Maalintii sabtidii ee toddobaadkan waxa ay Miino ku qaraxday caruur isku qoysa, oo degan degmada Daara-salaam ee gobolka Maroodijeex.
Carruurtan isku qoyska ahi waa 4 walaalo ah, isla markaana aabahood geeriyooday sannadkan bishii 5-naad, waa reer miyi.
Caruurta ay waxyeelada soo gaadhay waa saddex wiil iyo gabadh, kuwaas oo lagu kala magacaabo, Cabdirisaaq Jaamac Yaasin, Cabdiraxmaan Jaamac Yaasin, Cabdikariim Jaamac Yaasin iyo Nimco Jaamac Yaasin.
Ubadkan yaryarka ah ee ay masiibadu heshay waxa ugu culus Cabdirisaaq oo da’diisu tahay 12 jir, waxa lagu sameeyay qalin waxaanay dhakhaatiirtu qoyskiisa ku wargeliyay in dhaawaca soo gaadhay uu naafo dhaxalsiiyay.
๐ ๐ถ๐ถ๐ป๐ผ ๐ธ๐ ๐ค๐ฎ๐ฟ๐ฎ๐
๐ฑ๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฟ๐๐๐ฟ ๐ถ๐๐ธ๐ ๐ค๐ผ๐๐ ๐ฎ๐ต ๐ผ๐ผ ๐ธ๐ฎ๐ฎ๐น๐บ๐ผ ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐ต๐ฎ๐ป
๐๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐ฆ๐ – Maalintii sabtidii ee toddobaadkan waxa ay Miino ku qaraxday caruur isku qoysa, oo degan degmada Daara-salaam ee gobolka Maroodijeex.
Carruurtan isku qoyska ahi waa 4 walaalo ah, isla markaana aabahood geeriyooday sannadkan bishii 5-naad, waa reer miyi.
Caruurta ay waxyeelada soo gaadhay waa saddex wiil iyo gabadh, kuwaas oo lagu kala magacaabo, Cabdirisaaq Jaamac Yaasin, Cabdiraxmaan Jaamac Yaasin, Cabdikariim Jaamac Yaasin iyo Nimco Jaamac Yaasin.
Ubadkan yaryarka ah ee ay masiibadu heshay waxa ugu culus Cabdirisaaq oo da’diisu tahay 12 jir, waxa lagu sameeyay qalin waxaanay dhakhaatiirtu qoyskiisa ku wargeliyay in dhaawaca soo gaadhay uu naafo dhaxalsiiyay.
Dhakhaatiirta la tacaalaysa xaalada Cabdirisaaq ayaa xusay in uu waayay labadiisi indhood, gacanta bidix ay ka goday dhudhunka hoose, calaacasha iyo shanta faroodna ay go’een, sidoo kale wajiga caloosha dhammaan waxa ka gaadhay firidhyadii Miinada.
๐ค๐ผ๐๐๐ธ๐ฎ๐ป ๐บ๐ฎ๐๐ถ๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฑ๐ ๐ต๐ฒ๐๐ต๐ฎ๐ ๐๐ฎ๐ฎ ๐พ๐ผ๐๐ ๐ฑ๐๐ฟ๐๐๐ณ๐ฎ๐ต๐ฎ ๐ฑ๐ต๐ฎ๐พ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฒ ๐ฑ๐ฎ๐ฏ๐ฟ๐ฒ๐ฒ๐ป ๐ฐ๐ถ๐ฑ๐ฑ๐ถ๐ถ ๐๐๐๐๐๐๐๐ฌ ๐ฑ๐ฎ๐ฟ๐๐ถ๐ถ ๐ ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐ป๐ฎ๐๐๐ฎ ๐ต๐ฎ๐น๐ธ๐ฎ๐น๐ฎ ๐
๐ถ๐ฑ๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ๐ต๐ผ ๐๐ฒ๐น๐ฒ๐ณ๐ผ๐ผ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐น๐ฎ๐ฎ๐น๐ธ๐ผ๐ผ๐ฑ ๐๐ฑ๐ถ๐ฟ๐ถ๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ฐ ๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐๐ถ๐ป 0634445714 ๐ฎ๐บ๐ฎ ๐-๐ฑ๐ฎ๐ต๐ฎ๐ฏ 0654881336 ๐ฎ๐บ๐ฎ ๐ช๐ต๐ฎ๐๐ ๐จ๐ฝ-๐ธ๐ฎ 0634445714.