16-ka Juun kadib xawaaladaha Somaliland 30% lacagaha waxay ku bixin doonaan Shillinka Somaliland

Marka la gaadho 16ka June haddii aad xawaalad lacag u doonato, Doollar kaliya jeebka kuma shuban doontid laakiin sidoo kale waxad la soo bixi doontaa bac Shillinka Somaliland ah. Sidaas waxa wadajir u go’aamiyey xukuumadda iyo ururka xawaaladaha.

Shir-saxaafadeed ay duhurnimadii Khamiista Maansoor Huteel ku qabteen Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali, Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Ganacsiga Dr. Muuse Qaasim iyo Guddida Xawaaladaha ayaa lagu soo bandhigay heshiis la xidhiidha adeegsiga Shillinka Somaliland ee xawaaladaha.

Sida uu tibaaxay weriye ka tirsan Bandhige oo la socda dhaqdhaqaaqyada lagula dagaalamayo sixir-bararka, xukuumadda iyo xawaaladuhu todobaadkii tagay waxay yeesheen kullano gooni gooni ah kadibna waxay isla qaateen go’aan dhinacyadu raali ku wada yihiin, kaas oo ah in laga bilaabo 15-ka June ay xawaaladuhu lacagaha macaamiishooda loo soo xawilo 30% Shillinka Somaliland ku siin doonaan.

Wasiirrada qaabilsan dhaqaaluhu shirkooda jaraa’id kuma ay xusin sharciga ay go’aankan u cuskadeen.

Go’aankani wuxu la socdaa isku-day ay xukuumaddu ku xakamaynayso kor-u-kaca qiimaha lacagaha qalaad, gaar ahaan Doollarka oo meel weyn kaga jira dhaqaalaha Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga, Dr. Muuse Qaasim, ayaa 25-kii May, mar uu ka hadlayey jir-jaraa’id oo xayn wasiiro ahi ku qabteen Wasaaradda Maaliyadda,  wuxu saxaafadda u sheegay in ay go’aamiyeen in la joojiyey wax-ku-iibsashada Shillinka Somaliland laga bilaabo 26 May, go’aankaas oo sida muuqata aan weli hirgelin.

Qiimaha Doollarka oo beryahan kor u kacay ku dhawaad 10% marka loo eego halkii uu taagnaa December 2014 ayaan weli si rasmi ah loo shaacin waxa sababay, walow ay dadka qaar ku sababeeyeen xoolo badan oo Yemen u dhoofi jiray oo joogsaday rabshadaha halkaas ka jira dartood, kadibna ay taasi meesha ka saartay lacag badan oo adag oo dalka soo geli jirtay.

Dhaqaaleyahanno aanu waraysanay waxay sheegeen in ay koboca dhaqaalaha u wanaagsan tahay dhiirigelinta isticmaalka lacagta dalku, ujeeddada go’aankanina yahay mid wanaagsan. Laakiin waxa ay ka digeen nidaamka isbeddelkan loo samaynaa in uu noqdo mid aan laga baaraandegin lana fuliyo iyadoon daraasad lagu samayn.

“Go’aanada caynkan ahi wakhti bay u baahdaan. Sidoo kale taxadar ayay u baahan yihiin. Su’aasha muhiimka ahi waxa weeyi si looga fogaado in shariikaduhu macaamiisha dhacaan yaa jaraya arroor walba heerka sarrifka lacagaha” ayuu yidhi dhaqaalyahan u warramay Bandhige.

Dhanka kale, dadka aqoonta u leh arrimaha sarrifka lacaguhu waxay sheegeen in go’aankani u wanaagsan yahay xawaaladaha maadaama ay awood u yeelan doonaan in qiimaha ay iyagu rabaan ay dadka ku siiyaan.

Haddii ay dadweynuhu arkaan qiimaha ay xawaaladuhu lacagaha ku bixinayaan oo ka jaban ka ay sarrifleyaasha suuqu ku bixiyaan, waxa la saadaalinayaa in ay bilaabmi karaan xawaalado suuq madow ah kuwaas oo lacagta ku bixiya Doollar kaliya ama waafaqa go’aanka Xukuumadda laakiin ku bixiya qiime ka sarreeya ka ay xawaaladaha waaweyni ku sarrifayaan.

Haddii ay go’aannadani sidaas ku hirgalaan, isla markaana ay natiijo togani ka soo baxdo, waxay noqdon doontaa guul fiican oo u soo hoyatay xukuumadda, gaar ahaan hay’adaha qaabilsan dhaqaalaha qaranka oo Baanka Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyaddu ugu horreeyaan.

Haddiise uu sixir-bararku sii socdo, go’annadanna ay ka dhashaan khalkhal ku yimaad suuqyada iyo wax-kala-iibsiga, xukuumaddu waxay ku qasbanaan doontaa in ay u diyaargarowdo xallinta caqabado ay abuuristooda qayb ka ahayd.

bandhige@gmail.com