๐—ซ๐˜‚๐—ธ๐˜‚๐˜‚๐—บ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ป๐—ฑ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐——๐—ถ๐—ฏ ๐˜‚๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—–๐—ฒ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐˜† ๐—ง๐—ฎ๐—ต๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฏ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—น ๐—ธ๐˜‚ ๐—ฅ๐—ฎ๐—ณ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐˜† ๐—Ÿ๐—ถ๐—ถ๐—ฏ๐—ถ๐˜†๐—ฎ ย ย 

Dowladda Somaliland ayaa dalka dib ugusoo celisay 51 muwaadiniin, ah kuwaas oo ku dhibaataysnaa gudaha dalka Liibiya.

Soo celinta muwaadiniinta reer Somaliland ee ka yimid dalka Libya, ayaa waxaa iska kaashaday hayโ€™adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka iyo hayโ€™adda socdaalka adduunka ee IOM.

Guddoomiyaha hayโ€™adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Mudane Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif), ayaa sheegay in hayโ€™adda IOM dadaal badan ku bixisay in muwaadiniintan dalka dib loogu soo celiyo, isla markaana markale la midoobaan waalidiintood.

Waxaanu yidhi.โ€œDhallinyarada dalka soo gaadhay ee laga soo celiyay dalka Liibiya waa 51, waxa halkan ku soo dhaweynaya anaga iyo hayโ€™adda IOM oo wada socona, waxa aanu u mahadcelinayna hayโ€™adda IOM, taas oo ka shaqaysay in eheladoodii iyo reerahoodii loo soo celiyo,โ€

Wiil kamid ah dhallinyarada dalka dib loogu soo ceilyay ayaa sheegay inay uu la kulmay dhibaatooyin kala duwan, waxaanu sheegay in 6 bilood la garaacayay, isla markaana 14-kun oo dollar madaxiisa la dul dhigey.

Waxaanu yidhi.โ€œ2021-kii bishi 10-aad ayaan dalka ka tagey, markii aan galay gacanta Magafaha 6 bilood ayuu igaraacayay, lacag 14500 dollara ayuu iga doonayay, hooyaday iyo aabahayna way dhinteen tolkayna way iga bixin kari waayeen, tolkayna ha dhinto ayay yidhaahdeen, Magafuhuna gacmaha ayuu iga xidhay, jidh dil ayuu igu sameeyay,โ€

Hooyo Hani waxa ay sheegtay inay ku faraxsan tahay in gabadheedii dalka dib ugu soo laabatay, waxaaney tidhi โ€œFarxad ayaan dareemaya, waa ILLAAHEY mahadii, 3 sano ayay maqneyd, 3 sano silic iyo murugo ayay ii ahayd, maantana farxadayda lama soo koobi karroโ€.