๐—ซ๐—ถ๐˜€๐—ฏ๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—ž๐—จ๐—Ÿ๐— ๐—œ๐—ฌ๐—˜ ๐—ผ๐—ผ ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—ฟ๐˜๐—ฎ๐˜† ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐—ฐ๐˜‚๐˜€๐˜‚๐—ฏ

Xisbiga talada dalka Somaliland haya ee KULKIYE ayaa doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen cusub, iyo musharax madaxweyne iyo musharax madaxweyne ku xigeen.

Xisbiga KULMIYE, oo shirwaynihiisii maalintii labaad ka soconayay magaalada Burco, ayaa musharax madaxweyne markale u doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, sidookale musharax madaxweyne ku xigeen u doortay wasiir Maxamuud Sacad Saajin.

Xisbiga ayaa sidookale guddoomiye cusub u doortay Wasiir Maxamed Kaahin Axmed, oo hore u ahaa guddoomiye ku xigeenka xisbiga, sidookale Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo ah siyaasi muddo dheer xisbiga ka tirsanaa ayaa u doortay guddoomiye ku xigeen.

Madaxweyne Biixi ayaa madasha kaga dhawaaqay in uu iska casilay guddoomiyaha xisbiga kahor intaan Kaahin loo cumaamadin xilka.

Waxaanu yidhi.”Waxa la ii soo kiciyay muddo dheer ka bacdi in aan idinku soo celiyo xilkii guddoomiyaha KULMIYE ee aad hore iigu igmateen”