100 suxufi oo loo qabtay muxaadiro ku saabsan anshaxa suuban iyo saxaafadda

Ururka Al-bashiir oo ka shaqeeya dacwada Diinta Islaamka iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa shalay magaalada Hargeysa ka furay kulan muddo saddex maalmood ah soconaya oo ku saabsan sidii saxaafaddu u tabin lahayd warar togan, una ilaalin lahayd anshaxa suuban ee saxaafadda iyo bulshada.

Kulankan oo soconaya saddex maalmood ayaa saxafiyiintu culimada kaga dhegaysan doonaan doorka diinta Islaamka ay ku leedahay warbaahinta iyo kalmado ku saabsan cibaadada, waxaana ka qayb galaya inka badan 100 suxufi.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac โ€œXuutoโ€ ayaa furitaankii kulankaasi suxufiyiinta ku boorriyay in ay ka faaโ€™iidaystaan, islamarkaana ka qayb qaataan aqoon korodhsiga halkaasi culimadu ku soo bandhigayso iyo waanada diiniga ah. Waxa uu ugu baaqay in ay dhawraan anshaxa saxaafadda.

Waxa uu intaasi ku daray in kulamo hore oo noocan ahi noqdeen kuwo midho dhal ah oo faaโ€™iido u yeeshay bahda saxaafadda.

Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa si rasmi ah u furay kulankaasi, waxaanu tilmaamay mushkiladdaha ka taagan cabashooyinka saxaafadda laga tirsado.

Waxa kale oo uu sheegay in qorshe cusub oo ay wadeen oo ah in cidda saxaafadda cabasho ka qabtaa maxakamadda dacwad ka furato iyadoon suxufiga la xidhin, hase ahaatee qorshahaasi uu wajahay caqabad ah in sharcigii hagi lahaa aanu jirin ee dhinaca saxaafadda.

Sidoo kale waxa uu suxufiyiinta u sheegay in ay dadaal badan ugu jiraan ilaalinta xuquuqda saxafiyiinta, hase ahaatee ay habboon tahay in saxaafaddu dhawro xuquuqda dadka kale si ay u guulaysto ilaalintoodu.

Waxa uu ku boorriyay in ay akhlaaqdooda dhawraan maadaama war abuuri karo fidmo, saxaafadduna hayso masuuliyad culus oo muhiimad leh.

Wasiirka diinta iyo Awqaafka Sheekh Khaliif Cabdillaahi Axmed ayaa isna kulankaasi ka hadlay waxaanu saxaafadda ku boorriyay ilaalinta anshaxa suuban.

Waxa uu sheegay in ay habboon tahay in suxufiyiintu Alle maanka ku hayaan markay wax qorayaan si ay uga feejignaadaan waxyaabaha bulshada dhibta ku ah. waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la hubiyo xogaha la helayo, isagoo ka digay in war kasta oo la helo la sii faafiyo, wuxuuna bahda warbaahinta ku boorriyay inay tafatiraan waxyaabaha ay baahinayaan si waxyaabaha bulshada ku dhibka ah ay u reebaan.

Ugu dambeyntiina Sheekh Maxamed Cumar Dirir ayaa halkaasi ka jeediyay muxaadaro mawduuceedu yahay Sirta nolosha. Kalmaddan cibaadada khusaysay ayuu ku sharaxay sababta baniโ€™aadamku u jooga adduunyada, isagoo tilmaamay in loo socdo Aakhiro, taasna sahaydeeda laga qaadanayo maalmaha adduunka.

Waxa uu sidoo kale ka jawaabay suโ€™aalo saxafiyiintu ka waydiiyeen arrimaha wararka, isagoo bahda saxaafadda ku boorriyay hubinta macluumaadyada ay faafinayaan.

bandhige@gmail.com