Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan ballaadhan qasriga Madaxtooyada kula qaatay agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha ee dalka oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dawladdu.
Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd is xog-waraysi la xidhiidha hawlaha baaxadda leh ee ay agaasimeyaashu Qaranka u hayaan iyo sii dardargelinta shaqooyinka agaasimeyaasha guud, waxaana kulanka diiradda lagu saaray sidii loo sii laban-laabi lahaa hawlaha muhiimka ah ee ay agaasimeyaasha guud qaranka iyo bulshadaba u hayaan.
Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu agaasimeyaasha guud ku boggaadiyey hawlaha muhiimka ah ee ay qaranka u hayaan iyo sida ay u yihiin mishiinka dhaqaajiya dhammaanba hawlaha ka dhex socda hay’adaha ay masuuliyiintani ka socdaan.