𝗫𝘂𝗸𝘂𝘂𝗺𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗲𝗲𝗴𝘁𝗮𝘆 𝗶𝗻 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗼𝘀 𝘂 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝘆 𝗴𝗮𝗻𝗮𝗰𝘀𝗶𝗴𝗮 𝘀𝘂𝘂𝗾𝘆𝗮𝗱𝘂

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in uu jiro hoos u dhac ku yimid ganacsiga, kadib hakad galay ganacsigii Wajaale iyo kii bariga.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyada Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, oo kulan la qaatay guddida dhaqaalaha ee golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay in ganacsiga xooluhu uu aad u wanaagsan yahay, balse ganacsiga suuqyadu uu hoos u dhacay.

Waxaanu yidhi.”Ganacsiga xooluhu wuu fiicnaa sannadka, roob badana wuu da’ay, xooluhuna way inoo caafimaad qabaan, xoolo badan ayaa dhoofay, lakiin waxa uu ganacsigeenu uu aad ugu xidhnaa ganacsigii Wajaale mari jiray kaasi oo uu hadda hakad ku yimid, waxa inoo soo raacay kii bariga laftiisa”.

Gubashada suuqii waynaa ee Waaheen iyo dagaalka Laascaanood ayaa dhaawacay dhaqaalaha Somaliland, hadana dhawaan waxa uu dab waxyeelo wayn soo gaadhsiiyay suuqa wayn ee Wajaale, kaasi oo uu dhaqaale badani kasoo gali jiray Somaliland.

Wasiirka oo golaha kala hadlay dajinta miisaaniyada sannadka 2024, ayaa sheegay in dhaqaale badan loo qoondayn doono difaaca Somaliland iyo doorashooyinka.