𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗝𝗦𝗟 𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝘁𝗮𝘆 𝗶𝗻 𝗹𝗮𝘀𝗼𝗼 𝘄𝗲𝗲𝗿𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗰𝗶𝗶𝗱𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗸𝘂 𝘀𝘂𝗴𝗮𝗻 𝗦𝗼𝗼𝗹

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in isbahaysi argagixiso ah, maleeshiyaad, iyo ciidamada Puntland ay soo weerareen ciidamada Qaranka ee ku sugan gobolka Sool.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu sheegay in weerar gardaro ah lagu soo qaaday ciidamada Somaliland ee ku sugan jiida Sool.

“Wasaarada Gaashaandhiga JSL, waxay si xoog ah u cambaaraynaysa talaabada gardarada ah ee doqoniimada ah, ee ay saaka ku kaceen maleeshiyaadka Laascaanood, ciidamada Puntland iyo kooxo argagixiso ah oo caan ah”Ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Waxa warbixinta lagu sheegay in Somaliland ay talaabadan u aragto mid khatar ku ah amniga, waxayna sheegtay in ciidamadeedu ay si geesinimo leh iskaga difaaceen weerarka, isla markaana ay burburiyeen ciidamadii weerarka soo qaaday.

Somaliland beesha caalamka ayay ugu baaqday in ay kala qaybgasho cambaaraynta weeraro argagixiso, iyada oo sheegtay in dagaalka argagixisadu u baahanyahay iskaashi.