𝗪𝗲𝗳𝘁𝗶𝗴𝗶𝗶 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗞𝘂-𝘅𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗚𝗼’𝗮𝗮𝗻 𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗞𝘂𝗹𝗮𝗺𝗮𝗱𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝗹𝗮 𝘆𝗲𝗲𝘀𝗵𝗲𝗲𝗻 𝗪𝗮𝘅𝗴𝗮𝗿𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗔𝘄𝗱𝗮𝗹

Weftigii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo tan iyo 19-kii bishan ku sugnaa gobolka Awdal, ayaa go’aamo ka soo saaray kulamadii ay la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada.

Weftiga Xukuumadda Somaliland ee madaxweyne kuxigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) hoggaaminayay waxay kulamadii ay la yeesheen waxgaradka gobolka ka soo baxay go’aamo quus iyo qaracan ku riday kooxaha qurbojooga ah ee sheegtay Awdal state, kuwaasi oo laga soo owday jid kasta oo ay ku doonayeen inay qas iyo qalaan-qal kaga ridaan gobolka Awdal.

Waxa la joogaa Amintii la dabaqi tabasho kasta oo ay qabaan reer Awdal, iyadoo xukuumadduna fagaare ka bayaamisay inay fulinayso intii suurtogal ah.

Go’aankaasi oo uu warbaahinta u akhriyay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Siciid Xasan Habane, waxayna u qornaayeen sidan:-

1 Waxa la isla gartay in laga wada shaqeeyo adkaynta nabadgelyada, guud ahaan gobolka.

2 Waxa kale oo la isla qaatay in la caddeeyo bulshadana la xasuusiyo, bulshada gobolkani inay ka mid yihiin bulshaweynta JSL, yihiina dadkii aasaasay Somaliland, taariikh fogna ku leh, aanay jirin wax la yidhaahdo Awdal State iyo cidkale oo sheegan karta oo ka arrimin karta arrimaha gobolkan iyo danihiisa.

3 Bulshada qaybaheeda kala duwan ee Waftigu dhageystay waxa ay ka qaadeen wixii tabasho ee mihiim ah ee la isla qiray, waxa wafti ahaan iyo xukuumad ahaan laga wada shaqayn doona sidii wax looga qabanlahaa.
4 Waxa waftigu bulshada ka codsanayaan dhambaalada iyo erayada aan wanaagsanayn, ee kala qaybin kara bulshada wada degan gobolka qaybaheeda kala duwan xasarad iyo xajiimeyna ku abuuri kara in laga fogaado, qof, koox iyo cidkasta oo arrimahaasi ku lug lihi inay ka waantoobaan, oo ay iska ilaaliyaan.
Gaba-gabadii waftigu waxa ay ku baaqayaan adkaynta midnimada, wada jirka iyo danaha bulshada in laga wada shaqeeyo.

Gaba-gabadii waxa uu waftigu u mahadnaqaya qaybaha kala duwan ee aanu soo sheegnay, cidkasta oo kala shaqaysay hawsha waftigu u joogay magaalada Borama maalmihii la soo dhaafay.