𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗠𝗮𝗱𝗵𝗲𝗲𝗿𝗮 𝗼𝗼 500 𝗼𝗼 𝗡𝗲𝗲𝗳 𝗼 𝗔𝗱𝗵𝗶 𝗮𝗵 𝘂𝗴𝘂 𝗱𝗲𝗲𝗾𝗮𝘆 𝗖𝗶𝗶𝗱𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗤𝗮𝘁𝗮𝗻𝗸𝗮

Gudoomiyaha gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdilaahi, ayaa masuuliyiinta iyo waxgaradka degmada Madheera kala wareegay 500 oo neef oo adhi ah iyo Agab kale oo iskugu jiray dhar iyo bagaash.

Badhasaab Cali Case wuxuu uga mahadceliyay deeganka Madheera kaalmada ay soo gaadhsiiyeen ee ay ugu talogaleen ciidanka Qaranka.

Cali Case wuxuu sheegay in kaalmadaasi ay tahay tii ugu ballaadhnayd ee loogu deeqay ciidanka Qaranka ee difaaca ugu jira dalka.

Toddobaadkii hore degmada Laaso-dacawo ee isla gobolka Saaxil ayaa ciidanka ugu deeqday adhi ka badan 200 oo neef oo adhi ah.