𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗗𝗲𝗲𝗴𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗼𝗼 𝗗𝗮𝗮𝗵-𝗳𝘂𝗿𝗿𝗮𝘆 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗙𝘂𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗼𝗿𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮 𝗧𝘂𝗯𝘁𝗮 𝗬𝗮𝗿𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗶𝗸𝗵𝗮𝘄𝗴𝗮 𝗛𝗮𝘄𝗮𝗱𝗱𝗮

Wasiirka wasaaradda Deegaanka, iyo isbedelka Cimiladda JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta magaaladda Hargaysa ka furtay kulan lagaga arrinsanayo qorshaha fulinta tubta yaraynta Dikhawga Hawadda.

Kulan hawleedkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxaa soo qaban qaabisay wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland, iyo haayada World Vision, oo metelaysay Dalladda ay ku midoobeen 8 haayadood.

Kuwaasoo magacoodda loo soo gaabiyo (SomReP), Dr. Amaal Cali, oo ka socotay haayadda AQN International, iyo Aqoonyahano ka socday shirkadda Bizra, saraakiil ka socday haayadaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda Deegaanka Somaliland.

Waxa kaloo shirkaasi ka soo qayb galay madax iyo aqoonyahano ka kala socday wasaarradaha dawladda, iyo haayadda ka hor tagga aafooyinka dabiiciga ah, iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland ee loo soo gaabiyo NADFOR.

Kulankan ayaa la filayaa inay ka soo bixi doonaan qorshaha iyo Tubta lagu hirgelinyo mashruuca yaraynta Dikhawga Hawada, iyo sidii faa’iido dhaqaale looga samayn lahaa Carbon-ka Hawadda lagu sii daayo.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo kulankaasi furtay ayaa ka warbixisay u jeedadda kulankani, iyo waxyaabaha la rejaynayo in ay ka soo baxaan.

Waxaanay sheegtay wasiirku in kulankani uu la xidhiidho qorshe ay dhawaan isla qaateen wadamo badan oo caalamka ah.

Kaasoo lagu qorsheeyay in wasakhda ay Hawadda ku sii daayaan wadamadda horumaray laga faa’iidayso, isla markaana wadamadda dhaqaalahoodu hooseeyo ay u siin lahaayeen dhaqaale mag-dhaw ah.

 

Bandhige@gmail.com