20 Umuliso oo Tababar loogu soo xidhay Hargeya

Hargaysa – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta Tababar usoo gabo-gabeeyay 20 Umuliso oo ka kala socday Xarumaha Caafimaadka ee gobollada Maroodijeex, Togdheer iyo awdal.

Madasha lagu soo gabo-gabaynayay Tababarkan aya waxaa agaasimaha ku Wehelinayay Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Maroodijeex Dr-Cabdicasiis Cumar muse Masuuliin ka socotay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Haayaddaha Save the children oo Wasaaradda kala shaqaynaysay hirgelinta Tababarkan,

Ugu Horayn waxaa halkaa ka hadlay Isuduwaha Wasaaradda Horumarintao Caafimaadka ee gobolka Maroodijeex Dr-Cabdicasiis Cumar Muuse isagoo ka waramay ahmiyadda uu Tababarkani u leeyahay Shaqaaha Caafimaadka gaar ahaan Umulisooyinka oo qayb mihiim ah ugu jira Xarumaha Caafimaadka ee dalka, isagoo kula dardaarmay inay aqoontooda uga Faa’ideeyaan Sidoo kalana ku Caawiyaan hooyooyinka u baahan ee adeeg Caafimaad usoo doonta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo Si rasmi ah usoo gabo-gabeeyay Tababarkan ayaa dhankiisa u Mahadceliyay Shaqalaaha Caafimaadka gaar ahaan Umulisooyinka Tababarkan Qaatay isagoo Xusay Sida ay Muhiimka ugu Yihiin Goobaha Caafimaadka ee ay ka hawl galaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadkuna ay u ogtahay Hawsha Baaxadda leh ee ay hayaaan, isagoo ugu duceeyay inuu alle ku garab galo hawshaa wanaagsan ee ay Bulshadooda u hayaan, kulana dardaarmay inay sii dardar-geliyaan korna usii qaadaan dadaalada ay Wadaa, Wasaaradda Horumarinta Caafimaadkuna ay marwalba diyaar u tahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo Xirfadooda aqooneed.

Tababarkan oo socday Mudo 9Maalmood ah ayaa wax weyn ka tari doona dadaaladii ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ugu jirtay xoojinta iyo tayaynta adeeg Bixinta Xarumaha Caafimaadka iyo kor u qaadita aqoonta Shaqaalaha Caafimaadka ee ka hawl gala Xarumaha Caafimaadka ee dhamaan goboladda dalka.