𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗮𝘀𝗵𝗮𝘆 𝗺𝗮𝘄𝗾𝗶𝗳𝗸𝗲𝗲𝗱𝗮 𝗸𝘂 𝗮𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗴𝗼𝗯𝗼𝗹𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗹

Xukuumadda Somaliland ayaa markale sheegtay in gobolka Sool uu yahay dhul Somaliland ah, isla markaana dulaan lagu soo qaaday.

Wasiirka Wasaarada Tiknoolajiyada iyo Isgaadhsiinta Cabdiwali Cabdillaahi Sheekh Suufi, oo waraysi siiyay SAHAN TV, ayaa sheegay in gobolka Sool lagaga soo duulay qaybo Soomaaliya kamid ah.

Waxaanu yidhi.”Wasaarada arrimaha Dibbada ayaa soo saartay warsaxaafadeed kuna caddaysay mawqifka xukuumadda oo ah in Sool ay tahay dhul Somaliland ah waxa ka socda Sool maaha cabasho bulsho ee waa dagaal iyo duulaan si wayn loogu soo qaaday Somaliland”.

Suufi waxa uu sheegay in socdaaladii u danbeeyay ee hoggaamiye Firdhiye ay caddayn u yihiin in Somaliland lagu soo duulay, isaga oo ula jeeda socdaaladii uu dhawaan ku tagay magaalada Muqdisho.

Waxa uu soo hadal qaaday dhinaca wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo sheegay in Somaliland ay dowlada Soomaaliya kula hadli karto uun fagaare caalami ah, oo loo dhanyahay.

Xiisada magaalada Laascaanood ayaan wali dhamaan, iyada oo xukuumada Somaliland ay sheegtay in aanay suuragal ahayn in Laascaanood Somaliland laga jaro.