Xukuumaddu waxay markii u horeysay raashin u qaybisay 150 qoys ka dib baaqii abaaraha

Wefti isku jiray Wasiirka Madaxtooyada, Marwada Koowaad ee Qaranka, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo Wasiiro kale ayaa safar ku tagay degmada Agabar waxayna gaadhsiiyeen deeq raashin ah, waxay gaadiid u wareejiyeen maamulka degmada isla markaana dhagax-dhigeen mashaariic cusub.

Warbixin uu Xirsi Xaaji Cali Xasan ku soo bandhigay bartiisa Facebook-ga ayuu kaga warramay sidii hawshani u dhacday, waxayna warbixintaasi u qornayd sidan:

 

Waxaan Shalay socdaal isugu jira u kuur-galida xaaladaha abaareed iyo gudoonsiinta mashaariic hor-u-marineed oo aanu ku gaadhnay degmada Agabar ee Gobolka Gabiley.

Socdaalkan oo aan ku wada jirnay Marwada Koobaad. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Wasiiro, Xildhibaano iyo maamulka heer degmo iyo heer Gobol ayaa ujeedadiisu ahayd ka jawaabida baahiyaha aasaasiga ah ee degmada oo ay ugu muhiimsanaayeen wax ka qabashada baaqii abaareed ee maalmihii u dambeeyey ka taagnaa Gobolada Galbeedka Somaliland iyo sidoo kale sidii loogu wareejin lahaa gaadiid ay isticmaalaan maamulka degmadu oo baahi badan loo qabay.

Sidoo kale waxaa deeq raashin ah la gaadhsiiyey ku dhawaad 150 guri oo abaarahuhu saameeyeen, deeqdaas oo hordhac u noqon doonta qorshaha xukuumadu kaga aadan ka jawaabida baaqa abaaraha ee ka taagan Gobolada Galbeedka dalka.

Sida aynu ognahay degmadda Agabar waxay ka mid tahay dhul beereedka dalkeena Somaliland waxaana hubaal ah in qorshaha ay ka mid tahay in biyo-xidheeno waaweyn laga sameeyo si ay wax badan uga taraan biyaha roobka ee sanad walba socodka ku dhaafa kuwaas oo wax badan ka tari lahaa abaaraha soo noqnoqda,Sidoo kalena kor u qaadi lahayeen wax soo saarka dalkeena.

Ugu dambayntii waxaanu degmadda u dhagax dhignay dhisme ay ku shaqeeyaan maamulka degmada Agabar kaasi oo wax badan ka tari doona dardar gelinta hawl maalmeedka maamul ee degmada sidoo kalena aanu u balan qaadnay in gaadiidka dhooliga ah “Ambulance” aanu dhawaan u keeni doono.

Talaabadan ayaa ah noqonaysa talaabadiii ugu horeysay ee dawladdu kaga jawaabto baaqa abaaraha Goboladda Galbeedka.

bandhige@gmail.com