𝗡𝗨𝗫𝗨𝗥𝗞𝗔 𝗙𝗔𝗥𝗜𝗜𝗡 𝗖𝗜𝗜𝗗𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗗𝗔𝗕𝗗𝗘𝗠𝗜S𝗞𝗨 𝗨 𝗗𝗜𝗥𝗔𝗬 𝗕𝗨𝗟𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔

Ciidanka Dabdemiska JSL, ayaa fariin mihiim ah u ldiray bulshada.

Fariinta ay Ciidanku u direen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka koobneyd 4 qodob.

Muwaadin xilligan lagu jiro Dabayl-xagaaga waxaa aad iyo aad u soo batay halista dabka, taasoo halis naf iyo maalba leh geysan karta. Wakhtiyadan u dambeeyayna ay soo badatay guryo badan,meherado ganacsi iyo suuqyo gubtay.

hadaba muwaadin ka digtoonow qodobadan:

1. Xadhkaha hoolmay ama xadhko kale oo laga yaabo inay ka dhalan karto khatar, waxaad si degdega ula xidhiidhaa shirkadaha korontada si dayactir loogu sameeyo.

2. Girgirayaasha ha dhigin banaanka guriga, waxaa suuragala in dhimbiilaha dabka ee ka soo duulayaa ay Qabsadaan guriga, kuwaasi oo ay ka dhalan karto dab.

3. Ka digtoonow inaad Sigaarka ku tuurto dhulka, bakhtii kuna rid goob ku haboon.

4. Qalabada korontada lagu isticmaalo, marka aad isticmaalkooda dhamaysato, fadlan iska dami, sidoo kale habeenkii markaad sii seexanayso demi korontada guriga.

Qodobadan iyo kuwo kale oo badan, waxay ka hortag u noqonayaan halista aafada dabka oo ah mid markastaba khatarteedu joogto.

Muwaadin hadii aad la kulanto masiibo dab soo wac lambarka gurmadka degdega ah ee 990 shirkadaha Telesom/Somtel 24 ka saacadood ba.

 

Bandhige@gmail.com