilly Carlisle, ayaa muujisay rabitaanka hay’adda ee ah in la kordhiyo heshiiska daad guraynta qaxootiga iyo magangalyo doonka la geynayo Ruwanda.

 

Bandhige@gmail.com