๐๐๐ฅ๐๐๐ฌ๐ฆ๐ – Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland ayaa bogaadiyay wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha.
Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa wasaaradda ciyaaraha JSL ku bogaadinay shaqada ay Qaranka u hayso, gaar ahaana arrimaha horumarinta dhalinyarada.
Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay Kulanka dib u eegista Siyaasadda Horumarinta Dhalinyarada.
Kulankaasi oo maanta magaada Hargaysa ka furmay waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.