100 sanno ayaa ka soo wareegtay markii haweenka Ingiriiska loo oggolaaday in ay codeeyaan

Maanta waxay ku beegan tahay 100-guuradii ka soo wareegtay markii la ansixiyey xeer oggolaanaya in ay haweenka Ingiriisku codkooda dhiiban karaan.

Xeerkaas ayaa oggolaaday in haweenka hantiileyaasha ah ama xaaska u ah hantiileyaasha ee da’doodu ka weyn tahay 30 sanno ay codayn karaan.

Haseyeeshee halgan ay sannadihii ka dambeeyey haween-waynaha Ingiriisku qaadeen ayaa markii dambe lagu oggolaaday in dhammaan haweenku codayn karaan.

Sida ka muuqta shaxdan hoose oo uu maanta soo bandhigay Telefishanka CNN, New Zealand iyo Finland ayaa ka horreyey Ingiriiska in ay haweenka u oggolaadaan in ay codeeyaan, waxaana ku xigay Maraykanka iyadoo Sucuudigu yahay waddankii ugu dambeeyey ee oggolaaday in haweenku ay doorashooyinka qaar codkooda dhiiban karaan.

Bandhige@gmail.com